|
|
||||||||||||
|
|
Published on 20/04/2008, GMT 04:10Pm Xaflada Sannad-guuradii Labaad ee Wargeyska Geeska Afrika Hargeysa (Geeska)- Munaasibad ballaadhan oo lagu xusaysay sannad guurada labaad ee ka soo wareegtay aasaaskii wargeyska Geeska Afrika oo ku beegnayd 17 April, 2008 ayaa khamiistii lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.Xuska sannad guurada 2aad ee Geeska Afrika, ayaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf tiro badan oo isugu jiray, siyaasiyiin, aqoonyahan, culimada Diinta, ganacsato, saxafiyiin iyo dad kale. Waxa laga jeediyay khudbado lagaga hadlay arrimo tiro badan oo isugu jiray arrimo siyaasadeed iyo kuwo ku saabsan Wargeyska iyo xuskiisa. Khubadahaas oo lagu baahiyay inta badan warbaahinta maxaliga ah, waxaanu ka soo qaadanaynaa weedhihii ay masuuliyinta hadashay sida gaarka ah ugu soo qaadeen wargeyska Geeska Afrika.Sheekh Maxamed Cumar Dirir “Waxaynu u mahad naqaynaa walaaleheen oo inagu casuumay halkan, dhalinyarada soo saarta Wargeyska Geeska Afrika, iyaga oo runtii inoo soo jeediyay wixii aynu talo ku biirin karno. Qofku sidiisaba haddii uu kuu soo jeediyo in aad tallo ku biirin karto, wuu ku ixtiraamay, markaa iyagana waynu u mahad naqaynaa. Waxaan dareemayaa in ay saxaafaddu tahay wax loo baahan yahay, oo sideedaba dadku in uu war helo noloshooda qayb muhiim ah ayay ka tahay, markaa in aynu macluumaad helno oo dhalinyaradu meelo kala duwan macluumaadka inooga soo diyaariso, hadday tahay buugaagta sida ay sheegeen iyo hadday tahay shabakadaha macluumaadka iyo wararka, wax wayn bay dadka u tahay.” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)“Waxaan jecelahay in aan hambalyeeyo Wargeyska Geeska Afrika, oo laba jirsaday, oo aynu maanta u dabaal degayno sannad guuradiisa labaad, Guddoomiyaha wargeyska iyo dhamaan qorayaasha wargeyska hambalyo iyo bogaadin ayaan u soo jeedinayaa, waxaanan la qabaa intii halkan laga sheegay ee Wargeyska Geeska Afrika, dhamaan dhalinyaradaa samaysay ee aan balwadda lahayn ee suurto geliyay in wargeyskaasi laba sannadood aanu maalin qudha istaagin, waxa kale oo aan ku hambalyaynayaa in aanay cid ka cadhootay labadaa sannadood ama war ay qoreen oo la beeniyay aanay jirin, saxaafadda laftigeeda waxaan ku hambalyaynayaa maalintan oo aan qabo in ay maalmahooda ka mid tahay.” Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddoomiyaha KULMIYE“Waxaan aad u hambalyaynayaa Wargeyska Geeska Afrika, sannadguuradiisa labaad, waxaan ku hambalyaynayaa in uu Wargeyska Geeska Afrika noqday bahda warbaahinta kuwa hormuudka ka ah, firfircooni muujiyay, si wanaagsan oo xilkas ahna u dhaqmay, hambalyo balaadhan baanan u soo jeedinayaa.” Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)“Sideedaba bulshada Soomaalidu waa war ku nool, waxana keenay waa bulsho reer guuraa ah oo had iyo jeer war raadinaysa, marka sidaas ayeynu dhammaanteen u nahay war ku nool. Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa dhallinyarada wargeyska Geeska Afrika oo runtii muujiyey dedaal weyn oo mudan in lagu ammaano hambalyayeeyo. Aad baan ugu faraxsanahay in cimrigaygu igu simo inaan maanta joogo dalkaygii oo maalinba wargeys iyo hay’ad warbaahineed dhalasheedu loo dabbaaldegayo, taasna Ilaahay ayaan ugu mahadnaqayaa” Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha UCID “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada Wargeyska Geeska Afrika, Wargeyskan iyo kuwa kaleba waxaanay inaga mudan yihiin sharaf iyo wanaag, waayo waxa ay ku shaqaynayaan xaalad adag, markaa marxalado badan ayayna soo mareen. Marka aan u soo noqdo Wargeyska Geeska Afrika, isma laha da’da ay joogto ama muddada ay jirto iyo tayadeedu. Taasi waxa ay ku tusaysaa in ay marka horeba lahaayeen yool, oo ay doonayeen in ay yoolkaa gaadhaan, oo aanay ahayn waxoodu wax dhow oo caadifad ah, laakiin ay doonayaan in ay noqdaan wargeys waara oo taariikh yeesha oo la kala dhaxlo, waxaana sii caawiyay kala duwanaanshaha dadka ka shaqeeya, oo aan ka soo wada jeedin isku deegaan, ee ay ka soo jeedaan deegaano kala duwan ayaa aad iyo aad u caawisay, taasina waa ta maanta ka dhigtay ta loogu jecel yahay Wargeyska Geeska Afrika, jaraa’idka Somaliland.” Dr. Axmed Xuseen Ciise, Xoghayaha Arrimaha dibadda ee KULMIYE ahna Murashax “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa, hambalyaynayaana Wargeyska Geeska Afrika, oo u dabaal degaya sannad guuradiisii labaad. runtii waa wax aad loogu farxo. Wargeyskaasi intii uu soo baxayna dhamaanteen waxa aynu wada qiraynaa in uu ku soo kordhiyay saxaafadda Somaliland wax badan, aragti cusub, qoraalo cusub oo aan hore looga hadli jirin, waanan ku hambalyaynayaa.” Cumar Jaamac Faarax, xoghayaha siyaasadda ee UDUB“Aad baan ugu hambalyaynayaa dhallinyarada xafladan soo abaabushay ee Wargeyska Geeska Afrika, wakhtiga kooban ee ay horumarka intaa leeg ku gaadheen.”Maxamed Kaahin Axmed, Mujaahid SNM ah“Aad baan ugu hambalyaynayaa da’yarta dhalinyarada ah ee aynu maanta halkan ugu dabaal-degayno sannad guuradii labaad ee Wargeyska Geeska Afrika, dedaalka ay sameeyeen, firfircoonida ay sameeyeen iyo wargeyska sida ay u taabo-geliyeen, aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa, aad iyo aad baanan ugu bogaadinayaa.” Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise“Waxaynu ognahay marxaladda dalku ku sugan yahay, dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba. Waxa nasiib ah oo wax lagu faano ah Wargeys cusub oo soo baxay in maalin qudhana aanu hakan muddo laba sannadood ah, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta Wargeyska Geeska Afrika, waxaan leeyahay waa nimankaa dhalinyarada ah ee firfircoon oo bilaa balwadda ah ayaa keenay in wargeyskoodu is taagi waayo, aad baan ugu ammaanayaa, waxaan leeyahay way ku mahadsan yihiin, tusaale wanaagsanna waxay u noqon doonaan saxaafadda Somaliland, waxay ku wadaana waa dhiig, aad baanan wargeyska Geeska Afrika ugu mahad naqayaa. Waxa jirta gabadh ka tirsan ururka saxafiyiinta SOLJA, Muha Daahir Faarax Jire, oo iska xil saartay in ay maanta bilad aanu magaca suxufiyiinta Somaliland ku bixinayno in Wargeyska Geeska Afrika la siiyo. Biladdaas oo aan guddoonsiinayo Guddoomiyaha Wargeyska, waxa weeye kaalinta uu kaga jiro saxaafadda Somaliland iyo khaasatan in uu hakan waayay labadaa sanno ee uu shaqaynayay maalin ka mid ah. Run waxaan idiin sheegayaa xitaa wargeyska qaranku gacanta ku hayaa in uu maalmo hakaday. Wargeyskaa dhalinyaradu gacanta ku haysaa in uu hakan waayay waa nasiib waana wax lagu faano.” Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), guddoomiyaha Wargeyska Saxan Saxo“Waxaan doonayaa in aan u hambalyeeyo Wargeyska Geeska Afrika, sannad guuradiisa labaad ee aynu taaganahay. Nimankayaga wargeysyada jooga waxaan idiin sheegayaa in Geeska Afrika, uu yahay Wargeyska ugu quruxda badan, taa waan u qirayaa. Waxaan u leeyahay waa wargeys dhamaantii dhalinyarada ka shaqaysaa mid kaliyi aanu balwad lahayn sidayada, waa niman dhalinyaro ah oo dedaala, maskaxdoodu fareesh tahay, aan daalanayn, xan horena aan lahayn, intaas ayaan ugu hambalyaynayaa.biladdana way geyaan in la siiyo.” Faysal Cali Sheekh, Guddoomiyaha Wargeysyada
Jamhuuriya Media Group“Farxad weyn bay ii tahay in aan idinkala
qayb galo sannad guuradii labaad ee aasaaska ama dhalashada wargeyska
Geeska Afrika, aad iyo aad ayaanu ugu faanaynaa anaggu haddaanu Jamhuuriya
nahay wargeyska Geeska Afrika, oo ah meelihii uu ka soo unkamay, isaga
iyo qaybo badan oo saxaafadda ka mid ah. Waanuna ku hambalyaynaynaa
kaalinta muhimka ah ee iyaga oo laba jira ah durba ka qaateen saxaafaddii
iyo bulshadoodaba. Waxaanan u arkaa in ay tahay guul u soo hoyatay
Somaliland, waanuna soo dhawaynaynaa haddaanu nahay wargeysyadii hore.” Source: Wargeyska Geeska Afrika
|
|
||||||||||
© 2006-2008:
Copyright reserved, Wargeyska
Geeska Afrika |