Dawladda Boqortooyada Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Socdaalaan Dalalka Somaliland
Thursday, 25 June 2009

London(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u socdaalaan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somaliya, arrimo la xidhiidha dhinaca ammaanka darteed.

Wasaaradda xidhiidhka dibadda iyo Barwaaqo ee dalka Ingiriiska, ayaa warsaxaafadeed ay shalay ku baahisay boggeeda Internetka, waxa ay ku sheegtay in, inkastoo xaaladda amni ee Somaliland ay ka fiicantahay qaybaha kale ee Somaliya, haddana waxa uu tilmaamay inay jiraan khataro cad oo ku waajahan danaha Ingiriiska. “Waxaanu ku talinaynaa in la joojiyo dhammaan safarada lagu tagayo  Somaliya, oo ay ku jirto Somaliland. Koonfurta iyo badhtamaha Somaliya, waxa weli ka socda qalalaase khatar ah, waxa heer khatar ah gaadhay  faldambiyadeedka iyo guud ahaan amni xumada gudaha. Waxaanu kula talinaynaa muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo jooga Somaliya inuu iskaga tago.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Isagoo warsaxaafadeedku ka hadlayay Somaliland, waxa uu yidhi, “Inkastoo xaaladda gobalada Somaliland ay ka degentahay, haddana weli waxa jirta khatar cad oo ku waajahan danaha Ingiriiska. 29-kii bishii Oktoobar, sannadkii 2008 waxa Somaliland ka dhacay saddex qarax, halka ay Puntland-na ka dhaceen laba qarax. Khasaaraha dhimasho ayaana laga soo tebiyay Hargeysa iyo Boosasaba.”

Waxa warsaxaafadeedka lagu sheegay inaanu Ingiriisku safaarado ku lahayn Somaliland iyo Somaliya, “Ma jiro wakiil Ingiriis oo jooga qaybaha kala duwan ee Somaliya. Somaliland waxa shaqadeedii safaaradeed daboola safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa, halka qaybaha kale ee Somaliyana ay daboolaan guddiga sare Ingiriiska ee Nayrobi ku sugan. Ma awoodno inaanu caawimaadka qunsuliyadeed ka bixino Somaliya, haddii ay xaaladu sii xumaato ma awoodi doono inaanu ku caawino.” Ayuu yidhi Warka lagu baahiyay bogga internetka ee xafiiska Barwaaqo sooranka iyo arrimaha dibadda.

Dawladda Ingiriisku, waxa ay soo hadal qaaday weeraradii argagixiso ee Somaliland ka dhacay sannadkii 2008 dabayaaqadiisii, “29-kii Bishii Oktoobar waxa Hargeysa, oo Somaliland ah ka dhacay saddex qarax oo lala kala beegsaday xarunta Qaramada Midoobay ee UNDP, xafiiska ganacsi ee Itoobiya iyo xarunta Madaxtooyada. Dhimasho way jirtay xafiiska UNDP iyo Xafiiska Itoobiyaba. Tirada rasmiga ah ee  dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku dhintay ma cadda.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka, waxaanu intaas raaciyay, “Tiro Ingiriis iyo reer galbeed ah ayaa ku dhintay oo ku dhaawacnay weeraradaas Siomaliland. Maamulka Somaliland waxa uu rumaysanyahay inay ahaayeen weeraro argagixiso.”

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa