| Kulmiye Oo Ka Hadlay Kullan Ay La Yeesheen Taageerayaasha Somaliland Ka Caawiya Doorashadda |
| Thursday, 25 June 2009 | |
|
Hargeysa (Geeska) – Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md Kayse Xasan Cige ayaa ka xog-waramay kulammo gaar gaar ah oo Axsaabta Siyaasaddu la yeesheen Wakiilka Somaliland u jooga Midawga Yurub Mr; Ulof.
Islamarkaana waxa uu tilmaamay in kulamadan lagaga wadda-hadlay sidii saddexda xisbi Qaran u sii amba qaadi lahaayeen wada hadallo la xidhiidha diyaar-garowga howlaha Doorashada oo dhawaan hakad galay. Md Kayse Xasan Cigge oo Xalay Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey ujeedada iyo nuxurka wadda-hadalada dhexmaray Wakiillka Deeqbixiyayaasha u jooga Somaliland, waxa uu sheegay in aanay jirin wax cusub, “Waa arrintii aanu awalba warka u haynay ee ninmanka dawladu Nayroobi u tageen iyo sidii deeqbixiyayaashu ugu adkaysteen inay lacagtii bixiyaan oo heshiiskii sidii uu ahaa loo amba qaado ama ha noqoto dhinaca Komishanka ama ha noqoto dhinaca gudidii kormeerka.” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Kulmiye. Waddamada Somaliland ka taageera howlaha Doorashooyinka ayaa soo saaray qodobo ay shuruud uga dhigeen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Madaxtooyada ee soo socota, islamarkaana waxa jiray dhawaan Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo socdaal arrintaa la xidhiidha ku tagay Dalka Kenya. Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye oo ka hadlaya kulanka deeqbixiyayaashu Nayroobi kula yeesheen xubnahan Wasiiradda ah waxa uu yidhi. “Qoladaas deeq-bixiyayaashu halkii hore ayay ku adkaysteen oo waxa ay yidhaahdeen, anagu cid gaara la hadli mayno oo heshiisku saddex geesood ayuu ahaaye soo dhamaystira oo saxeex la kaalaya aad saddexdiinuba aad saxeexdeen in aad arimihii ka heshiiseen, markaa ayaanu lacagtii soo shubaynaa oo aanu hawsha galaynaa, markii ay kala soo noqdeen faro madhnaanta ayay axsaabta ogaysiinayeen.” Xoghayaha Kulmiye, oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Anagu meel ka dhac ayaanu u aragnaa in xisbi ama qolo kaliya ay arkaan, waayo in ay xibi kaliya arkaan may ahayn ee waxa ay ahayd in ay wada arkaan ama halkan haku wada arkaan ama halkaase, markaa war guud ayuu ahaa. Laakiin waxa ka asal ah in aanay UDUB ama xukuumadu aanay u diyaar garoobin diyaarna u ahayn in aanu hawlihii sii ambo qaadno.” Xoghayaha Kulmiye waxa uu sheegay in aan deeqbixiyayaashu shaqo ku lahayn bedalaada ama sii shaqaynta Komiishanka doorashooyinka oo ay hore u soo jeediyeen. “Deeq-bixiyayaasha shaqadooda maaha, oo qorshohoodii hore waxa uu ahaa in Komiishanka la badalo, oo waxa ay leeyihiin anagu nimankan uma aragno niman hawlkar ah oo idinka saaraya doorashada, waxa ay cabsi ka qabaan natiijada doorashada ku dhawaaqideeda oo inta ay ku dhawaaqaan wax aan la filayn dabadeedna uu dagaal sokeeyaba dhaco, waxay yidhaahdeen waxaanu idinkula talinaynaa in aad nimankaa badashaan, kaasina waa fikirkoodii hore, tiina waxa wax ka badalay go’aankii aanu soo wada saarnay, tiina waxa wax ka badalay go’aankii gudida dhexdhexaadintu soo saareen ee ahaa wax halagu daro, taas oo aanu shir jaraa’id ka qabanay oo aanu nidhi wax halagu daro.”
Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |