Axmed-Siilaanyo Oo Siyaasadii Dhalleecaynta Ku Bedelay Balanqaadyo
Sunday, 07 June 2009

Bristol (Geeska) – Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud ayaa shalay kullan la yeeshay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol ee Cariga Ingriiska.

Shirkan oo si weyn loo soo agaasimay, islamarkaana ka sokow hogaanka xisbiga Kulmiye ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID,  waxa ka hadlay masuuliyiin kala gadisan oo dhamaantood ka waramay xaalada dhaqan dhaqaale  ee maanta dalka Somaliland ku jiro iyo is bedal ay sheegeen in loo baahanyahay.

Gudoomiyaha xisbiga Kulimiye oo ka hadlay kullankaasi ayaa ka waramay qorshayaasha xisbiga iyo Talaabooyinka Kulmiye ku doonayo inuu is bedel ugu sameeyo dalka qodabadii uu ku dooday inuu wax ka qaban doonana waxaa ka mi ahaa.

  • Musuqmaasuqa iyo wax is dhaafdhaafinta oo uu ku dheeraaday inuu wax wayn ka qaban doono dhaqaalaha dalkana uu si hufan u maamuli doono.
  • Inuu samayn doono dawlad tayo leh oo dalka hanan karta
  • Inuu wax ka qaban doono xaaluf ku yimi dakada Berbera
  • Ganacsiga xorta ah iyo adeegyada kale ee bulsho
  • Biyaha iyo laydhka
  • Tahriibta iyo dhalinyarada dalka ka tacabiraysa oo uu ku macneeyay niyad jab iyo rajo la’aan ay ka qaadeen nidaamka maamul ee maanta dalka ka jira.”

Gudoomiyaha Kulmiye oo iska dhawray inuu dhaleecayn u jeediyo xukuumadda waxa uu sheegay in hadda wixii ka danbeeya ay xooga saarayaan dhinaca waxa ay doonayaan inay dalka u qabtaan maadaama ayuu yidhi meeshii la taabtaaba ay liidato dhanka dawlada dadkuna wada arkaan qaabka wax u socdaan.

Waxaa kale oo isna shirkaas ka hadlay xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID Khadar Xuseen Cabdi, waxaanu ka hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin maamul xumo iyo xukuumada Rayaale oo uu ku eedeeyey inay gabtey xilkii qaranka. Waxaa kale oo uu sheegay xoghayuhu in labada xisibi ee mucaaradka ahi ay gacmaha isu haystaan sidii ay dalka uga badbaadin lahaayeen waxa uu ugu yeedhay dawlad aan musuul ahayn iyo wasiiro u adeegaya danaha gaarka ah ee madaxwaynaha, marka ay warbaahinta ka hadlayaana door bidaaya inay amaanaan madaxwaynaha halkii ay umada u soo bandhigi lahaayeen wax qabadkooda.

Waxaa kale oo uu Khaddar ka hadlay, musuqmaasuq uu ku eedeeyey xukuumadda iyo balanqaadayo badan oo uu sheegay in aanay hirgelin ee dawladu mar kasta gasho, ugu danbayntii wuxuu Khadar ku booriyay shacabka Somaliland inay ka fiirsadaan bixinta codkooda dibna u jaleecaan wax qabadkii xukumada todobadii sano ee la soo dhaafay iyo waxa ay ka fulisay balan qaadyadii ay doorashadii hore u samaysay.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa