Togdheer: ‘Madaxweyne Miyaan Kuu Waramay Welli’
Saturday, 06 June 2009

Todobaadkii Labaad ayaa Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ku  hawlan-yahay inadha-indheynta Gobolkii labaad ee dalka  oo uu booqdey.

Waxa uu shalay uga baxay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco dhinaca bari, islamarkaana waxa la sheegay inuu maray Tuulooyin ay ka midtahay Qoryooley iyo Balidhiiig oo sida wararku sheegayaan uu xalay u hoyday.

 Aragtida Mucaaradka

Waxa mucaaradku u haystaan, in Madaxweynuhu  indhaha ka qaadey magaalo arragti ahaan ka duwan Burcadii uu soo maray 2003-dii, Islamarkaana uu deganaa ka hor xiligaas uu soo maray, wakhti uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Waxa uu arkayaa hoos u dhaca sayladii geeska Afrika ugu weyneyd ee Xoolaha iyo saameynta kootadii xukuumadiisu gelisay dhoofka Adhigu yeelatay. Wuxuu sii maray Dekadii Berbera oo hareerta laga dhaafiyey xoolihii laga dhoofin lahaa.  Waxa uu muuqda dib u dhaca ganacsigii hoose, waxa uu soo taabtey xaqiiqda tilmaamaysa in dhalinyaradii ka haajirtay magaalada Burco iyo Berbera, taasoo uu war ahaan uun ku maqli jiray.

Waxa u muuqata baahida dadka iyo xoolaha abaaraha iyo maamul-xumadu gayeysiisay. “Waxa uu soo indha-inaynayaa sida shacbiga uu dhaqaalohoodii lumiyey u baaba’ay” sidaas ayuu ku soo koobay  Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadleyey safarka Madaxweynaha dhawaan.

Xisbiga UCID ayaa isagu hore u sheegay in xisbiga UDUB dalka la degay, islamarkaana uu taageero ku doonayo dhismayaasha kooban ee hayadaha samafalku dalka ka hirgeliyeen.

Jawaabta Madaxweyne Rayaale

Waxa uu dareensan-yahay dhawaaqyada lagaga hor-jeedo kormeerkiisa indha-indhaynta ah oo dadka qaar u arkaan ciyi-waa ka baryey iyo Kaanbeyn siyaasadeed. In kasta oo doodahaasi ka hor jeedaana, waxa uu isu arkaa nin wax badan qabtey. “Dawladihii hore waa aynu ka itaal-yar-nahay, laakiin waxaan soo ogaadey inaan ka tayo fiicanahay, meel kasta waxaanu ka dhisney MCH iyo Iskuul.”  Sidaas ayuu yidhi mar uu Madaxweynuhu ka hadleyey wax-qabadka xukuumadiisa. Waxaana uu diiday in kormeerkiisu la xidhiidho kaanbeyn siyaasadeed, islamarkaana waxa uu ku tilmaamay gudashada waajibaad masuuliyadu fartay. “Aniga oo Madaxweyne ku xigeen ah ayaan Burco wax ka dhisay oo aan la shaqeynayay maamulkii loo magacaabay. Waxa isugu keen danbeysay 2003-dii, aniga ayaan idiin imane xukuumadaydu waa ay idinla joogtey…”Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo Khamiistii doraad kullan gaar ah la yeeshay odayaasha iyo wax garadka magaada Burco.

Tabashada Shacbiga  

 Bulshadda Gobolada Somaliland, waxay bilaabeen inay soo dhaweeyaan Hogaamiyahooda oo ay aragtidiisa ugu danbeysay ka hor todoba sanadood. Dadku, waxay og-yihiin wakhtiga kooban ee ka hadhay doorashadii Madaxtooyada, waxay arkayaan balan-qaadyada aan fullin oo ay ugu horeyso marka la eego Gobolka Togdheer ee uu haatan ku sugan-yahay bedalaada Lacagta giinbaarta ah ee ka hadhay Lacagtii hore ee Soomaaliya. Taas ka sokow waxay u jeedaan, dibu dhaca hadal-hayntii dhismaha Jidka isku xidha Oodweyne iyo Hargeysa.. Dila iyo Boorama… Ceerigaabo iyo Burco…Dhismaha Warshadihii Sibidhka iyo qaar kale oo badan…Waxa culays ku haysa oo ay tirsanayaan cadaalad darro ka timaada geedi-socodka hawlaha dacwadaha oo maxkamaduhu wakhti badan kaga lumiyaan.

Bulshada waxa dhagahooda ku soo dhacaya dig-niinta Xisbiyada mucaaradka ahi kaga hortagayaan taageeradda Madaxweyne Rayaale ka filayo inuu ku helo u kuurgelida xaalada dadka. Waxay dadku dhadhamiyeen nooca maamul ee uu Md, Kaahin hormoodka ka ahaa tan iyo sannadkii 1997-kii oo uu qasriga madaxtooyada ku jiray. sidaasoo ay tahay, marka la eego illaa hadda deegaanadda uu maray oo ay ugu horeeyaan magaalooyinka Berbera, Sheekh iyo Burco, waxay u safan-yihiin inay dhisaan niyada iyo karaamada Madaxweynohooda, waxay qabaan rajo, waxay diidayaan inay gaagixiyaan oo ka hortagaan waxtar uu ulla socdo. Islamarkaana, waxay dhawrayaan biyo dhiciisa. Taa macneheedu maaha in bulshadu ka aamustay oo u qarisay tabashadeeda, balse si aan mad-daw lahayn ayaa loogu qaabiley “Madaxweyne Miyaan kuu waramay weli” waxana la soo hordhigay dhamaan dhibaatooyinka la deriska ah shacabka, hadii ay noqon lahayn dhinaca biyaha ama caafimaadka iyo shaqala’aanta ha ahaatee.

Gabagabo

Xeel-dheerayaasha lafa-gura tayada siyaasiyiintu waxay tilmaamaan in hogaamiyayaashu ku kala tagaan, kartida iyo caadifada hogaamineed ee ay ku hawl-geliyaan shacbigooda. Waxa laga bartay taariikhda in fashilka hogaamiyuhu yimaado marka laga waayo, xisaabtan iyo qiimeyn uu ku garto su’aalaha shacbigiisu ka sugayaan inuu ka jawaabo ee ku aroora gudashada xilka ay u igmadeen. Su’aalahaas oo durba ay ku qaabileen Madaxweynaha, odayaasha iyo wax-garadka kale ee uu la kulmayay intii uu ku jiray socdaalkiisan. Sidaa darteed, waxa loo arkaa duruufaha ku gadaaman socdaalka Madaxweyne Rayaale iyo waqtiga ka hadhay doorashada madaxtooyada ee la filayo bisha sagaalaad ee sanadkan, mid halis u ah in shacbigiisu u arko hogaamiye dan leh oo cod doon ah, taasoo af-ganbi u rida siyaasiga, islamarkaana kala fogeysa taliyaha iyo loo taliyaha. Si kale, haddii loo dhigo waxa Madaxweyne Rayaale dadka siyaasadda faaleeyaa u arkaan dantiisa inuu ka fogaado nooc kasta oo kaanbeyn UDUB ah iyo inuu la gole tago wax-qabad muuqda oo aan ahayn dhismayaasha kooban ee hay-adaha samafalku fuliyeen iyo balan-qaadyo cusub. maadaama aan xiligani ahayn wakhtigii balan-qaadka Madaxweyne Todoba sanadood xukunka hayey, islamarkaana sanado.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa