Masuul xukuumada Somaliland ka tirsan oo sheegay inay Kooxo Argagaxiso ahi joogaan gudaha Burco
Thursday, 28 May 2009
Burco(Geeska)- Badhasaabka gobalka Togdheer Md. Jaamac Cabdillaahi Biin, ayaa ku dhawaaqay inay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer joogaan rag uu sheegay inay yihiin argagixiso.

Mr. Biin, oo shalay hadal dheer ka jeediyay munaasibad lagu xusayay 27 May, oo ah maalintii ay xoogagii SNM sannadkii 1988 soo galleen magaalada Burco, waxa uu sheegay inay dawladu la socoto dhaqdhaqaaqa raggaas, “Waxaan maanta halkan idiinku sheegayaa arimo Cusub oo Gobolka ku soo kordhay oo ah Argagixisada Somaliya dagaalada ka wada iyo dad Macalimiin sheeganay oo Xamar ka yimi oo magaalada ka furtay Malcaamado kuwaas oo Ciyaalkeenii oo dhan inta ay Basas ku gureen hadh iyo habeen-ba leh waxbaanu baraynaa oo xiitaa ardaydii u diiday in ay Guryahooda tagaan oo Cunooyinkii ay caruurtu cuni lahayd ugu karinaaya malcaamadaha Dhexdooda.” Ayuu yidhi badhasaabka gobalka Togdheer, waxaanu intaas raaciyay, “Ragaas dawladu way ka warhaysaa Kharashka ay caruurta ka qaadaan iyo kay isticmaalaana ee ay Caruurta ku kharsh gareeyaana waxa badan kay caruurta ku kharsh gareeyaan.”


Badhasaabka Togdheer, raggaas oo aanu magacooda sheegin, waxa uu caddeeyay inay dawladu u aqoonsantahay argagixiso, “Markaa Anagu kuwaas waxaanu u aqoonsanay argagixiso. Markaa waxa laydiinka baahanyahay in aydun ragaas la socotaan oo aad idinkoo waxba yeelin dhaq-dhaqaaqa ay wadaan la socodsiisaan Masuuliyiinta Gobolka iyo Ciidamada Booliska.’


Guddoomiyaha Gobalka Togdheer, waxa kale oo uu ka hadlay qiimaha maalinta 27 May, waxaanu yidhi, "Maanta waa maalin qaaliya waana maalintii Mujaahidiinta SNM Madax-madaxa iskugu tuureen Xoraynta Burco iyo ta Somaliland-ba ,dadka maanta halkan ila fadhiyaana waa dadkii dalka xoreeyay ee Somaliland dhalay waxaanay dalka ku leeyihiin sharaf iyo Karaamo aan la iloobi karin Kuwooda nool iyo kuwii dhintay-ba Qofkastaana waxa uu fiicanyahay in uu dhinto maalinta uu ugu qiimaha badan yahay.


Markaa waxaan leeyahay Mujaahidiinta SNM ee Nool Dadka sidaad cadawga uga dulqaadeen ee aad Naftiin ugu horteen oo kale Nabadana bara iyo wanaaga ay leedahay.”
Waxa kale oo isna Munaasibadaasi ka hadalay Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen dhagowayne waxaanu yidhi"SNM waajibkeedii way gudatay Himiladii ay lahaydna way gaadhay oo xukuumadaa maanta jirta ayay xilkii dalka u dhiibtay Balse Xukuumadu may gudan waajibkii ay SNM ku lahayd.


Maxaayeelay Maaaha Caqli gal in maanta dadkii dalkan Xoreeyay kuwii dhintay Caruurtoodii iyo kuwa nooliba in ay maanta ku darxumoodaan dalkii ay naftooda u hureen waad aragtaan Lixle Hooyadii waad aragtaan Mujaahidiinta kale ubadkooda iyo Waalidoodba.Masuuliyada dadkaasna Dawlada ayaa leh in ay wax u qabato oo aanay cid kale wax u qaban. Markaa waxaan leeyahay waa in lagaadhaa ujeedadii SNM ku dhimatay.


Isu-soobaxan oo markii hore sidagan u bilaamay ayaa markii uu socday Mudo Saacado ah oo uu ku dhawaaday Gabo-gabo isu badalay Buuq iyo Dhagax Tuur Markii ay isku gacan saareen Laba Mujaahid oo ka tirsan Jimciyada Sooyaal oo Mid ka mid ahi Hadal uu halkaasi ka jeediyay Xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay Khasaari ka taaganyiin Mujaahidiintii SNM ee Naftooda U huray Xoraynta Somaliland, laakiin rag kale oo madasha ku sugnaa ayaa ka cadhooday eedaynta uu mujaahidkaasi u jeediyay xukuumada.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa