"Bulshada Caalamku Waa Munaafiqiin"
Saturday, 16 May 2009

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland, ayaa hab dhaqanka ay bulshada caalamku ula macaamisho Somaliland ku tilmaantay munaafaqnimo cad.

Jariirada Miamiherald ee ka soo baxda dalka Maraykanka, ayaa Arbacadii baahisay qormo dheer oo uu weriye Shashank Bengali, oo jariiradaas ka tirsani ka diyaariyay Somaliland oo uu dhawaan booqasho ku yimid. Waxa uu saxafigani, warbixiintiisa ciwaan uga dhigay ku soo dhowoow Somaliland, Qaybta Wanaagsan ee wadan Googa'ay. Weriyuhu waxa uu sheegay in qofka dalxiiska ahi xilli kasta socon karo Somaliland, isagoo ammaan ah islamarkaana ku raaxaysanaya bilicda buuraha ku teedsan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa. Waxa uu tilmaamay in Somaliland tan iyo markii ay sannadkii 1991-kii xorriyadeeda kala soo noqotay Somaliya aanay helin cid ictiraafta. "Waxaanu leenahay samir. Had iyo jeer waxaanu dareensanahay inaanu ku dhawaanayno ictiraafka." Sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo uu weriyuhu kula kulmay magaalada Hargeysa. Waxa uu weriyuhu sheegay inay Somaliland wadamo badan ku leedahay xafiisyo kala duwan sida dalka Maraykanka, isaga oo muujiyay inay leedahay calan, lacag iyo weliba imkaaniyaadka qaranimo oo u gaar ah. Waxa ay jariiradu tilmaantay in bulshada caalamku hanti badan ku lumiso dawladaha aan tisqaadin ee sannad kasta loo dhiso dalka Somaliya ee ay Somaliland xorriyadeeda kala soo noqotay. "Waa munaafaqnimo cad." Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, waxaanu intaas raaciyay, "Halkan waxaad ku arkaysaa jidkii dhismaha qaran oo aan kharash badan uga baahnayn cid kale. Waxaanu haynaa wax kasta oo ay bulshada caalamku ku cel celiso, sida isku tiirsanaan, dhammaystirnaan iyo degenaansho."

Sarkaal ka tirsan hay'addaha Refugees International oo uu fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa dunida u soo jeediyay inay xaqiiqda waajahaan oo ay aqoonsadaan Somaliland. "Dawladuhu ma doonayaan inay ku lug yeeshaan siyaasaddaha madaxbanaanida Somaliland", ayuu yidhi sarkaalkani Mr. Patrick Duplat, waxaanu intaas raaciyay "Laakiin waa inay ka war qabaabn xaqiiqda ah, in tani tahay dawladda keliya ee ka shaqaynaysa halkan."

Weriye Shashank Bengali, waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale ku guulaystay doorashooyinkii 2003 Somaliland ka dhacay, waxaanu xusay in Somaliland lagu abaal mariyay inay booqdaan aqoonyahano iyo diblomaasiyiin Maraykan ahi, ka dibna ay booqatay kaaliyihii xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Ms. Jendayi Frazer. Laakiin waxa ay jariiradu tilmaantay inuu hadda muran u dhexeeyo Madaxweyne Rayaale iyo madaxda mucaaradka, kaas oo la xidhiidha wakhtiga doorashada oo dib u dhacday tiraba laba jeer. Diblomaasiyiin shisheeye ah  ayay jariiradu sheegtay inay hadda ka warwarsanyihin in Dimuqraadiyadii yarayd ee Somaliland ay dib u socoto.

Diblomaasi reer galbeed ah oo aanu weriyuhu magacaabin, ayaa sheegay inay hadda Somaliland la legdamayso dhibaatooyin hor leh. "Waxay tusaale u ahaayeen Somaliya, aragtidayada, laakiin hadda waxay leeyihiin dhibaatooyinkooda." Ayuu yidhi diblomaasigan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Weriyahan oo dhex dawaafay suuqayada Hargeysa, waxa uu booqday suuqaha sarifka lacagaha ee Hargeysa, oo uu ka qaaday muuqaal, muujinaya lacagta oo nin sarifle ah hareeraha ka taala iyadoo aanay ciddi ilaalinayn. Waxa ay jariiradu xustay weeraradii argagixiso ee Somaliland lagu soo qaaday dabayaaqadii sannadkii 2008, waxaanu sheegay in weeraradaas lagu eedeeyay Islaamiyiinta ka dagaalama Somaliya. "Qof kastaaba wuxuu ka argagaxay in sidaas fudud la noo soo abaaro karo." Sidaas waxa yidhi Maxamed Isaaq, oo ah maareeyaha suuqgaynta shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, waxaanu intaas raaciyay, "Kuma naaloon kartid nabad, marka uu jaarkaagu gubanayo."

Source: www.geeska.net