Dekadda Berbera........Faallo
Saturday, 16 May 2009
Dabayaaqaddii todobaadkan waxa dekadda magaalada Berbera ku soo xidhay Markab weyn oo caawimo u sida dalka Itoobiya, kaas oo   u raran Hay’adda WFP.

 Imaatinka Markabkan ayaa ku soo beegmay iyadda oo dhawaan uun masuul ka tirsan dawlada Itoobiya si cad u sheegay baahida ay u qabaan dalkiisu Marin badeed, kaasoo tilmaamay inay kala xulanayaan dekado ku yaala waddamada Geeska Afrika oo ay ka midtahay Dekadda  Berbera. Haddaba waxa is weydiintu tahay, Dekadda Berbera ma leedahay adeeg ay kula tartami karto dhiggeeda mandaqadda oo dheer dalalka ay ku yaalaan oo la aqoonsanyahay?

Waxa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan, maxaa Markabkani kaga duwan-yahay  Maraakiib-tii hore ee u shixnadaha u siday dalka Itoobiya ee ku soo xidhey Dekeda Berbera sida wanaagsana loogu dejiyay. Laakiin, waxaan uga jeedaa su’aashaas  xusid, maadaama inta badan lagu arko dalalka Afrikaanka ah markay muddo xilka hayaan masuuliyiintoodu inuu ku dhaco dib u socod. Sidaa darteed, Dekeda Berberi oo weliba ku taala dal faqiir ah, Islamarkaana aan Ictiraaf haysan, ma tahay sidii ay ahayd adeeg ahaan doorarkaa hore ee shixnaduhu uga soo dageen Itoobiya, ma waxbaa u kordhay, mise wax baa ka dhacay?

Koobnaan, waxaynu odhan karaa wax badan ayaa u kordhay; Waayo, inta la ogyahay tiraba dhowr jeer ayaa sanadihii ugu danbeeyay lagu soo kordhiyay qalab cusub oo fulin kara hawlo culus oo Dekad caalami ah looga baahanyahay  adeeg ahaan, kuwaas oo ka dhigay in ay dekeddu awoodo inay hal-mar qaabisho rar iyo rogisba saddex ilaa Afar Markab oo kumanaan tan xanbaarsan, iyada oo aan culays dareemin, islamarkaana cabasho ka iman.

Si kastaba ha ahaatee, horumarka aynu ka soo hadalnay waxa ku amaanan maamulka Dekada Berbera,  gaar ahaan maareeye Cali Axmed (Cali Xoor-xoor), maadaama uu yahay cidda dusha u ridan lahayd haddii dhaliili ka iman lahayd dekeda iyo hawleheeda. Iyada oo ay mudantahay in la xusuusto sida xaalka dekedu ahaa xiligii uu qabtay maamulkeeda Eng; Cali oo ay ahayd goob dhinac walba ka arrdan, halka ay maanta ka camirantahay.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa