CIGAAL, RAYAALE, IYO SIILAANYO: Ummadyahay Talaa kaa Gadmane Wax isu Gaygayso!
Tuesday, 20 January 2009
Doorashooyinkii  ka dhacay Somaliland waxay ahaayeen isbadalo siyaasadeed oo muhiim ah iyo astaan u muuqata  qaangaadhnimo siyaasadeed oo ka dhalatay waayo-aragnimo laga dhaxlay wixii soo maray umadda iyo waxa ka dhacay aduunka guud ahaan iyo gaar ahaan gobolkan  oo ah mid ay ragadiyeen  dagaalo sokeeye iyo hogaan xumo siyaasadeed. Waxa wax lagu faani karo oo ammaan mudan ah in ay Somaliland tahay meesha kaliya ee bariga iyo badhtamaha Afrika iyo guud ahaan Afrikaba ay isbadalo dawladeed oo dhawr ahi  si nabad galyo ah uga dhaceen, inkastoo waxa isbadalay aanay ahayn aragtiyo iyo mabaadi siyasadeed ee ay ahayeen magacyo dad oo kaliya. Taa waxaa sii dheer in nidaamka axsaabta badan ee wadanku u guuray  ahaa tallaabo wax ku ool ah oo hore looga dhaqaaqay nidaamkii ku dhisnaa beelaysiga qaawan oo loo guray nidaam ay beeluhu ku gali karaan is gaashaanbuuraysi siyaasadeed oo loogu tartamayo xukunka. Iyadoo arintanina ku qaadatay Somaliland muddo aad uga yar inta ay ku qaadatay guud ahaan qaarada Afrika iyo waliba wadamo waawayn oo ka tirsan qaaradaha kale. Tusaale ahaan muddo aad udheer ayay ku qaadatay  dalka Kenya in uu ka hirgalo nidaamka axsaabta badan iyo in isbadal siyasadeed uu ka dhaco; Ethiopia waa wadan taariikh aad u dheer leh iyadoo  gumaysina aanu soo marin  hadana waynu ka wada war haynaa hanaanka siyaasadeed ee lagu maamulo; South Africa oo xarunta dhaqaale  ee Afrika lagu tilmaamo ayaa iyana aanay ka jirin mucaarad u xoogan sida kan ka jira Somaliland iyadoo waliba sida Ethiopia oo kale ay iyana ka taliyaan  uun ururkii dhaliyay xornimadu.Waxa kale oo ah iyana tijaabo siyaasadeed oo cusub (inkastoo lagu tilmaami karo laablakac iyo qorshe-siyaasdeed aan si mugleh looga fikirin waxa ka horeeya awgeed oo ay ka midyihiin dastuurka oo wax ka badal lagusameeyo , iwm) in kooxo kala duwan oo mucaarad ahi ay galaan heshiisyo xukun wadaaga (mustaqbalka) oo lagu abuurayo kursiyo cusub oo siyaasadeed (Ra iisal wasaare) si ay kor ugu qaadaan fursada ay ku guulaysan karaan.  Isku soo wada xooriyoo marka dhinac laga eego waxa ka dhacay soomaliland mudadii koobnayd ee ay jirtay  waxa lagu tilmaami karaa mucjiso ay mudan tahay in lagu daraaseeyo goobaha aqoonta oo ah wax ka galaya isbadallada togan ee taariikhda  aadanuhu samaeeyey baal dahaba. Dhinaca kale, haddii si qoto leh loo milicsado isbadaladii ka dhacay dalka waxa lagu tilmaami karaa intooda badan qaar lagu furdaaminayay xaalado markaa jiray ee aan ahayn kuwo  intooda badan hore loo sii qorsheeyay oo laga baaran degay saamayntooda mudada fog iyo caqabadaha kahor imankara, Iyo waliba dadka oon loo diyaarin sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen is badalladan garasho iyo garaad ahaan ba. Tani waxay keentay quus iyo qalbi jab ka muuqda qaybo kamida bulshada. Waxa tusaale u ah arrintii ku dhawaaqida Somaliland iyo qadiyada raadinta ictriaafka oo looga dhigay ummada wax fudud oo ku hagaagi kara mudo kooban iyadoo ilaa maanta aanay u muuqan  siyaasiyiinta qudhoodu inay fahamsanyihiin waxay ka hadlayaan marka ay timaado dhisida dal waarikara, horumarsan oo la aqoonsankaro. Dad badan oo la socda siyaaasadda Somaliland waxay u arkaan in halka ay ka liicsantahay siyaasada qaranku tahay iyadoo ay ku guuldaraysteen siyaasiyiintu inay dheelitiraan is-leegta siyaasadeed ee arrimaha dibadda, horumarka dhaqaale iyo mid bulsho oo laga sameeyo  gudadaha.

Ilaa hadda, guusha ugu wayn ee ay Somaliland sheegato inay ka gaadhay arrimaha guduhu waa nabad galyo aan waliba lugo adag ku taagnayn oo aan la sii joogtayn Karin haddaan wax laga qaban shaqo la’aanta baahsan ee dhalinyarta iyo isticmaalka mukhaadaraadka qaadka oo noqday aafo dhaqan oo saamayn  taban oo dhaqaale  iyo mid  nabad galyoba leh. Dhawaan mar aan  Hargaysa booqday taladii ugu badnayd ee laysiiyay waxay ahayd in aanan lugayn habeenkii iyadoo laga cabsi qabo dhalin yaro kooxo ah oo habeenkii dadka ku baadhata xaafadaha dhexdooda kana qaata wixii ay sitaan sida:  mobile-ka, saacadaha iwm, si ay ugu badashaan xidhmo yar oo qaad ah ama halal sigaara.

 Dhinaca arrimaha dibada, Somaliland waxay ilaa imika ku mashquulsantay inay ku dherersato “mayd” iyadoo waxa ugu wayn ee lagu suuq geeyo Somaliland ay tahay inay ka fiicantahay koonfurta Somalia oo uu aduunku u arko meel geeriyootay marka la eego hal beegyada dal lagu qiimeeyo. Miyaanay ahayn wax laga xishoodo in ay wali somaliland mayd ku dhararsanayso 19 sano kadib markii go’aansatay inay dal gaar ah  oo xor ah tahay?Marka hoos loogu dhaadhaco hal abuurka siyaasada Somaliland waxa muuqanaysa  in dheeshooduba aanay dhaafsiisnayn ciyaartii aboorkii heesta dhaafin waayay “dabaqin, dabaqin, ee markii danbe ninka tuurta lihi uyimi ee uu ugu daray ‘can dabaqin’ ”. Waxay soomaliland la’dahay nin ugu dara can dabaqintaa wax u dhigma oo aragti siyaasadeed ah. Haddii loo fiirsado shakhsiyaadka ku loolamaya siyaasada Somaliland maanta, waxa cad in ay dhammaan ka siman yihiin aragtida, hadalka, dhaqanka iyo tixraaca  haddii laga sinmo intaana Wax macno ah samaynmayso in laba qof oo magaca iyo muuqa uun ku kala duwan laysku bedelo.  Waxa habboon in aragtiyo la kala doorto, waana taa midda ka maqan maanta saaxadda siyaassadeed ee Somaliland. Waxa maqani waa in la gacan togalaeeyo dariiqa loo marayo isbadalka oo laga raadiyo xalka meelo kala duwan: waa in wax laga bedelo abbaarta siyasadeed iyo halka laga raadinayo baadida iyo in siyaasadda dib loo jiheeyo oo gudahana wax laga qabto. Waxa aan is waafaqsanayni waa hanka dadka soomaliland iyo hannaanka ay siyaasiintoodu u marayaan xaqiijinta himiladaa, ilaa labadaa lays waafajiyana ma arko rajada ay qabaan dadku.Mushkilad kale oo dhaqan ayaa ka muuqata dadka ku nool Somaliland  oo  ah in aanay ahayn dad si fiican u weeleeya taariikhda  iyo inay yihiin dad aan ku fiicnayn xulashada siyaasiyiinta. Tusaale ahaan si aad ugu gorgortanto is badal  wax ku ool ah iyo wax ka fiican waxaad haysato, waa in ay bulshadu marka hore ogaataa waxa ay haysato si ay u arki karto waxa ka maqan. Taa waxa fududayn kara iyadoo ay dadka wax garadkiisu  ka doodaan wixii qabsoomay, iyo wixii aan qabsoomini sababtay u qabsoomi waayeen.  Tusaale ahaan waxyaalaha lagu majeerto  xukunkii ina Cigaal waxa ugu wayn in uu sameeyey haykal dawladeed iyo inuu keenay nabad galyo. Dhinaca kale wuxuu ku guuldaraystay in uu keeno aqoonsi la filayay inay isaga u fududaato marka la eego khibradiisii siyaasadeed iyo inuu ahaa shakhsiyad laga yaqaanay aduunka. Maanta hadii dib loo eego waxa uu ugu fashilmay arrintii ictiraafka waxa laga yaaba in badh bulshada ka mida ahi ku doodaan in Cigaal aanu fahamsanayn isbadaladii waawaynaa ee ku dhacay xidhiidhada caalamiga ah intii ka dambaysay dhamaadkii dagaalkii qaboobaa iyo saamayntii ay ku yeesheen waxyaalihii wax lagu qiimayn jiray. Waxa ugu mudan ee wax lagu qiimeeyo ayaa ahaa istiraatijiyad milatari, aragti siyasadeed iyo dano dhaqaale, halka mudooyinkan danbe waxa saldhigga u ah xidhiidhada duwaliga ahi ay tahay dano dhaqaale, oo anay muhiim u ahayn sidii hore istiraatiyidad milatari (yaa lala dagaalamayaa midawgii Soofeeti kadib?)  iyo aragtiyo siyaasadeed intii ka danbaysay guulaysigii nidaamka hanti-goosadka ah. Ina Cigaal wixii ugu waynaa ee doodiisa aqoonsigu ay ku salaysnayd waxay ahayd inuu u jandheedhi jiray dhinacii Galbeedka  intii uu socday dagaalkii qaboobaa; taasi may noqon mid ay liqaan reer galbeedku  xilligan lagu jiro oo anay macno dhaqaale lahayn kooxaysigii ku salaysnaa Aydhiyoolajiyadahu , marka lagu daro in hogaamiyeyaasha cusub ee lawareegay talada Galbeedku ay u bateen qaar aad u da yaraa wakhtigii hirdankii dagaalkii qabooba. waxa la odhan karaa mushkilada ugu wayn ee haysatay ina Cigaal inay ahayd in uu wali kusii dheganaa shaxdii  siyaasadeed ee dagaalkii qaboobaa (Ideology-based cold war political framework), tanina waxay dhaxalsiisay inuu aqoonsi u waayo Somaliland.Haddii la eego muddadan uu Dahir Rayaale xilka hayay, inkastoo wali isaga taarikhdiisu qormayso oo uu haysto fursado,  haddana waxa lagu xasuusan doona inay wakhtigiisii dhaceen isbadalo aad u waawayn oo wax ku ool ahi: doorashinkii madaxwaynaha iyo kuwii dawladaha hoose oo dadwaynuhu ka qaybgaleen; inuu ku soo daray Somaliland gobol iyo badh ka maqnaa oo runtii ay Somaliland aad ugu dhantalaayd; inuu sii dhisay ciidamada sirdoonka qaranka iyo milatariga oo uu gaadhsiiyay heerkii ugu fiicnaa iyo in markii koowad la diiwaan galiyo dhamaan dadka ku nool somaliland. Dhanka kale waxa lagu xasuusan doonaa in xilligiisii uu musuqmaasuqu faraha ka baxay; in dawladiisu ay ahayd mid aad u tayo daran una tiro badan iyo in aanu wax badan ka qaban horumarka dhaqaalaha iyo kaabayashiisaba, iyadoo ay suurta gal u ahayd inuu wax badan ka qabto, iyo; in uu ku dhawaaqay gobolo badan oo aanu dalku qaadi Karin oo ujeedada ugu wayn ee laga lahaana tahay dano siyaasadeed oo muddoda dhow ah.Haddii la eego hogaanka axsaabta mucaaridka ah waxa muuqata in aanay ka muuqan aragti cusub iyo rag cusubi toona. Tusaale hadaan usoo qaadano xisbiga ugu wayn mucaaridka ee kulmiye waxa muuqanaysa in waxa ugu wayn ee ka maqani ay tahay qorshe-siyaasadeed faahfaahsan oo wax lagaga qabanayo dhibatooyinka dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee jira. Waxay qabaan in badan oo  ka mida indheer-garadka  bulshada oon la kulmay  in haba yaraatee aan laga fili Karin wax is badala kulmiye oo xilka la wareega,  iyadoo ay sabab uga dhigayeen in Daahir Rayaale iyo Siilaanyo aanay aragtidooda siyaasadeed wax badan ku kala duwanayn una soo wada shaqeeyeen dawlado isku mid ah (Siyaad Barre iyo Ina Cigaal) marka laga reebo toban sano oo uu Siilaanyo SNM hogaaminayay kuwaas oo qudhoodu ku astaysnaa musuqmaasuq  iyo kala fogaan beelaha dhexdooda ah taas oo markii dambana sabab u noqotay dagaaladii beelaha dhexdooda ka dhacay markii dalka dib loogu soo laabtay. Waxaan caddayn ilaa hadda in Siilaanyo laftisu wax ka bartay wixii dhacay iyo khaladaadkii uu hore u sameeyay iyo inuu fahamsanyahay waxa umadda tabarta daran ee uu rabo inuu garbaheeda ku istaagaa ay u baahantay. Waxa hubaal ah in aan laga saadaalin Karin waxay soo wadaan mucaaridku, sababta ugu waynina ay tahay iyadoo an la garanayn cidda lashaqayn doonta haddiiba ay doorashada ku guulaystaan, dhisme la’aanta ka muuqata awgeed . Su aasha taagani waxay tahay maxay macno samaynaysaa in laba qof oo aan aragti iyo siyaasad toona ku kala duwanayn laysku badalo?

Waxaan rajaynyaa in dadka reer Somaliland ay ka koreen caadifadii iyo inagu kiciyaaydii marka dambe la qoomamayn jiray. Waxan filayaa in dadku wax ku kala dooran doonaan wax dhafsiisan kanaa SNM ahaa iyo kanaa Faqash ahaa. Xaqiiqada jirtaa ah in SNM lafteedu ay markii hore ahayd faqash iyo in ina Cigaal oo runtii ahaa ninkii dhidibada u taagay Somaliland  aanu habeen qudha seexan Qaaxo iyo goobihii dagaalka toona. Waxan filayaa in lagaadhay goortii aynu ku kula dooran lahayn xisbiyada siday ukala fiicanyihiin barnaamijyadooda isbadal iyo sida ay u kala tayo badan yihiin raga kujira dawaladahooda, hanoqdeed dawladahaasu qaar imika jira ama qaar isu diyaarinaya inay talada la wareegaane. Aan fahanno in isbadalku yahay aragti iyo siyaasad ee aanu ahayn muuq qof iyo magac isbadala.

Qalinkii

Naasir Saacadaale, Nairobi ( This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it )