Obama iyo McCain Iyamaa Calfan Doona Kursiga?
Friday, 17 October 2008

Doorashada sannadkan ka dhacaysa dalka Maraykanka ayaa si weyn u soo jiidatay indhaha mujtamaca caalamka. Waxa lagu tilmaamay in ay tahay tii ugu xiisaha iyo xammaasadda badnayd abid. Waxana sabab u ah doorashadan oo kuwii hore kaga duwan saddex arrimood oo taariikhi ah: nin madow ah oo markii koowaad soo hungureeyey madaxweynenimo, haweenay iyaduna markii koowaad madaxweyne-xigeen u taagan iyo dhaqaalaha Maraykanka oo sii quusaya burburna qarka u saaran. Waxa kale oo xamaasadda doorashada dab ku sii huriyey labada musharax ka dib markii ay weedho kulul oo aan la isku aabo yeelayn isku waydaarsadeen saddex doodood oo si fool-ka-fool ah la isku soo hor fadhiisiyey. Labadii doodood oo hore ayaa qiyaas warbaahinta Maraykanku ay ku sameeyeen cod-bixiyayaasha lagu sheegay in uu musharaxa madaw ee Dimuqraadiga, Obama, uu ku gacan sareeyey.  Marka la eego cidda ay dadku ugu dambaynta dooran doonaan, ilaa hadda ra’yi-qaadista warbaahintu samaysay waxay muujinaysaa in Obama haysto taageero 53% ah halka McCain ka haysto 36%. Dadka aan weli go’aansan cidda ay codkooda siinayaan ayaa iyaguna u muuqda in ay u soo qulqulayaan dhinaca Obama.

Arrimaha ugu muhiimsan ee dadka Maraykanku ay labada musharax ku kala dooranayaan waxay kala yihiin q, inagoo u soo kala horreysiinayna sida ay u kala muhiimsan yihiin, odobadan: dhaqaalaha, cashuuraha, caafimaadka, ammaanka, iyo siyaasadda arrimaha dibedda. Haddaba sidee bay labada Musharax qodobadan ugu kala wanaagsan yihiin?

Barak Obama ayaa la aaminsan yahay in uu McCain kaga fiicnaan doono arrimaha ay dadku doorkan danaynayaan oo ah xal-u-helidda dhaqaalaha hantaaqmay, dhimista cashuuraha iyo abuurista fursado shaqo.  McCain ayaa isagana la aaminsan yahay in uu aad ugaga khibrad badan yahay Obama arrimaha ammaanka iyo siyaasadaha dibedda.

Saddexdii doodood ee labada musharax loo qabtay waxa uu mid kastaa intii taagtiisa ah muujinayey in uu isagu yahay qofkii saxda ahaa ee Maraykanka kala dabaalan kara dhibaatooyinka haysta wakhtigan. Doodahaas waxa ugu kululayd uguna xiise badnayd tii saddexaad isla markaana ahayd tii u dambaysay oo qabsoontay 15kii October.

John McCain wuxu dooddan ahaa weerar wuxuna gantaalo aan kala go’ lahayn la dhacayey Obama isagoo doonayey in uu Obama ka cadhaysiiyo kana keeno kelmado ay cod-bixiyayaasha, gaar ahaan kuwa caddaanka ahi, ka xumaadaan. Obama inta badan wuxu ku jiray is-difaac balse wuxu ku guuleystay in uu muujiyo degganaan iyo dulqaad. 

McCain wuxu ku dooday in uu isagu yahay nin wax-qabadkiisa la soo tijaabiyey oo taariikh la yaqaan leh; Obama-na wuxu ku sifeeyey in uu yahay af-miishaar aan khibrad maamul lahayn. Inta uu dhinaca Obama eegay ayuu idhi “bal waxad ii sheegtaa is-bedel keliya oo aad ka dhex samaysay dalka Maraykanka”. Barak Obama ayaa isaguna McCain ku eedeeyey in uu yahay nin doonaya in uu dalka ku hoggaamiyo siyaasaddii aan la mahadin ee Bush. McCain oo weedhaasi gubtay ayaa dhinaca Obama eegay oo yidhi “anigu ma ihi Madaxweyne Bush”.  Obama  ayaa isna ugu hal-celiyey “haddii aad doonayso in aad Bush ka hor timaadid, wakhti hore ayay kuu eekayd taasi”.

Obama oo ka faa’iideysanaya cunsuriyad lagu xanto McCain ayaa yidhi “taageerayaashiinu waxay ku qaylinayeen ‘dila… ninka dila’ iyadoo ay gabadha kula sharaxan, Sara Palin, goobta ka hadlaysay. Kama ay joojin weedhahaas deel-qaafka ah ee ay igu lahaayeen”.  McCain baa la soo booday oo yidhi “waan u han waynahay taageerayaashayada; waana waddaniyiin dhab ah”. 

McCain waxa uu Obama ku eedeeyey in uu xidhiidh la lahaa William Ayers oo hoggaamiye u ahaa urur lagu magacaabo Wheather Underground oo Maraykanka looga yaqaano argagixiso. Waxa kale oo uu Obama dusha ka saaray in uu taageersan yahay in haweenku uurka iska soo ridi karaan. Obama labadaas eedoodba wuu iska fogeeyey. Wuxuna yidhi inta uu dhinaca McCain soo eegay “ma u malaynaysaa in Ayers guriga cad igala talin doono?”. 

Obama oo kalsooni ay ka muuqato ayaa yidhi “Anigu waan kuu adkaysan karaa saddex todobaad oo shakhsi-weerar ah; laakiin Maraykanku taag uma hayo afar sanno oo siyaasaddii Bush ee fashilantay aad ku sii waddo”.

Dhinaca kale Barak Obama wuxu sharaxaad ka bixiyey in cashuurta isagu kaga wanaagsan yahay McCain “Waa dhab in aan labadayaduba cashuurta ka dhimayno dadka. Laakiin anigu 95% dadka ka mid ah ayaan ka dhimayaa. Waa halkaas kala duwanaanshahayagu”.

Daadihiyii doodda, Mr. Bob Shaver, ayaa gunaanadkii ka codsaday labada masharax in ilbidhiqsiyo ay ku sheegaan waxa ay dadweynaha kaga tagayaan.

McCain wuxu yidhi “Anigu waxan ahay nin wax soo qabtay oo dalka taariikh ku leh. Waxanan u baahanahay in aad i siisan fursaddan oo aan wax weyn idiinku qaban doono”.

Obama-na wuxu yidhi “khatarta ugu weyn ee dalka Maraykanku ku dhici karaa waa iyadoo la doorto McCain oo sii wadi doona siyaasadda dhabarka lagaga jabay ee Bush. Dalku wuxu u baahan yahay is-bedel dhab ah oo la taaban karo. Ninka is-bedelkaa maanta u taaganina waa aniga”.

Dooddani waxay ahayd fursaddii u dambaysay ee uu John McCain ku soo noolayn lahaa rajadiisa sii gudhaysa, haseyeeshee ra’yi-qaadis horseedka warbaahinta Maraykanku, gaar ahaan CNN, ABC iyo Newyorktimes, ay sameeyeen waxay muujisay in guushii ay Obama raacday. Khabiirka caanka ee telefeshanka ABC, George Stephanopoulous ayaa yidhi  “Waxay ahayd fursaddii u dambaysay ee McCain, haseyeeshee guushii waxay raacday Obama”.

Inkasta oo ay saadaashu u badan tahay in Obama doorashada ku guuleysan doono, haddana dadka waaya-aragga u ah doorashooyinka Maraykanku waxay aaminsan yihiin in aan weli la gaadhin wakhti la odorosi karo cidda ugu dambaynta ay guushu raaci doonto.

Mustafe M. Khayre, waa aqoonyahan degen Hargeysa, oo wax ku qora Geeska Afrika.