| Dr. Gaboose Oo Maraykanka U Socdaalay |
| Thursday, 25 December 2008 | |
|
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ka hor intii aanu shalay ka dhoofin madaarka Hargeysa u waramay Geeska Afrika, ayaa waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkiisu salka ku hayso saddex qodob, “Ujeedada socdaalkaygu waa saddex qodob oo kala ah kulan aan la yeelan doono taageerayaasha Ururka QARAN, taageerayaasha KULMIYE iyo taageeerayaasha QARAN oo aan isku soo xidhi doono iyo kulan aan la yeelan doono saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka oo aanu Washington ku balansanahay.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu sheegay inuu masuuliyiinta Maraykanka ah ee uu la kulmi doono kala hadli doono arrimo guud ahaan ku saabsan xaaladda dalka Somaliland. Madaxda Urur siyaasadeedka QARAN ayaa dhawaan heshiis iskaashi la saxeexday xisbiga KULMIYE, waxaanu nuxurka heshiiskaasi ahaa in madaxda QARAN ololaha doorashada Madaxtooyada garab istaagaan xisbiga KULMIYE, xisbiga KULMIYE-na uu furo ururada siyaasiga ah, haddii uu ku guulaysto doorashadaas. Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |