Gaabnidu Saamayn Ayaa Ay Ku Leedahay Heerka Mushaharka Laakiin Buurnidu Saamayn Kuma Laha

0
3201

Sydney (Geeska)- Khubaro ku takhasusay cilmiga bulshada iyo dabeecadaha aadamaha oo u dhashay dalka Australia ayaa sahamin ay sameeyeen ku ogaaday natiijo dad badan qosol iyo maadays la noqotay. Xeel-dheerayaashani waxa ay sheegeen in qofka shaqaalaha ah oo mushahar loo kordhiyaa, ka sokow shaqadiisa iyo wax-soo-saarkiisa, ay sidoo kale ku xidhan tahay hadba qofka masuulka u ah ama uu u shaqaynayo, iyaga oo xusay in dhererkuna saamayn ku leeyahay.

Khubaradani waxa ay sheegeen in masuulka ama hantiilaha loo shaqeeyo ee dheer ama dhererkiis dhexdhexadka yahay uu inta badan si nafsi ah u habrado qofka shaqaalihiisa ah ee gaaban in ka badan kuwo dhaadheer, taasina ay keento in shaqaalaha dhaadheeri inta badan ka mushahar bataan kuwa gaagaaban. Waxa ay khubaradu sheegeen in buurnidu ay tan ka duwan tahay oo aanay wax saamayn ah ku lahayn shucuurta masuuliyiinta loo shaqaynayo.

Andrieu Leih oo ka tirsan jaamacadda Qaranka ee Australia iyo Michael Kurt oo ka tirsan jaamacadda Sydney oo ka mid ahaa khubarada daraasadda samaysay ayaa sheegay in haddii qofku dhererka caadiga ah ka dheer yahay 5 Sentimitir  ay taasi keenayso suurto galnimada in dadka dhererkoodu caadiga yahay uu ka mushahar bato uguu yaraan boqolkiiba Hal iyo Badh qiyaas ah.