| Xadhkaha Loo Soohday Somaliland Iyo Safarka Rayaale Ee Sucuudiga |
|
|
|
| Sunday, 03 January 2010 | |
Waxaa warbaahintu hadalhaysay in dhawaan Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu socdaal rasmi ah ugu kicitimi doono dalka Sucuudi Arabia, halkaas oo la filayo inuu kullamo heer sare ah kula yeesho hogaamiyeyaal sar sare oo dawladdaas ah waana tallaabo leh muuqaal diblomaasiyadeed oo la odhan karo waa mid kordhinaya wax qabadka hogaamiyaheenna.Hase ahaatee, waxa jira duruufo badan oo ku gadaaman safarkan iyo danaha gaarka ah ee ay haatan uun garawsadeen dunida Carabtu in lagu gaadhi karo xidhiidh ay la yeeshaan hogaanka Somaliland.
Xidhiidhkan ay filayaan in ay la yeeshaan Somaliland ayaa isna ay muhiim tahay in aynu axadhno si aynu u fahamno macnaha iyo miisaanka dheeliga wayni ka muuqdo ee uu leeyahay. Qoraalkan kooban waxa aan ku soo bandhigaynaa u jeedooyinka dahsoon ee safarkan madaxwaynaha laga leeyahay iyo ku talogalkiisu sida uu yahay iyo go’aannada suuro galka ah ee uu ka qaadan karo wixii lala horyimaad. Ugu horrayn, aan dib ugu yara noqonno danaha dunida carbeed ay ka leeyihiin gobolkan Geeska Afrika iyo khataraha aan sababaysnayn ee ay ka filayaan in Somaliland ka noqon karto horseed ragaadiya danahooda – Baabal Mandab ilaa Nile. Dawladda Masar, oo isu dhigta awoodda iyo hormoodka Carabnimada ayaa waxa ay si walaac wayni ka muuqdo isha ugu haysay Somaliland iyo xorriyadeeda soo noqotay. Wararkii sugnaa ee ay mukhaabaraadka Carabku ka helayeen taabbo galka dadaaladii nabadayta guud ahaan iyo gaar ahaan hirgaliddii go’aankii shirkii Burco ayaa waxa ay keeneen in ay Carabtu u adeegsato diinta si ay u wiiqdo guulahaas iyo gooni isu taagga Somaliland. Isla bilawgii bishii May 1991 waxa ay abaabuleen shir diineed ay isugu keeneen kooxaha loo adeegsado fidinta Islaamka Carabaysan oo ka dhacay magaalada Boosaaso. Shirkaa oo ay qaban qaabadiisa lahayd dawladda Masar, maalgalintiisana ay bixinayeen dalalka Sucuudiga iyo Kuwait. Gabagabadii shirkaa waxa laga soo saaray 23 May baaq lagu baahiyay warbaahinta Carabta, waxana ka mid ahaa Majallada Al-ansaar oo ka soo bixi jirtay Qaahira. Waxa lagu sheegay in “Muslimiintii” halkaa ku shirtay ay soo saareen baaq ay ku diidan yihiin go’aankii ummada Somaliland ku gaadhay Burco 18 May 1991, kaas oo ay ku tilmaameen in Israel iyo Ethiopia ay dabada ka riixayeen loogana dan leeyahay wiiqidda iyo curyaaminta xoogga Islaamka iyo kala googoynta dalkii la odhan jiray Somalia. Qalalaasihii ka dhacay Jamhuuridda 1994 ayaa waxa uu hakad galiyay xawligii hagardaamada dunida Carabtu ku hayeen Somaliland, iyaga oo markaa filayay in qalalaasahaasi noqon doona mid baahsan oo aan loo maaro heli doonin. Waxay ku qiyaasayeen oo ay ag dhigeen qaskii ka taagnaa walina ka socda Somalia oo ay moodayeen in ay dadku isku mid yihiin. Waxay illawsanaayeen in dadka Jamhuuriyaddan ku nooli leeyihiin meel ay u noqdaan iyo axdiyo dhaqan oo ma guuraan ah oo lagu furdaamiyo dhibaatooyinka dhaca. Waana ta ay haatan fahmeen ee ay doonayaa in ay si danahooda waafaqsan uga faa’iidaystaan iyaga oo darsay xididada dhaqankan iyo hanyarida hogaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka mucaarad iyo muxaafad labadaba. Hadaba bal aynu soo ban dhigno aragtida cusub ee hantaaqaynta Somaliland iyo ka faa’iidaysiga hunguriga aan iimaanka wadaniga ah lahayn ee hogaamiyeyaasheenna badankood. Dawladda Masar oo beryahan danbe waday dadaal ah in ay dunida ku qanciso in iyada loo gacan banneeyo xasilinta Somalia- oo dabcan aragtideeda Somaliland ka mid tahay- ayaa waxa ay la tashi wayn la yeelatay xukuumadda boqortooyada Sucuudiga oo ay quud darraynayso in ay maal uga hesho qorshaheedan, waxana sida muuqata ay ku qancisay Sucuudigu inuu taageero dhaqaale ka gaysto tallaabadan lagu bad baadinayo danaha Carbeed, gaar ahaan Masar iyo dib u hurinta colaadihii gaamuray ee Geeska. Dawladda Masar, si ay u ogaato inta uu gaadhsiisanyahay hanka qaranimo ee hogaanka Somaliland ee haatan waxay ku dhaqaaqday tallaabo ku day ah oo ay cad quudheed ku soo gaadhsiisay Somaliland waxoogaa raashin ah oo aan qiimihiisu kaba badnayn afartameeyo kun oo dollar. Waxa ka darnaa in safiirkii siday cad quudheedkaasi uu si yasid iyo liididi ka muuqato uga hadlay xarunta madaxtooyada Somaliland erayo dhaawac iyo laf jabba ku ah qaranimada somaliland, nasiib darrose aanay xukuumaddu wax jawaab ah ka bixin ee ay si dhego nugul u dhagaysatay. Taas oo ahayd fariin cad oo ay dawladu si dullinimo ah ugu ogolaanayso in ay u hogaansantahay Masar iyo Sucuudiga hadii ay ka helayaan waxoogaa lacag ah oo ku fillaata inta dawladda haatan jirta ugu sarraysa. Ushaa ay ceelka ku dayday ka dib, Masar waxa ay warbixin buuxda u dirtay boqortoodayada sucuudiga taas oo ay ugu faahfaahisay in aanay ka dhab ahayn qaranimadu xukuumadda haatan haysa talada dalka, sidaa awgeedna la gaadhay xilligii laga faa’iidaysan lahaa. Dawladda Sucuudigu waxa ay martiqaadkan madaxwayha ugu soo bandhigaysaa arimo dhawr ah oo ay u aragto in ay wiiqi karayaan Somaliland, si ay u fulaan arimahaasina waxa madaxwaynaha iyo wasiiradiisa sar sare loo qoondeeyay lacag badan oo ay ku xakamaynayaan dadaalka shacabka reer Somaliland ee ah hanashada aqoonsi caalami ah oo buuxa.Ugu horrayn si qorshuhu ugu muuqdo mid iskaashi oo heshiis laba dawladood dhexmaray ah, waxa warbaahinta dawladeena lagu faafin doonaa in Sucuudigu danaynayo xidhiidh sokeeye oo uu la yeesho Somaliland iyo taageero uu siiyo. Si taas shacabka loo tusana waxa lagu ballan qaadi doonaa dhaqaale kooban iyo mucaawinooyin yar yar oo xaga adeega bulshada ah oo loogu yabooho jamhuuridda. Waxa arrintaa ka hooseeya oo aan innaba dadka la dareensiin doonini waa heshiiska la filayo in ay saxeexaan madaxwayne Rayaale iyo wasiiradiisu, kaas oo si qarsoodi ah loogu heshiinayo in ay si buuxda uga hadhaan taageerada diblomaasiyadeed ee ay waydiistaan beesha caalamka iyo in aanay mar danbe u dhaqaaqin socodsiinta qaddiyadda gooni isu taaga Somaliland. Arintan waxa la filayaa in ay dhaafsan doonaan Mudane Rayaale iyo wasiiradiisu waxoogaa lacag ah oo la siiyo. Si wakhtigu ugu dheeraado madaxwaynaha oo mar kale loo soo doorto waxa laga caawin doonaa kharashaadka doorashooyinka lagu qaban doono. Doorashadaas oo, hadii uu ogolaado, lagu amri doono in ay ku shubato xukuumadda haatan talada haysaa, si taasi u meel martana waxa la qoondeeyay lacag buuran oo lagu dejin doono dadka iyo in lagu mustafeeyo golaha guurtida ee dhalinyaradu ku soo badatay. Heshiiskaa la hor dhigayo madaxwayne Rayaale iyo wasiiradiisu waxa uu salka ku hayaa sidii loo adkayn lahaa nabad galyada dalka hase ahaatee aan marnaba loogu tallaabsan wax lagu kasbanayo taageero diplomaasiyadeed oo caalami ah. Xasiloonida Somaliland iyo nabadda ka jirta waxa looga faa’iidaysan doonaa in la maal galiyo dugsiyo iyo madarasado fara badan oo lagu faafiyo Islaamka Carabaysan si ay u soo baxaan dad badan oo laga dhaadhiciyay in midaw labaad oo ay Somaliland la gasho Somalia uu yahay arrin shareecada Islaamku ina farayso, hawshaa hirgalinteedana waxa u darban oo kuba diyaar ah dalka gudihiisa wadaado ka sharaabay Islaamka Carabaysan. Wadaadadaa ayaa lacagta la siiyo la sii kordhin doonaa iyadoo la fari doono in ay mar kasta ka hadlaan walaalnimada muslimiinta iyo muhiimadda ay leedahay isku duubnida muslimiintu. Waxa inagu badan doonaa ducooyinka Falastiin iyo Ciraaq iyo in caruurteena iyo caamadeenaba lagu cabsi galiyo in hadii aynu garab ka dhigan wayno walla waynta aynu gali doono afka “Cadawga Islaamka ee Ethiopia”. Hawshan oo ay u xilsaaran yihiin culimo sheegatada aad wada garanaysaan sidii ay ugu fashilmeen u riyaaqoodii mooryaanta Islaamiga ah 2006dii ee ay marka qudha ku wada dhawaaqeen in shareeco lagu dhaqo dalk, hadalkaas oo aan hore looga maqal, markii hogaamiyeyaashoodii laga adkaadayna ay iskaba illaawee shareecadii iyo Islaamkii oo aynaan mar danbe kaba maqal, ilayn shareeco doon maahee waa adeegayaasha Islaamka Carabaysane. Waxa hadaba aynu sugnaa waa dabinkaa qoolan ee lala sugayo madaxwayne Rayaale in damiirkiisa wadaninimo ka horjoogsan doono ku dhiciisa iyo in hunguri iyo maalmo koobani indho tiraan midka ka soo baxa booqashada madaxwayne Rayaale iyo wasiiradiisu ugu kicitimi doonaan Sucuudi Arabia.
Waxaa Qoray Axmednagashe, Nairobi, Kenya
--
Wargeysku marnaba masuul kama aha aragtida akhristayaasha, waxaa masuuliyadeeda leh shakhsiga qoray
|
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |