| Khilaaf Soo Kala Dhex galay Sheek Shariif iyo Wasiiradiisa Qaar ka mid ah |
|
|
|
| Friday, 03 July 2009 | |
Muqdisho(Geeska)-Khilaaf culus, ayaa la sheegay inuu ka dhex curtay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmd iyo xubno culus oo ka tirsan golihiisa wasiirafda.
Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inuu muddooyinkii u dambeeyay jiray khilaaf kobcayay oo ka dhex oogan Sheekh Shariif iyo saddex ka mid ah wasiiradiisa, kuwaas oo mid ka mid ahi dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland. Ilahani waxa ay sheegeen in saddexdaas wasiir kala yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdiqaadir Cali Cumar, Cadaaladda Cabdiraxmaan Janaqow iyo Arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Oomaar. Warkan oo sidoo kale si weyn la isula dhex marayo magaalooyinka Muqdisho iyo Nayrobi, waxa uu soo shaac baxay ka dib markii warbaahinta laga waayay Wasiirada daakhiliga iyo cadaaladda, kuwaas oo xilliyadii dawladan Shariif la aasaasay ahaa ragga ugu culsu ee inta badan u jawaabi jiray kooxaha mucaaradka. Wasiirka Arrimaha gudaha oo mar ka badbaaday qarax miino oo ay mucaaradku la beegsadeen ayaa la sheegay inaanu la dhacsanayn siyaasadda Sheekh Shariif ee la xidhiidha dagaalada Muqdisho ka socda, waxaanay taasi sababtay inuu wasiirku dhimo dhaqdhaqaaqiisii. Wasiirka cadaaladda Cabdiraxmaan Janaqow, ayaa isna la sheegay inuu Sheekh Shariif ku amray inuu joojiyo shirarka jaraa’id ee uu hore u qaban jiray isagoo u jawaabayay mucaaradka hubaysan ee Muqdihso ku sugan. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Oomaar, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse la dhacsan nidaamka federaalka, ayaa isna la xaqiijinayaa inaanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn. Awoodii Wasiir Oomaar, waxa inta badan haya Raysalwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay saaxiibo dhow yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Tusaale ahaan warqad shaki badan abuurtay oo uu dhawaan Sheekh Shariif u diray Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi waxa loo dhiibay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sidoo kale, waxa uu Shariif Xasan dhawr goor u baxay safaro dibadda ah oo ahayd shaqadii Wasiirka Arrimaha dibadda, isagoo welibana dawladaas Shariif u saxeexay heshiisyo dhawr ah. Wargeyska Geeska Afrika www.geeska.net |
Waa Waraysi xiiso badan oo lala yeeshay Abwaan Boon Xirsi : Waxa uu kaga waramayaa Taariikhdiisa Fanka, xaalada uu imika ku sugan yahay, iyo fariin uu dirayo.
Somaliland Forum Oo Hay'ado Uu Geesku Ku Jiro Bilado Siisay (Daawo Sawirada)
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |