| Milicisga Geeska: Xildhibaan Donald Xaal Ha Siiyo Shacabka Somaliland |
|
|
|
| Thursday, 02 July 2009 | |
|
"Waxa hubaal ah inaan samayn doono wixii karaankayga ah ee ah inaan ka dhigo go’doon. …. Waxa laga yaabaa inay Somaliland maalin uun go’aansan doonto inay qayb ka noqdaan midnimadii Somaliya..”
Ereyadan waxa ku tiraabay Guddoomiyaha guddiga Golaha Wakiilada Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Xildhibaan Donald Payne, oo toddobaadkan hadal ka jeediyay shir lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo lagaga hadlayay amniga iyo budhcad badeedka Somaliya,
Hadalkaas cadhada ah, ee ka soo baxay Xildhibaan Donald Payne, waxa uu kaga jawaabayay go’aan ay xukuumadda Somaliland ku diiday casuumad uu u fidiyay oo uu ku weydiistay inay ka qayb gallaan shirkaas. Waxaanay sheegtay inay Somaliland sharaf dhac ku tahay inay ka qayb gasho shir ay ku kulmayaan kooxaha Somaliya oo ay madaxbanaanideeda kala soo noqotay 18 sannadood ka hor, ka dib dagaal qadhaadh oo uu ururkii SNM la galay dawladii Maxamed Siyaad Barre ee ka talin jirtay wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Somaliya. Ma odhan karno xildhibaanku, hadalkiisa hanjabaadda ah waxa ka keenay ogaanshiyo iyo xog la’aan la xidhiidha Somaliland, waayo wuxuu ka mid ahaa wefti ka socday dawladda Maraykanka oo booqasho ku yimid Somaliland dabayaaqadii sagaashamaadkii. Laakiin waxa muuqata inuu u badheedhay xaqiraada iyo meel ka dhaca uu u gaystay rabitaanka malaayiinta reer Somaliland oo go’aansaday inay noqdaan qaran xor ah oo madaxbanaan oo ka tashada aayahooda, ka dib midnimadii bilaa shuruuda ahayd ee ay eeddeen, ee ay la galleen walaalahoodii koonfurta Somaliya ee uu Talyaanigu gumaysan jiray, 1 Julay, 1960, oo ahayd afar maalmood ka bacdi markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska. Sida laga warqabo shirkani ma ahayn kii u horeeyay ee ay Somaliland diido ka qayb galkiisa, balse waa kii u dambeeyay ee qiyaastii in ka badan labaataneeyo ku dhawaad shir oo la isugu keenay Somali, kuwaas oo caalamku garawsaday inaanay Somaliland ku dhex milmin kooxaha Somaliya, maadaama oo ay tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dawladii Siyaad Barre ay ku naaloonaysay nabadgelyo buuxda iyo nidaam dawladeed. Intaas oo shir waxa ay shacabka Somaliland uga qayb geli waayeen, waxa uu ahaa iyagoo u arkay inaanay dantoodu ku jirin. Wargeyska Geeska Afrika www.geeska.net |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |