|
Wixii ka dambeeyay markii ay dawladda Somaliland cambaaraysay weerarkii ay Ereteriya kal hore ku soo qaaday dalka Djibouti, waxa muuqday ifaafalaha xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti oo dhinaca wanaagsan u jihaysanaya, waxaanay Djibouti Somaliland u soo dirtay weftigii ugu cuslaa oo uu hoggaaminayay wasiir, kaas oo habeeno u hoyday caasimadda Hargeysa.
Weftigaas ayaa ka dambeeyay booqashooyin ay madaxda Somaliland tiraba dhawr goor ku tageen wadanka Djibouti iyo weedho xaqiiqo ah balse aan abid afkiisa laga maqlin oo uu Madaxweyne Geellaha Djibouti kaga faallooday Somaliland. Djibouti bedelkeed, waxa Somaliland ku habsaday weerar dhinaca afka iyo diblomaasiyadda ah oo ay Ereteriya oo aan hore u soo hadal qaadi jirin ku soo jihaysay qaddiyadda madaxbanaanida 18 jirsatay.
Intaas wixii ka dambeeyay madaxda xukuumadda Somaliland waxa ay gaashaanka u daruuri jireen cid kasta oo naqdida amaba wax ka sheegta xidhiidhka labada dal, waxaanay cidda ay u arkaan inay Djibouti wax ka sheegayso u adeegsan jireen luuqad kakan oo ixtiraam darro ka muuqato. Intaas waxa dheeraa magaalooyin ka tirsan Somaliland oo ay caasimadu ku jirto waxa lagu qabtay xaflado aanay xukuumadu ka madhnayn oo lagu taageerayo sidii uu Madaxweyne Geelle mar saddexaad isugu soo sharixi lahaa talada dalkiisa. Waxa ay xukuumadda Somaliland iyo dadka taageeraaba ku doodi jireen in Djibouti hadda u soo jeedsatay Somaliland, ka dib markii ay ka quusatay Somaliya oo ay muddo dheer xallinta dhibaatooyinkeeda isku hawshay. Hase yeeshe, xukuumadda iyo dadkaas la fikirka ah, waxa ay su’aal muhiim ahi hortimd, markii ay baaqatay xaflad loogu dabaal degayay sannad guuradii 18aad ee la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, taas oo markii hore la qoondeeyay inay jaaliyadda Somaliland halkaas ugu dabaal degaan, sida caalamka kale looga dabaal degay. Intaas waxa dheeraa dawladda Djibouti waxa ay shacabka Somaliland kala masuugtay inay ku soo hambalyayso munaasibadda ay u dabaal degayaan ee la xidhiidha madaxbanaanidooda, waxaana halkaas laga halacsaday sida ay Djibouti u xaqirayso qaddiyadda Somaliland.
Ma jirin war rasmi ah oo ay xukuumadda Rayaale, ka soo saartay sababta 18 May looga xusi waayay Somaliland, laakiin wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa sheegay inaanu fahamsanayn sababta ay xafladasi u baaqatay. Dad badan oo muwaadiniin ah ayaa ku dooday inay soo shaac baxday sida aanay dawladda Djibouti marna raalida uga ahayn Somaliland iyo madaxbanaanideeda, “Waa taas cadaatay inay Djibouti tahay nacab, sababtoo ah meel kasta oo dunida ka mid ah waa lagu qabtay xafladaha 18 May, marka laga reebo dalkooda.” Sidaas waxa ku tiraabay mid ka mid ah muwaadiniinta.
Marka laga tago 18 May iyo xus la’aanta Djibouti, waxa sidoo kale toddobaadkan soo shaac baxay halka ay kala taaganyihiin Somaliland iyo Djibouti. Sida la ogyahay waxa ay dawladda Djibouti toddobaadkan u dabaal degtay sannad guuradii 32aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyadeeda qaadatay, waxaana munaasibadaha dabaal degga xorriyadaas lagu casuumay dalalka Itoobiya, dawladda Sheekh Shariif iyo kuwa kale ee gobalka, marka laga reebo dawladda Somaliland oo aanay madaxda Djibouti casuumin. Sidoo kale, Madaxweyne Rayaale, oo malaha u muuqda inuu ka jawaabayo qadarin la’aanta Djibouti ee 18 May iyo sida uu saaxiibkii Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka Somaliland ugala masuugay inuu hambalyeeyo, ayaan isna shacabka reer Djibouti u dirin wax hambalyo ah oo la baahiyay, taasina waxay sii xoojinaysay shakiga ku gadaaman kala fogaanshaha fikradaha siyaasadeed ee labada dal.
Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata qiso lagu cabiri karo kaaf iyo kala dheeri. Xukuumadda Somaliland iyo dad badan oo la fikir ahiba waxay aaminsanaayeen in Djibouti Somaliland u soo jeedsatay, laakiin hadda waxa muuqata inay weli ka sii jeedo. Haddaba, marka xaal sidaas yahay, ma dambibaa haddii xukuumadda Somaliland oo uu Md. Rayaale u horeeyo lagu yidhaahdo Dheeraa jidka Djibouti loo marayaa. Taas oo ay macnaheedu tahay goorma ayay Djibouti Somaliland ula macaamili doontaa qaab dawladeed.
Wargeyska Geeska Afrika www.geeska.net
|