Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland, ayaa sheegay inaanu jirin hadal cadho leh oo uu Xildhibaan Donald Payne, oo ka tirsan aqalka Wakiilada ee dalka Maraykanku, kaga jawaabay go’aankii ay Somaliland kaga baaqatay ka qayb galka shirkii dhawaan lagu qabtay Washington ee lagaga hadlayay arrimaha Somalida.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo khamiistii shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland go’aansaday inaanay ka qayb gelin shir uu aqalka Koongareeska Maraykanku, gaar ahaan guddiga Arrimaha dibadda ee Afrika qaabilsani ay kaga hadlayeen arrimaha Somaliya. Shirkaas oo sidoo kale lagu casuumay Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka khaarajiga ee dawladda Sheekh Shariif, waxa uu Wasiir Ducaale, sheegay inay xukuumadda Somaliland sharaf dhac ku tahay inay ka qayb gasho shir noocaas ah, waxaanu codsaday in arrimaha Somaliland si gaar ah loo eego. Xildhibaan Donald Payne, oo ah guddoomiyaha guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada ee Maraykanka, ayaa la sheegay inuu furitaankii shirkaas ka jeediyay hadalo cadho leh oo uu kaga jawaabay go’aanka dawladda Somaliland. Hase yeeshe Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur, ayaa sheegay inaanu jirin hadal cadho leh oo uu xildhibaanku ka bixiyay go’aanka Somaliland. Waxaanu safiirku, sheegay inay Somaliland guddigii shirkaas qaban qaabinaysay ka dalbatay in loola macaamilo si gaar ah oo ka duwan qaabka kooxaha Somaliya, waxase uu xusay inay dalabka xukuumadda Somaliland ka madax adaygeen guddigii shirkaas wadday. Dr. Sacad, waxa uu hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay isagoo jooga magaalada Washington ee dalka Maraykanka uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:Shirkii Maraykanka ee golihiisa wakiiladu u qabanayay arimaha Somalida, waatii Somaliland lagu casuumay ee aanay ka qayb galin, shirkaasina hadda wuu dhamaaday ee wax saamayn ah ma ku yeeshay Somaliland?Adeer shirkaasi sida Wasiirku idiin sheegay, waxa loogu yeedhay wax lagu sheegay saddex qolo, oo kala Somaliland, Puntland iyo qolada TFG-da [dawladda Sheekh Shariif] ee Xamar galgalanaysa imika, Somaliland sidaad ogtihiin kamay qayb galin, laakiin waxaan ku idhi Wasiirka wixii tafaasiil ah ee aad adigu aad ka tagtay ee aan aniguna ogahay Ilahayn aniga ayaa kijada u fadhiyay meesha oo nimanka aniga ayaa la waday wada xajoodka’e, aynu Saxaafadeedna u sheegno, waayo waxa aan meelaha qaarkood oo ku arkayay Maraykanku wuu ka cadhooday. Si wanaagsan ayay u dhacday, dadka leh Guddoomiyaha Danold Payne, wuu cadhoodayna waxa ay ila tahay dareen ay wataan ayay ku darayaan, waayo Guddoomiyaha hadalkiisu wuu cadaa, wax cadho ah oo meeshaa ka muuqatayna may jirin, waxaanu yidhi Somaliland waanu u yeedhnay dabadeedna waxa ay yidhaahdeen anagu haddaanu imanayno waxaanu jecelahay in aanu milgaha noocaas ah la noo qabto, milgada aanu anagu ka dalbanayna waa intii Wasiirku sheegay, dabadeedna waxa uu yidhi gudigani midhkaa muu aqbalin, ee anagu waxa aanu u aragnaa fikradii aanu qabnay ee ahayd in aanu dadka iskugu yeedhno ay burburinayso dalabkaa Somaliland, markaa intoodu intaas ayay ahayd, markaa anagu waxa aanu dalbanay waa intaa, laakiin haddii uu Guddoomiyuhu u arkay isagu dalabkayagaasi mid ka hor imanaya fikradii isaga maskaxdiisa ku jirtay isaga ayay u taalaa, laakiin Somaliland qaraarka ay gaadhay waa qaraar dawladeed waa mid shacbi, ma doonayno si dalag ah inaanu Somaliland u gayno meel aan laga baaraan dagin oo aan meel cid ah la dhigin.Mr. Safiir, ma waxaad leedahay xildhibaan Donald Payne, kama cadhoon ka maqnaanshaha shirkaas ee Somaliland?Waxa uu sheegay fikrada aanu anagu keenay in aanay aqbali karaynin iyagu, markaa anaga cadho la noo sheegay iyo mid la noola yimid midna ma ogin, xidhiidhka inaga iyo Guddoomiye Donald, waxa uu ahaa mid sooyaal ah, oo saaxiib ayaau nahay oo 11 sanadood ayaan shakhsiyan aqaanay, markaa laga yabaa in aanu isagu jeclaysan oo ay u meel mari wayday fikradii uu watay, laakiin cadaawad iyo cadho Somaliland loo qabaa ma jirto, waayo Somaliland cidna waxba kamay qaadin ee xaq siyaadiya oo ay leedahay ayay sheegatay, aniguna waan u sharxay nimankii hawlwadeenadiisa ahaa, xasaasiyada meesha ku jirta , waxaanan ku idhi waar anagu maanu tagin ilaa maalintii aanu isaga tagnay dawladii hore ee Soomailya la odhan jiray meel Soomali la iskugu yeedhay, oo isma aqoonsanin oo waad ogtihiin oo TFG oo meesha timaadaa waxa ay tidhaa Hargeysa anaga ayaa leh oo ka talina. Tan aad Puntland ku sheegaysaana anagu Maamul gaar ahba uma aragno oo Soomaliya ayay ka mid tahay, laakiin maanta hadal iyo muran ka gali mayno oo idinka ayay idiin taalaa ee anaga nooma taalo ee idinka iyo TFG-du ku heshiiya, waxa kale oo aan ku idhi, wixii intaa soo raaca anagu sinaba ugu iman mayno dad aanaan hore ugu iman, laakiin maanta cida u yeedhay iyo cida shirka qabanaysa mowqif ayaanu ka leenahay, moqifkaasi waxa uu yahay in aanan cidna siinin fikrad, maanta anaga oo 19 sanadood kala maqnayn inaanu Somaliland oo gabgable gayno Muqdisho, dabadeedna Soomali wayna tidhaahdo waa taas oo Maraykan ayaa soo muquuniyay oo iyagu intay tik tik lahaayeen ayaa maanta qoorta la soo qabtay, anaguna dadwaynahayaga iyo fikradayada aanu ku iibino ama aanu ku wayno.Dr Sacad, waxa jira dad badan oo dublamaasiyiin Maraykan ah, oo ku doodaya in shirkani ahaa mid aan loo dhamayn, oo xisbiga Jamhuuriga ee Maraykan oo kale aanu ka warqabin, oo waxa la leeyahay kooxo gaar ah ayaa wadatay. Warkaas adigu ma maqashay?Anigu xaqiiqada aan ogahay waxa weeyaan, guriga hoose ee koongareeska Maraykanka labadii xisbiba way joogaan, markaa warka aniga isoo gaadhay ee aan ogahay ee xaqiiqada ahi waxa weeyaan in dhinaca xisbiga Jamhuuriga ah laga qariyay oo waxa ay ogaadeen daqiiqadii ugu dambaysay. Mid kale dawlada Maraykan iyo Maamulku dibada ayay iska taageen oo gacanta soomay galin, waayo wax kale ma ahayn ee warka gudaha aan ka hayay wuxuu ahaa looma yeedhin oo waxa ay ahayd in maamulka loo yeedho oo xafiiska kaaliyaha Wasiirka arimaha dibada, iyagiin dibada ayay iska taageen oo sida runta ah mabayn imanba, markaa arintan maamulku shaqo kuma laha waa arin ay gudi gaar ahi leedahay, taas macnaheedu maaha in gudi hoosaadku aanu ahmiyad lahayn, ahmiyad wuu leeyahay, laakiin arintu may ahayn arin uu Mamulku gacan ku leeyahay, waxa aanu kuu sheegayaa nimanka laba toddobaad ayaanu wada sheekaysanaynay, markaa nimankii Odaygu [Donald] uu soo dirsaday waxay naga gaadhay markaan idhi waar anagu sidaanu shirkaas ku iman karnaa sidaa weeyaan, fikrada sarena waxba kama diidanin anagu ee habka iyo Baratakoolka aanu ku heshiino, warka baxayaana mid cad oo tusaalaynaya oo cadaynaya in Somaliland gaar u imanayso ha noqdo, dabadeedna waxa ay igu yidhaahdeen raggii meesha fadhiyay haddii aad diidaan anaga ayaa nin Somaliland uga yeedhanayna oo isaga ayaa ka hadlaya meesha, dabadeedna waxaan ku idhi Somaliland cida u hadli karaysaa waa dawlada dadkeedu doortay uun, kumana dhici kartid, markaa waxaan ku idhi anagu iman mayno haddii ay sidaa tahay, xidhiidhkeenuna sidii ayuu u soconayaa Wasiirkuna [Wasirka dibadda ee Somaliland] wuu imanayaa, waanuna iman doonaa oo odayga waanu la hadli doonaa oo waa saxiibkayo waanuna la ssheekaysan doonaa, haddii cidi xurguf tirsanaysana xagiina iyo xagayagaba halkaa ayaanu kaga wada hadli doonaa, markaa arintuu halkaa ayay taagan tahay.Maxaand odhaynaysaa oo aanu kaa gaadhsiinayaa dadka reer Somaliland ee warkaasi soo gaadhay adiga oo ah Dr Sacad Sheekh Cismaan Nuur ah.Waxa aad ku tidhaahdaan qaraarkaa aanu gaadhnay mid aanu magaciina ku gaadhnay ayuu ahaa, dantiina ayaanu meesha u joognaa oo sharaf ayaanu u aragnaa xilka aanu idiin hayno, kuna xadgudbi mayno gooni isku taaga dalkeena iyo mustaqbalkiisaba, oo wixii wax yeelaya si aanu u aqbalaynaa ma jirto, wax dhibaato ahina ma jiraan oo xidhiidhkeeni Maraykankuna sidiisii weeyaan, Maamulka, Wasaarada arimaha dibada iyo xafiisyadii kale ee waawaynaa iyo hay’adihii dawlada sidiisii weeyaan, xataa gudi hoosaadka ma jirto rayi aanu isku khilaafnay, laakiin fikrad guud oo wanaagsan iyo wada shaqayn iskumaanu khilaafin, markaa Somaliland jiritaankeeda cid aan ILAAHAY ahayn gorgortan kuma gali karno.Dad ayaa ku dooda, intii Maamulkii Bush ka tagay siyaasadii Maraykanka ee Somaliland waxbaa iska badalay, markaa maxaad uga jawaabaysaa dadka fikirka noocaas ah aaminsan.?
Maamulkani waa maamul cusub, daraasad ayaa socota ah siyaasada Maraykan ee dhulkii la isku odhan jiray Soomaliya oo dhan la doonayo in la eego oo indho gaar ah lagu eego, dawlada Maraykan tii hore iyo taniba Somaliland indho wanaagsan ayay ku eegayaan, Wasaarada arimaha dibada ee arintan gacanta ku haysana kuwii hore u joogayna way joogaan kuwa cusub ee hadda yimidna kuwii hore waxay ka dhaxleen ayay wadaan, markaa dawlada Maraykanku si sharafle ayay u indho indhaysaa Somaliland, shayga kaliya ee cad ee aanay qiraana waxa weeyaan dimuqraadiyadaa aad dhisateen ee aad ku faantaan ee aanu idinku jecelnahay yaanay dib idiinka noqon ee doorashada soo socotana si sharafle oo hufan oo nabad ah u qabta, wixii aad naga rabtaan iyo wixii siyaasada fog ee aanu wadno ka soo baxa ee ah sidii gacan la idiinku siin lahaa diyaar ayaanu idiinla nahay, markaa waxa weeyaan siyaasadii Maraykan waxba iskama badalin.
Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa
|