| Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Saaray War Xumad-Jebin U Ah Walaac La Qabo Dibudhac Mar Kale Ku Yimaa |
|
|
|
| Thursday, 25 June 2009 | |
|
Hargeysa(Geeska) - Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey inay Xukuumadda Somaliland bixisay 25% dhinaceeda laga doonayay dhaqaalaha ku baxaya doorashadda Madaxtooyada. Islamarkaana waxa ay rajo fiican ka muujiyey geedi-socodka iyo qabyo tirka diyaar-garowga doorashada. Maal-mihii ugu danbeeyey-ba waxa soo baxayay walaaca Mucaaradka Somaliland ka qabaan dib u dhac mar kale ku yimaada doorashada loo qoondeeyey 27-ka bisha Septembe ee soo socota, iyadoo xukuumadda ku eedeeyey in ay ku jirto qorshayaal u go’gol xaadhaya muddo kordhin mar kale loo sameeyo Madaxweyne Rayaale. Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE qodobada ay u cuskadeen eedooda waxa ka mid ahaa in xukuumadu ka baxday shuruudo deeq-bixiyayaashu ku xidheen dhaqaale 75% ah oo ay ku taageerayaan doorashadda Somaliland. Kuwaasoo ay ku jirtay in xukuumaddu shubto saamiga kaga soo hagaagay kharashka doorashada iyo in heshiis laga gaadho caqabadaha ka horeeya doorashada. Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray ku shaaciyey in Xukuummadu Komishanka ku wareejisay saamigii kaga beegnaa dhaqaalaha ku baxaya doorashada. Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexanyahay Gudoomiyaha Gudiga doorashada Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden) waxa uu u dhignaa sidan: “Wadahadaladii u bilaabmay Axsaabta Qaranka ee 16-kii May ee lagu falanqeeyay dhamaystirka hawlaha doorashada Madaxtooyada ee Somaliland waxaa ka dhashay heshiiskii Axsaabta Qaranka ee 27-kii May 2009-ka ee diyaargarowga doorashada Madaxtooyada. Iyadoo heshiiskaa laga ambo qaadayo Komiishanka Qaranku waxay bilaabeen in xisbiyada qaranka ka wada shaqeeyaan dhamaystirka arrimaha soo socda. 1. Gudida farsamada ee diiwaangalintu waxay isku raaceen hawlgalka hab raaca dhamaystirka hawlaha serverka (parameters). 2. Waxa gebogebo taagan xeerkii hab-dhaqanka axsaabta qaranka ee doorashada madaxtooyada. 3. Waxa la isla qaatay wixii galdaloolo sharci ah in loo sameeyo lifaaq wax-ka-bedel ee doorashooyinku 20/2001 iyo xeerka diiwaangelinta. 4. Waxa dhamaystirmay oo ay dawladu bixisay saamigii kharashka dawlada ee doorashada Madaxtooyada, oo lagu shubay xisaabta komiishanka taas oo dhan SL SH 7,200,000,000, uma dhiganta hal milyan oo Doolar. 5. Komiishanka Qaranku waxa uu dadwaynaha, Axsaabta, dawlada ku baraarujinayaa in ay hareeraha iska taagaan sidii looga midho dhalin lahaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo qabanqaabadeedii la guddo galay.”
Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |