| Muran Ka Taagan Dhisme Laga Bineeyay Garoonkii Kubadda Ee Dugsiga Sh. Madar |
|
|
|
| Thursday, 25 June 2009 | |
|
Hargeysa(Geeska)-Dhallinyarada xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa ayaa ka gadooday dhisme laga binneeyay garoonka kubadda cagta ee ku yaala Dugsiga Hoose Dhexe Ee Sheekh Madar. Wasaaradda Waxbarashada ayaa la sheegay inay shalay garoonkaas ka bilowday dhisme, aan ilaa hadda la garanayn cidda iska leh, waxaana goobtii garoonka iskugu soo ururay dhallinyaro tiro badan, oo si weyn uga cadhooday garoonkoodii kubadda cagta oo laga bilaabay dhisme. Dhallinyaradaas oo saxaafadda la hadlay ayaa si adag u cambareeyay go’aanka ay Wasaaradda waxbarashadu dhismaha kaga binaysay garoonkaas kubadda cagta. Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Maxamuud Siciid Maxamed, oo isna goobtaas yimid, ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo dhismaha laga bilaabay garoonkaas, waxaanu si adag u naqdiyay caqliyadda keentay in garoonkaas laga bilaabo dhisme. Waxa jira warar sheegaya in dhulkaas la siiyay mid ka mid ah shakhsiyaadka reer Hargeysa ee taageera xisbiga UDUB, laakiin ilaa hadda lama garanayo in laga iibiyay iyo in kale. Hase yeeshe muddooyinkii u dambeeyay waxa laga war hayay inay xukuumadda Somaliland iibisay dhul badan oo ay dawladu leedahay, kuwaas oo lacagtii lagu iibiyay aan la garanayn halka ay ku dhacday. Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |