Home
"Waxaan Qabaa Beesha Samaroon Hub Ka Dhigis Halagu Sameeyo" Sul. Maxamed Sul. Cqadir PDF Print E-mail
Wednesday, 10 June 2009
Hargeysa(Geeska)-Laba Suldaan oo ka soo kala jeeda Hargeysa iyo Awdal, ayaa aragtiyo kala duwan ku qaabilay go’aanka ay ergadii guurtidu toddobaadkan ka soo saartay khilaafka deegaanka Ceel-bardaale.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ka soo jeeda Hargeysa iyo Suldaan Saleban Cali Ismaaciil oo ka soo jeeda Awdal, ayaa bixiyay jawaabo kala fog oo la xidhiidha go’aanka ergada guurtida. Ugu horayn Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo xalay u waramay Idaacadda Radio Horyaal, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guurtida, “anigu waxaan u arkaa go’aamadaa ay gudidu soo saartay inay yihiin go’aamo sharci ah, sababtoo ah gudida meesha gashay waxay ka kooban tahay Golaha guurtida SL mana aha gole lagu tilmaami karo inay reer kaliya ka kooban tahay, waayo gudidu marka lagu hor keeno ayaad ka doodi kartaa waad odhan kartaa waxna iga badala kana ii daaya, xubno ku jira waa la diidi karaa, laakiin gudidii laga saaray guurtida oo dhan in la deedafeeyo, maadaama uu suldaan yahay waa wax dib ugu noqon doona aakhirka dambe, suldaan Saleebaan waxaan leeyahay maadaama uu isagu sheegay inuu yahay suldaankii guud ee beesha Samaroon, halkaa waxa ka muuqata qadiyada ka dhaxaysa Isaaq iyo Samaroon inuu ka hadlayo, anigu waxaan odhan lahaa suldaanka arinta sidaa ha u fogayn, nin suldaan ahina cid kastaba suldaan buu u yahay isagu inuu hadalkaa yidhaana may qurux badnayn waxaana aan odhan lahaa suldaan guurtidii aynu ku soo dooranay Boorama ee aad goob jooga ahayd ee ay beel ragay iska soo xushay ee suldaankoodu soo magacaabay weeye horta nimanka meesha ee ergada ahi waxaana aan jecelahay ergadii aad magacawday inaad dhaliilo u samayso dee, waa mid aniga suldaan ahaan kugu fool xun.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed, waxaanu intaas raaciyay, “waxay noqonaysaa arintaasi in qaranimo wax lagu qabto. Waayo waxaynu ku nahay dawlad, ee lagu muujin karaa arinta caynkaas oo kale waxa weeye dawlada haybadedu waa cabsida, xukuumadaan laga cabsanayn haybad ma yeelanayso, golayaashaynu dooranay go’aanka ay ka soo saaraan arintaa, anigu waxaan leeyahay haybadii dawladnimo in lagu fuliyo cidii ka hor timaad.”
Idaacadu, waxa ay Suldaan Maxamed, weydiisay su’aalo sidan u dhacay:
Suldaan Maxamed, suldaan Saleebaan iyo beeshiisu way ku gacan saydheen go’aamadaa, gudigiina waxay ku sheegeen niman isku wada beela, arintaasi siday u muuqataa?
Anigu arintaa uma arko inay beel isku wada mida inay ahayd, anigu waxaan u arkaa beel walba cidbaa kaga jirtay SLna waa 12 beelood ayay ka kooban tahay. 12 ka beelood cid walba cidbaa kaga jirtay sidaan filayo, markaas taasi haday fuli waydo horta xukuumaday u taalaa, ergo dhexdhexaada oo guurtidu soo xushay ayay xukuumadu u dirtay. Dhulka sida loo kala yaalo waa wax taariikh la taaban karo ku cad. Anigu sida igu maqaalo ah waxa weeye beerihii Ceel-bardaale shuruucda meesha taalay sheekhii alle ha u naxariistee sheekh Maxamed Raage xertiisa umad faro badan oo qabiil farabadan oo umada soomaaliyeeda baa ku jiray. Waxa wax lagu qaybsan jirayna waxay ahayd talo xereed, markii dagaalkii 88kii dhacay ayaa cidii wadanka ku soo hadhay halkay ka ilaalin lahayd maqaamkii iyo xadradii sheekha hadii ay yidhaahdeen anagaa qabsanay dee waxa taala, meesha shuruucdii xernimo ee taalay mesel waxa la leeyahay xuseen kulmiye wuxuu ku lahaa beer iyo guryo, Cali Samatar oo kale ayaa ku lahaa, kuwo kale ayaa ku lahaa oo Ina laxwas ayaa ku jiray ragaasi waxay ka mid ahaayeen ragii sheekh Maxamed Raage ku xidhnaa ee siiyay guryo iyo beero beerahoodi hadi la qaybinayo, oo xertii loo qaybinayo sidii sharcigu ahaa waxa weeye inaan cidina sheegan, oo aanay ka sheegan dadka kale taladii xernimo lagu bixiyo, laakiin haday noqoto xoog dee wax suurto gala maahoo deegaan waliba taariikhbuu leeyahay la yaqaano markaa anigu waxaan odhan lahaa waar ergadaasi waxay xukuntay hala fuliyo, halagu dhaqmo, ciday u taalo inay filsaana waa xukuumada maaha beelo.
Marka la eego waxyaalaha ay diidan yihiin suldaan saleebaan iyo beeshiisu waxa ka mida, xukunkii ergada, dilalkii dhacay iyo kii dhulka oo la isku hayay mar is wada raacisay, siduu ku doodayo suldaanku waxay ahayd in marka hore la dhameeyo dilalka iyo magaha kadibna la galo arinka dhulka, markaa adiga arinkaasi siduu kuula muuqdaa?
Wax waliba horta dhaqaale ayuu u baahan yahay, haduu dhaqaalahaagu gaabto waa inay arimuhu dagdag kaaga baxaan oo la dhamays tiro arinku hadii uu jiitamo oo la jiido boqol mishkiladood oo kale ayaa iman kara, arinka oo lagu guda jiro ayaa fal dhici karaa. Markaa waxa weeyaan haddii arinka la gudo galo in la yidhaahdo ha la dhamays tiro, waxaasi waa wada hadal oo bani aadamku isku afgaranayo oo lagu wada hadlayo, soomaalina garta, sideeda ayay u taqaanaa, dilka, dhaca iyo dagaalka iyo wixi khasaare yimaadaba mar qudha ayaa la is raaciyaa lama kala dambaysiiyo waana dhaqan soomaaliyeed. Hadii la doonayo meesha xalkeeda, horaa loo soo eegay, waa la soo maray deegaanada siday u dhan yihiin dadkooda way soo waraysatay guurtidu cid waliba wixii ilaahay ku ogaa markay sheegto ee lala kala baydhi waayo dee, waxa weeye ninka xaakinka ah ee xukumayaa wixii ay dadku sheegeen ayuu wax ku goosanayaa oo arinka wixii macquulana wuu soo qaadanayaa, wixii madmadaw kaga jirana isagaba ka xishoonaya inuu xukunka gacanta ku gooyo oo uu cawaj u gooyo.
Anigu waxaan qabaa Somaliland maanta fidno uma baahna deegaanku si nabada ayuu u wada ooli jiray, hadii damac yimaado dadku way wada hadli jireen, laakiin meesha xabadi ma haboona, beelaha qaarna hubkii baa laga dhigay, qaarna hubkii wali cidi hub ka dhigis kumay samaynin, markaa qoladan wax diidani waa qoladii aan hubka wali laga dhigin. Anigu waxaan codsanaya inta aanay xalba ka gaadhin arintooda guurtidu in dib loo eego wixii SL beelaheeda kale soo mareen oo hub ka dhigid lagu sameeyo. Anigu waxaan qabaa beesha Samaroon hub ka dhigis ha lagu sameeyo, umad meel ku wada nool oo badhna hubaysanyahay, badhna aan hubaysnayn meel kuma wada noolaanba karayno. Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa oo aan madaxwaynaha ka codsanayaa arinkaa ay ergada guurtidu go’aanka ka soo saareen in sidiisa loo fuliyo, xukuumaduna ay fuliso.
Suldaan Saleban Cali Ismaaciil
Sidoo kale, waxa ay idaacadu waraysi la yeelatay Suldaan Saleban Cali Ismaaciil, oo ka mid ah madaxdhaqameedka gobalka Awdal, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:
Suldaan waxaad nooga warantaa go’aamadii ay soo saareen gudidii dhexdhexaadinta iyo sidaad u aragtaan?
Go’aamadaasi iyo sidaan u arkaa waxa weeye, waa go’aamo suurogal ahayn, waana go’aano aanu reer Nuur qaadan karayn, ana aanan u qaadayn weeye.
Suldaan Maxaad ku diiday?
Waxaan diiday horta ta u horaysa golaha Guurtida ee SL nabad ayuu ku shuqul leeyahay ayaa la yidhi, guurtida xulkeeda waan diiday waa mid. Waxa kale oo aan diiday arinka siday u dhigeen. Guurtidaa, xulkeedu waxa weeyaan Guurti aan isku dheeli tirnayn mesel beesha Samaroon oo kale waxaa la yidhi ninbaa kaga jira, beesha Ciisana ninbaa kaga jira, inta kale waxa weeye niman magaca Isaaqa, oo qaybo ka kooban, isaaq kuma firidhsana’e  meel ku kooban.  waxa soo raaca waxa weeyaan niman ay xulufo yihiin, deegaam ahaan iyo aragti ahaanba, waa nimanka aan leeyahay jaraa’idka hadaad ku aragtay naas jiid iyo lug jiid ay nimankaa Isaaq ee guurtida ka mida ay leeyihiin. Naas jiid iyo lug jiid waxaan u malayn inaan dadku macnayn karayn, Naas jiid waa ninka hooyadaa  nuugay, lug jiid waa ninka gabadh qaba, Seedi iyo Abti ayuu macnaha yahay. halkaa horta Guurtidu waa ka sidaa, guurtida la soo diray. Waxa kale oo aan meesha ka diiday guurtidu inay waxa nabadayso ayay xaq u leedahay, kuwa la soo diray ee Ergada ahina, sifaha ay ku yimaadeen ee hore waxa uu ahaa nabadaynta dabadeed, nabadii uma ay baydhine waxa ay u baydheen qabaa’il,  qabaa’il bay u baydheen markaan leeyahay waxa weeye, jilib Reer Yoonis Xareed la yidhaa iyo jilib Reer Cumar Halas la yidhaa weeye. Dagaalka anagu waxaanu u arkaynay, ama aanu ku salaynay oo kaga hadalnay, oo dadkii halkan ka gurman lahaa, aanu ugu diidnay. Waxa uu ka dhexeeyaa baanu nidhi Reer Cumar Halas iyo Reer Yoonis Xareed oo meesha isku dishay oo wada degan, dabadeed ergada guurtida ayaa tidhi baa la yidhi iska daa Reer Maxamuud Nuure, Reer Faarax nuurna ha yimaado markii warkaa la keenay anigu waan ka hadlay, waxaan idhi cid aan Reer Cumar Halas ahayn iyo Reer Yoonis Xareed oo loo garqaadayaa ma jirto. Hadii nala leeyahay walaalihiinbaa wax diidaye kaalay qabta way na qabataa, laakiin garta soo gala ama dagaalka soo gala ma yeelayno. Waxay noo tahay baan idhi dagaalka soo gala. Dagaalka inaanu hoos u dhignaabaanu doonaynaaye inaanu kor u dhigno ma doonayno, oo halka uu yahay meel meel ka saraysa uu tago, maaha
Waa, ayo nimanka aad leedahay Isaaq waa xulufo?
Waxa weeye qolada reer yaroowe iyo xulufada xagaas ka sii xigta ee Harti.
Ma dheeli tirnayn baad tidhi Ergada xulideedu, ergadana waxaa loo xulay 12ka beelood ee SL ka kooban tahay, waxna ku qaybsato ayaa lagu soo kala xulay. Adigu miyaad diidantahay?
Sidaa umaba qaybsanaba, guurtidu waa 14 qof ayaa la yidhi la soo diray, 8 habar Jeclo iyo Harti, 1 Ciise iyo  1 Samaroona, waxa soo hadhay wax yar weeyaan arinka Raga iska wataa, horta waa Ragaa, halkaa waxay ka sameeyeen dagaal barbar oo meel dagaalku jooginbay gaadhsiiyeen, markaa nimankan niman dagaal oogaya ayaan u arkaa nabadii ay qaabilsanaayeen maxay ka qabteen waxba, dadkii wali sidii buu kala yahay, dadkaa ay ka had, hadlinayeen mooyaane dadkii inay nabad ka dhex dhaliyaan ay ahayd wali qoryihii buu isku haystaa waxba kamay qaban nabadii anigu suldaankii beeshaan ahayoo iimay yeedhin, aniguna maan tagin meeshaasoo, meel iga darajo yar baan u arkayoo mar hadaan suldaan, ama nin waynoo ila gado ahi joogin inaan tago waan diiday.
 imika xalku muxuu noqonayaa?
Xalku wuxuu noqonayaa waxa weeye Reer Nuur iyo Jibriil Abokor oo dantooda u shira, kana wada hadla
Suldaan maadaama aad tahay suldaankii guud, hadalkan aad leedahay nimankii waa isku wada beel, miyaanay ahayn mid wax sii kala fogaynaya oo aan wanaag iyo nabad galyo keenayan?
Jaraa’idka hadaad aad u akhrisatay, meel halkaas aan imika idhi ka fogbaan gaadhay Reer Sheekh Isxaaqbaan idhi, waa la iga horeeyay waa hadal mudo lagu soo dhaqmay, afkayga waa laga soo jiiday, waxa ka horeeyay hadii ay wax kala fogaynayso Daahir Rayaale, samaroon buu dhul siinayaa baa la yidhi.

Wargeyska Geeska Afrika www.geeska.net

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....