Home
Somali-Maraykan Ka Bar-bar Dagaalamayay Ciidamada Al-Shabaab Oo Jimcihii La Dilay PDF Print E-mail
Tuesday, 09 June 2009

Mennosota(Geeska/Fox)-Burhaan Xasan, oo ahaa wiil Somaliyed oo haystay dhalashada Maraykanka, kana barbar dagaalami jiray kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday dagaaladii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Burhan Xasan, oo ay da’diisu ahayd 17 jir, waxa uu ka mid ahaa koox dhallinyaro ah oo degenaa dalka Maraykanka oo sannadkii hore ku biiray Al-Shabaab, waxaanu muddo ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee ay Al-Shabaab ka taliso. Sida uu habeen hore baahiyay Telefishanka Fox News, ee dalka Maraykanka, qof sheegtay inuu ka tirsanyahay Al-Shabaab ayaa qoyska Burhan oo degen dalka Maraykanka Telefoon ugu sheegay geerida wiilkooda, “Qof sheegtay inuu ka tirsanyahay Al-Shabaab ayaa duhurnimadii Jimcihii telefoon u soo diray Burhan hooyadii, waxaanu u sheegay inuu geeriyooday Jimcihii.” Sidaas waxa yidhi Cismaan Axmed, oo ka mid ah qoyska Burhan, waxaanu intaas raaciyay, “Burhan hooyadii inta ay naxday ayay telefoonkii tuurtay, markii warkaas loo sheegay.”

Mr. Cismaan, waxa uu sheegay in aanu Burhan ku dhiman dagaal, balse ay kooxda Al-Shabaab dishay, ka dib markii ay ka war heleen inuu doonayo inuu safar ku tago dalka Kenya oo ay qoyskiisu u qaban qaabiyeen. Burhan, ayaa la sheegay inuu qoyskooda Maraykan degen la xidhiidhay usbuucyo ka hor geeridiisa, waxaanu xilligaas isagoo ku hadlayay cod daciif ah uu u sheegay inay kaneeco hayso. “Laakiin xaqiiqda ah inuu ka tagayo iyaga [Al-Shabaab] ayaa walaac ku abuurtay, dabadeedna way khaarajiyeen.” Sidaas waxa yidhi nin ka tirsan ururada Somalida ee Maraykanka degen oo lagu magacabao Cumar Jamaal, waxaanu intaas raaciyay, “Waa fal kuwa kale u cadaynaya in soo noqoshadoodu aanay sahal ahayn.”

Wiillkan, ayaa noqonaya ninkii labaad ee Somali ah ee haysta dhalashada Maraykan ee geeriyooda isagoo ka garab dagaalamayay Al-Shabaab. 29 Oktoobar 2008, ayaa waxa isna magaalada Boosaaso, gaar ahaan goobta la dagaalanka argagixisada isku qarxiyay Shirwac Axmed, oo 27 jir ahaa, kana mid ahaa dhallinyarada Somali-maraykanka ah ee ka tirsanaa Islaamiyiinta Somaliya.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa, Somaliland

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....