Home
Marxuum Cabdillaahi Oomaar Oo Si Heer Qaran Ah Hargeysa Loogu Aasay PDF Print E-mail
Tuesday, 09 June 2009
Hargeysa (Geeska) - Allaha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale ayaa shalay si heer qaran ah loogu Aasay magaalada Hargeysa.

Marxuum Cabdilaahi Oomaar  waxa uu ka mid ahaa Odayaasha waaweyn ee bulshada Soomaalida ah dhexdeeda iyo caalamka kaleba magaca ku leh, gaar ahaan saaxada siyaasadda iyo Arrimaha Ganacsiga, sida ay qireen ka qayb-galayaasha Aaska Marxuumka oo isugu jiray qaybaha bulshadu ka koobantahay, haday noqon lahayd hogaamiyayaasha Siyaasadda, madaxda dhaqanka, Culimada, Ganacsatada iyo bulsho kale oo badan.

Marxuum Cabdilaahi Oomaar oo doraad 7-dii bisha ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu mudooyinkii ugu danbeeyey u soo wareegay,  Hogaamiyayaasha Aaskiisa ka qaybgalay waxa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin. “Haddii cid la dayn lahaa waxa la dayn lahaa Rasuulkii Ilaahay. Cabdilaahi Oomaar wuxuu ahaa odayaashii waawaynaa ee Somaliland. Ilaahay ha u naxariisto, dhammaan waxaan ka tacsiyaynayaa Somaliland, gaar ahaan ehelkiisii iyo qaraabadiisii. Waxaan leeyahay, Ilaahay Jannada ha ka waraabiyo.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku.

Madaxda Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa sidoo kale ka qayb galay Aaska Marxuumka,  Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee saxaafadu kulla kulantay Aaska ayaa wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo dadkana samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo isna ka qayb galay Aaskaas, isla markaana halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Wuxuu ahaa shaqsi cajiib ah oo Muwaadin ah, isla markaana dad badani ka faa’iidaysan lahaayeen. Markaa Ilaahay dalkeena dal aan laga haajirin ha ka dhigo, isagana Ilaahay ha u naxariisto. Waxaanan soo jeedin lahaa in marka qofku dhinto sida loo jecel yahay aynu isu jeclaano marka aynu nool nahay.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isna halkaa ka hadlay, islamarkaana tacsiyeeyey ehelkii iyo shacbiga reer Somaliland guud ahaan ee uu ka baxay marxuumku.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro), kaas oo hadalladiisi ay ka mid ahaayeen, “Wuxuu ka mid ahaa Odayaashii reer Somaliland ee taariikhda ku lahaa halgankii iyo xorayntii Somaliland oo uu magac wayn ku lahaa. Waxa kale oo uu magac ku lahaa Ganacsiga Dunida, gaar ahaan meel kasta oo ay Soomaaliyi joogto. Waxaan leeyahay Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo, eheladiisiina samir iyo Iimaan ka siiyo.”

Dhinaca kale, marka la eego Taariikhda Marxuumka wuxuu aasaasay Shirkaddii ugu horraysay dalka ee la odhan jiray Oomar Company sanadkii 1957-kii. Waqtigaas waxa uu bilaabay Madbacaddii u horraysay Madbacadaha Casriga ah ee daabacaada (Modern Printing) oo la odhan jiray Al-Liwa oo ah Calanka.

Wuxuu Muqdisho u digo-rogtay waqtigii Soomaaliya iyo Somaliland laysku daray oo uu halkaas ka sii waday Ganacsigiisii. Waxa kale oo uu sameeyay Ganacsi casri ah oo qayb kasta leh heer qaran iyo heer Caalami ahba lahayd.

Ka sokow ganacsiga casriga ah, kaalin muuqata ayuu ku lahaa Siyaasadda iyo ururada samafalka, -Wuxuu ahaa ninkii u horreeyay ee keenay dalka Ururka Laanqayrta cas.

-Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale wuxuu ahaa hogaamiye yaqaanay Qiimaha uu waqtigu leeyahay, waxa laga sheegay in uu yidhi, waligay Makhaayad maan fadhiisin oo kama sheekayn. wuxuu ahaa aabbo jecel Ubadkiisa, naxariis badan u leh, waxaanu ugu dedaalay in uu siiyo Tacliinta u wanaagsan, waanu ku liibaanay inay ka soo baxeen Jaamacadda ugu wayn dalka ingiriiska ee Oxford iyo Cambridge.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Oomaar wuxuu ifka kaga tegay Xaaskiisa Sahra Cabdulqaadir, Innamadiisa oo kala ah, Maxamed Cabdilaahi Oomaar, Raage Cabdilaahi Oomaar. Hablihiisa oo kala ah, Raaqiya Cabdilaahi Oomaar iyo Saynab Cabdilaahi Oomaar.

Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo Marxuumka.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....