| Axmed-Siilaanyo Oo Siyaasadii Dhalleecaynta Ku Bedelay Balanqaadyo |
|
|
|
| Sunday, 07 June 2009 | |
|
Bristol (Geeska) – Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud ayaa shalay kullan la yeeshay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol ee Cariga Ingriiska. Shirkan oo si weyn loo soo agaasimay, islamarkaana ka sokow hogaanka xisbiga Kulmiye ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID, waxa ka hadlay masuuliyiin kala gadisan oo dhamaantood ka waramay xaalada dhaqan dhaqaale ee maanta dalka Somaliland ku jiro iyo is bedal ay sheegeen in loo baahanyahay. Gudoomiyaha xisbiga Kulimiye oo ka hadlay kullankaasi ayaa ka waramay qorshayaasha xisbiga iyo Talaabooyinka Kulmiye ku doonayo inuu is bedel ugu sameeyo dalka qodabadii uu ku dooday inuu wax ka qaban doonana waxaa ka mi ahaa.
Gudoomiyaha Kulmiye oo iska dhawray inuu dhaleecayn u jeediyo xukuumadda waxa uu sheegay in hadda wixii ka danbeeya ay xooga saarayaan dhinaca waxa ay doonayaan inay dalka u qabtaan maadaama ayuu yidhi meeshii la taabtaaba ay liidato dhanka dawlada dadkuna wada arkaan qaabka wax u socdaan. Waxaa kale oo isna shirkaas ka hadlay xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID Khadar Xuseen Cabdi, waxaanu ka hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin maamul xumo iyo xukuumada Rayaale oo uu ku eedeeyey inay gabtey xilkii qaranka. Waxaa kale oo uu sheegay xoghayuhu in labada xisibi ee mucaaradka ahi ay gacmaha isu haystaan sidii ay dalka uga badbaadin lahaayeen waxa uu ugu yeedhay dawlad aan musuul ahayn iyo wasiiro u adeegaya danaha gaarka ah ee madaxwaynaha, marka ay warbaahinta ka hadlayaana door bidaaya inay amaanaan madaxwaynaha halkii ay umada u soo bandhigi lahaayeen wax qabadkooda. Waxaa kale oo uu Khaddar ka hadlay, musuqmaasuq uu ku eedeeyey xukuumadda iyo balanqaadayo badan oo uu sheegay in aanay hirgelin ee dawladu mar kasta gasho, ugu danbayntii wuxuu Khadar ku booriyay shacabka Somaliland inay ka fiirsadaan bixinta codkooda dibna u jaleecaan wax qabadkii xukumada todobadii sano ee la soo dhaafay iyo waxa ay ka fulisay balan qaadyadii ay doorashadii hore u samaysay. Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |