Home
Dadweyne Biyo la'aan ka gadooday PDF Print E-mail
Saturday, 06 June 2009

Hargeysa(Geeska)-Dadweyne ka tirsan dadka shacabka ah ee ku nool waaxda Axmed Dhagax ee  magaalada Hargeysa, ayaa xalay fiidkii ilaa cawayskii sameeyay gadood ay kaga cabanayaan biyo la’aan ku habsatay.

Dhallinyaro tiro badan ayaa gabal dhicii shalay isku urursaday meel aan wax badan ka fogayn saldhiga xaafadda Iftin ee ee Waaxda Axmed Dhagax, waxaanay sheegeen inay ka mudaharaadayaan biyo la’aan ay sheegeen inay la soo daristay oo waxba laga qaban waayay. Dhallinyartaas ayaa gubay taayiro, waxaanay xidheen qayb ka mid ah jidka dheer ee hormara Cisbitaalka Edna Aden, iyagoo ku ururiyay dhagxaan tiro badan iyo taayiro dhawr ah oo gubanayay. Odayaal Xaafadda ka tirsan ayaa dhallinyaradaas la hadlay, waxaanay ka dalbadeen inay jidka baneeyaan oo ay joojiyaan taayirada ay gubanayaan, laakiin dhallinyarada oo aad u gadoodsanaa ayaan dheg jalaq u siin. “Waxaanu ka cabanaynaa biyo la’aan ku habsatay xaafadayada oo waxba laga qaban waayay.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid mid ah dhallinyarada taayirada gubtay ee mudaraahadaysay oo la hadlay saxafi ka tirsan Geeska Afrika oo goob-joog ka ahaa mudaharaadkaas, waxaanu isagoo cadhaysan intaas raaciyay, “Waxaanu sidan ku muujinaynaa dareenkayaga, waayo maamulkii wakaaladda biyaha waanu u cabanay boqol jeer oo nooma jeedaan.”

 

Ciidamo Boolis, ah oo yimid goobta uu mudaharaadku ka socday, ayaa xabad ku kala didiyay dhallinyartii mudaharaadaysay, laakiin dhallinyarada ayaa iyaguna ugu jawaabay dhagaxaan, iyagoo meelo kale oo jidkaas ka tirsana dhagaxaan dhigay. Ciidamada Booliska ayaa ilaa abaaro 10:30 habeenimo ee xalay xabado goos goos ah ku ridayay dadkaas gadoodsan, waxaanay wararku sheegayaan inay xidh-xidheen qaar ka mid ah dadkaas ka gadooday biyo la’aanta. Sidoo kale qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa la sheegay in ay ciidamada ammaanku ku sameeyeen jidh dil, ka dibna ay xabsiga u taxaabeen.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige, oo xalay niskii dambe la soo xidhiidhay Geeska Afrika, ayaa cambaareeyay rasaasta ay ciidamada aammaanku dadkaas ugu jawaabeen, “Waxaan cambaaraynayaa tallaabadaas ay ciidamadu ugu jawaabeen dadka biyo la’aanta ka cabanayayay.” Ayuu yidhi Kayse Xasan Cige, wxaanu intaas raaciyay, “Haddii aanay xukuumadu awoodayn inay maamusho ama ay dadka ka haqab tirto biyaha iyo laydhka iyo imkaaniyaadka kale ee aasaasiga ah, waxaanu leenahay waad ku guul daraysateene ku wareejiya shirkado madaxbanaan. Waayo ma awoodi karto oo waynu aragnaa, lacagta ka soo baxda laydhka iyo biyahana dib looguma celiyo ee waxay ku dhacaan jeebado gaar ah.”

Kayse, waxa uu ku taliyay inaan shacabka loo adeegsan rasaas, “Shacabka haraadan yaan loo adeegsan xabad ee halaga daayo oo hala qanciyo.” Ayuu Xoghayaha KULMIYE, hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Toddobaadkii hore, waxa magaalada Hargeysa ka dhacay laba mudaharaad oo ay sameeyeen dad ka cabanayay biyo la’aan ku habsatay. Dadweynaha ku nool xaafadda kaalinta 8aad ee magaalada Hargeysa ayaa horaantii toddobaadkan isugu soo baxay dibad bax xoog badan oo la xidhiidha biyo la’aanta. Sidoo akle dadweynaha ku nool xaafadda New Hargeysa ee magaalada Hargeysa ayaa iyaguna Salaasadii sameeyay dibad bax xoog badan oo isna la xidhiidha biyo la’aantan. Maamulka wakaaladda biyaha Hargeysa ayaa ku caan baxay inaanu dadka shacabka ah ka qancin tabashadooda, waxaanu ku doodaa oo keliya inaan magaalada Hargeysa loo hayn biyo ku filan.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....