Home
Xukuumadda Oo Ku Asqawday Djibouti PDF Print E-mail
Thursday, 04 June 2009

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay ilaa hadda fahamsanayn sababta dalka Djibouti loogu qaban waayay munaasibadihii dunida lagu qabtay ee loogu dabaal degayay sannad guurada 18aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Wadanka Djibouti ayaa noqday wadanka keliya ee ay ku noolyihiin dad reer Somaliland ahi ee aan laga xusin munaasibado tiro badan oo loogu dabaal degayay munaasibadan, waxaana arrintaas ka dhashay dodo iyo dareemo badan. Haddaba Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay inaanu ilaa hadda fahamsanayn sababta xuskaas loo baajiyay “Horta aniga Jaaliyada ayaa ila soo xidhiidhay, waxayna ii sheegeen in ay Jabuuti ku xusayaan maalintaa wayn ee qaranimada Somaliland, taasna aad ayaan ugu farxay waxaanan idhi aad ayay ugu qurux badan tahay, madaxda Jabuutina waxa aan ka codsanaynaa baan idhi in ay gacan siiyaan, laakiin may dhicin waxna ka odhan maayo.” Ayuu yidhi Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska oo la weydiiyay sababta Djibouti loogu xusi waayay 18 May. Mar labaad ayaa wasiirka la weydiiyay su’aal ahayd  Laakiin wasiir wax walba sabab iyo ujeedo ayay leeyihiin maxaad u malaysay adigu?, waxaanu ku jawaabay “Ma fahmin waxa loo qaban waayay (xuska 18-ka may ee Jabuuti ka dhici lahaa) koley waxaan doonayay in aan Wasiirka dhaqanka kala xidhiidho, Wasiirkii dhaqankana way ii suurtoobi wayday inaan telefoon ku helo, laakiin waan wadiin doonaa sababta ay u qabsoomi wayday, jawaabna waanu heli doonaa haddii ILAAHAY yidhaahdo, laakiin waxa aan qirayaa xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti aad ayuu u wanaagsan yahay oo Jabuuti way inala shaqaynaysaa oo waxyaabo badan ayay inala wadaa, oo anigu waanigii Madaxwayne ku xigeenka raacay waxa noo suurtagashay in aanu Wasiiro badan aragno, in aanu Raysal wasaaraha iyo Madaxwaynaha aragno, waxayna yidhaahdeen wax badan ayaanu idinla qabanaynaa meelo badan ayay wax ku xidhxidhan yihiine laakiin wixii tamartayada ah waanu idinla qabanaynaa ayay yidhaahdeen.”

Saxafiyiintii shirkaas jaraa’id joogtay ayaa Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland weydiisay su’aalo badan oo la xidhiidha qaddiyadan, waxaana su’aalahaas ka mid ahaa:

Idinku waxa aad u qabateen xaflad heer Wasiir ah, oo lagu taageerayo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, markaa ma waxaad leedahay iyaga ayaa naga soo codsaday in munaasibad noocaas ah loogu sameeyo Soamliland.?

Xafladan waxa qabatay Jaaliyada reer Jabuuti ee Somaliland joogta, anigana Jaaliyada reer Jabuuti ayaa igu soo casuuntay ee may ahayn mid aan anigu Jabuuti kala imid, laakiin inaga dhankeena in aynu xabiibnimo muujino oo wanaag muujino saaxiibtimo muujino waa wax ina saaran, waayo waxbaynu doonaynaa oo meel ayaynu ku soconaa inagu.

Maadaama oo Jaaliyada Jabuuti ee Somaliland xafladaa sameeyeen, idinkana idinku soo casuumeen, ka hor munaasibada miyaanay xukuumada wax ka waydiin si loogu fasaxo xafladooda?

Koley Wasaarada daakhiliga ayaa hawlahaa u igman, aniga kaadh casuumadeed ayaa la ii keenay waxaana la igu yidhi nagaa soo qaybgal xaflad noocaas ah oo aanu ku taageerayno Madaxwaynaha Jabuuti ayaanu samaynaynaaye, aniguna waa caadi ayaan idhi. Koley Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxa aan u aqaanaa nin dalkiisa meel gaadhsiiyay oo wax badan u qabtay, waana nin loo baahan yahay, sidaa daraadeedna waan uga qayb galay waanan ku amaanay oo aan uk hambalyeeyay, waxaanan idhi Ismaaciilow taa hadaad sare u qaaday, xidhiidhka labada dalna waa lagaaga fadhiyaa.

Wasiir waxa jira cabashooyin ka imanaya fanaaniinta qaranka ee Wasaaradaadu Masuulka ka tahay, cabashooyinkaas oo ahaa in dakhligii loogu tallogalay xuskii 18-ka May laga musuqmaasuqay, bal arintaa faahfaahi, se musuqmaasuqaas la sheegay wax ma kaga jirtaa adigu ka wasiir ahaan?

Horta anigu taa eedayn kuma lihi taa, Madaxwaynuhu lacag ayuu u sameeyay fanaaniinta oo lacagtii ugu badnayd ayuu u sameeyay sanadkan oo 60,000,000 (Lixdan Milyan) ayuu u sameeyay. Lixdankii Milayn aniga ayaa soo qaaday, iyaga (Fanaaniinta) oo gudiya ayaan u yeedhay waxaanan ku idhi lacagtii Madaxwaynuhu idiin sameeyay wataa, aniguna waan idiin saxeexayaa, idinkaana yaqaan sida aad isku maamulaysaan, barnaamijkiina waala idink rabaa. Ninka bulbul la yidhaa ayaa oday u ahaa, markaa wax laga musuqmaasuqay iyo farogalin wasaaradu ku yeelatay ma jirto.

Wasiir warar ayaa jira kuwaas oo odhanaya Xukuumada Madaxwayne Rayaale, Jabuuti waxa ay heshiis kula gashay in xoolihii dekeda Barbera ka dhoofi jiray laga dhoofiyo ta Jabuuti, arintaas ma odhan karnaa waxbaa ka jira, maadama oo xoolihii ay hadda ka dhoofaan Jabuuti.?

Taasi maba jirto, laakiin anigu ka wasiir ahaan aad ayaan uga xumahay xoolaha halkaa bacadka ah maraya sii jabaya, waxaan ka jeclaan lahaa in ay wadadeena maraan oo aanay xooluhu ku rafaadayn.

Maalin walba Laasgeel waxa taga laba qof oo dalxiisayaal ah, waxa aanu ka qaadnaa qofkiiba $ 20, waxa aanu siinaa saddex ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland ee booliska ah iyo saddex waashmaan oo kayntaa cidlada ah joogta, markaa qoladaa ayaanu naas nuujin uga dhignaa si ay meeshaas u daryeelaan, waanan rajaynayaa in lacagtaasi ay sifo sharci ah ku baxdo oo juwan loo jaro dadka laga qaadayo oo qasnada ku dhacdo. Waxa aanu rabnaa in aanu silig ku soo wareejino Laasgeel.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....