| Rayaale muxuu kaga jawaabey balan-qaadyada baaqdey? |
|
|
|
| Thursday, 04 June 2009 | |
|
Burco(Geeska) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horeysay muddo ku siman Todoba sanadood shalay booqdey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Waftiga Madaxweynaha oo ay weheliyaan raxan ka tirsan Golahiisa wasiirada. Taliyaha Ciidanka Bilayska iyo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadiisa, waxa duleedka Magaalada Burco ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magalaada Burco, Arday iyo dhamaan shaqaalaha laamaha dawlada ee Gobolka Togdheer. Sida uu ku soo waramayo Wariyaha wargeyska Geeska Afrika ee magaalada Burco Cabdisalaam Maxamuud, Madaxweyne Rayaale waxa uu mahadceliyay dadweynahii soo dhaweeyay waxaana uu ujeedada safarkiisa ku sheegay xogo-gaal u noqoshada xaalada gobolada dalka, “Booqashadaydu waxay ku salaysantahay in aan xog-ogaal u noqdo xaalada ay ku sugan yihiin dadku, adeega bulsho halka uu maraayo iyo xaaladooda guud ahaan deegaamada uu ka kooban yahay dalku, gobolkii koowaad(Saaxil) saaka (shalay) ayaan soo dhammeeyay, gobolkii labaad oo ah Tog-dheer ayaan marayaa kuwa kalena inshaalaahu waan wada mari doonaa,”Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo markii uu gaadhay Magaalada Burco la weydiiyay ujeedada socdaalkiisa.
Md. Rayaale oo la weydiiyay halka uu ku dambeeyay balan qaadkii hore ee xukuumadu ku sheegtay inay lacagta giimbaarta ah kaga bedalayso magaalada Burco, waxa uu yidhi“Lacagtaasi (Giimbaartu) waa aafo qaran, dedaalkeeda waan wadnaa, Inshaalaahuna Burco maalin aanu ka bedelno lacagtaasi oo aan fogayn ayaa iman doonta.” Madaxweyne Kaahin, waxa la sii weydiiyey waxa uu u wado goboladii dhawaan uu magaacay ee Saraar, Oodweyne iyo Buuhoodle. “Awooda dawladu kolba inteeda ayay socon doontaa,”Ayuu ku gaabsaday. Sidoo kale, waxa Madaxweyne Rayaale la weydiiyay waxa uu ka qabo Tuhumo ku xeeran safarkiisan oo la xidhiidha in uu ku jiro Olole siyaasadeed oo uu ugu jiro doorashada Madaxtooyada ee la filayo bisha 9-aad“Maya kaambayn weli lama gaadhin, kaambayna kama hadlayo ee hawshaydii waajibka igu ahayd ayaan gudanayaa oo dadkayga aan xog-ogaal u noqdo, Anigoo Madaxweyne ah ayaan gudanayaa, maxaa u qabsoomay, maxaa u dhiman iyo halka lagu socdo.”Sidaas ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale, waxa uu shalay ilaa xalay kullamo la yeeshay dhinacyo kala duwan oo u badan shaqaalaqa laamaha dawlada ee gobolka Togdheer. Gudoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin oo aanu xalay khadka Is-gaadhsiinta wax kaga weydiinay kulamadaasi. “Cid kale lamuu kulmin, shaqaalihii laamaha dawlada ayuu ku ekaa Madaxweynuhu oo uu mid kasta qaybtiisa warbixin ka dhageystay…Anigu maadaama oo aan gudoomiyihii ahay warbixin guud ayuunbaan ka bixiyay xaalada.” Sidaas ayuu yidhi gudoomiyaha Togdheer. Md, Biin waxa aanu weydiinay, ka sokow Dhageysiga warbixinaha wax jawaab ah oo dhinaca Madaxweynaha kaga soo noqotey, waxaana uu ku gaabsaday oo uu yidhi gudoomiyuhu. “Wixii ay qabteen (laamaha dawladuna) wuu ku hanbal-yeeyey, wixii dhiman waxa uu soo jeediyey in wixii laga qaban karro laga qabto oo dadka loo shaqeeyo.” Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu sheegay in aanu hayn wakhti sugan oo qorshaha Madaxweynuhu yahay inuu ku sugnaado Gobolkaas, balse waxa uu sheegay in uu soo wadda mari doono dhamaan Togdheer.
Safarkan Madaxweynaha ee Burco ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu ku Tago xarunta gobolka Togdheer ee Burco tan iyo intii loo doortay Jagada Madaxweyneha 2003 Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |