| Caqabad soo waajahday wadahadalada Ceel-bardaale |
|
|
|
| Thursday, 04 June 2009 | |
|
Hargeysa (Geeska) – Gudoomiyaha guddiga guurtida ee dhex-dhexaadinta shaqaqaddii ka dhacday dhawaan deegaanka Ceel-bardaale Maxamed Maxamuud Diiriye ayaa sheegay in ay ku gudda jiraan wajigii ugu danbeeyey ee wada-hadalada xalka loogu raadinayo dhibaatada dadka walaalaha ah ee deegaankaasi. Shalay oo loo balansanaa kullan la sheegay in guddiga dhex-dhexaadintu kaga dalbatay labada dhinac inay keenaan wixii cadaymo ah ee uu mid kastaaba ku kabayo doodiisa hore loo dhegaystay ayaa baaqdey, ka dib markii ergadii ka socotay dhinaca deegaaka Dilla ay ka kaceen shirka. Gudoomiyaha guddiga dhex-dhexaadinta oo arrintan Radio Haryaal ka waraysatay ayaa ku dooday in arrintu meel fiican u marayso ilaa hadda. Isaga oo ka jawaabayey dib u dhaca kulanka shalay iyo sababta keentay waxa hadalkiisa ka mid ah oo uu yidhi, “Waxa la yidhi maan rag waa mudacyo Afkood oo isma wada-waafaqsana… laakiin, si kastaba ha ahaatee, hawshu waxay maraysaa cadaymihii, waxa dhamaatey doodii, waxa dhamaatey oo kale arragtidii la dhiibanayey, waxa iyana jirtay kalsoonidii dhinacyadu bixiyeen. Markaa, ta cadeynta oo immika muddo dhawr iyo toban cisho ah la sugayey ayay balantii u danbeysay ahayd maanta {Shalay] in lala yimaado. .. odhan maayo beeshii, laakiin waa jireen xubno madasha ka istaagey oo yidhi waanu tageynaa, mase tagin ee waa joogaan iyaga ayaa dhexdooda wada hadlaya.. hawshiina si fiican ayaa ay noogu socotaa waxaanan rajeynaynaa in ay maal-maha soo socda si fiican u soo dhamaan doonto.” Dhinaca kale, Cali Xaaji Xirsi oo ka mid ah odayaasha deegaanka Dila oo laga waraystay sababta ay u diideen kullanka shalay ayaa sheegay in ay shirgudoonka golaha Guurtida u gudbiyeen qoraal ay kaga cabanayaan guddiga dhex-dhexaadinta, islamarkaana ay ka warsugayaan shir-gudoonka Guurtida. Waxana uu ku dooday in odayaal ahaan ay ku tashadeen in aanay ka maqnaan madasha wada-hadaladu hore uga socdeen ee magaalada Kala-baydh, taasina ay ahayd sababta ay uga soo xaadireen shalay madasha, balse ku tala-galkoodu ahaa in aanay ka qayb-gelin dacwadda kana qay-gelin, taasina ay keentay inay madasha ka baxaan markii gudoomiyuhu bilaabay. Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |