| RAG KA TIRSANAA AL-SHABAAB OO SOMALILAND ISU SOO DHIIBAY |
|
|
|
| Sunday, 31 May 2009 | |
|
Hargeysa(Geeska)-Dhallinyaro u dhalatay wadanka Somaliland, oo hore uga tirsanaa ciidamada kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen dawladda Somaliland.
Dhallinyaradan oo tiradooda lagu sheegay labaataneeyo, waxa la sheegay inay ka faa’iidaysteen cafis uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland sheegay in loo fidinayo muwaadiniinta Somaliland ee ka barbar dagaalama Al-Shabaab. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inay jiraan muwaadiniin reer Somaliland ah oo tiradooda lagu qiyaasay labaataneeyo, kuwaas oo cafis soo weydiistay dawladda Somaliland, ka dibna laga aqbalay. Warku waxa uu sheegay in qaar ka mid ah raggaasi hadda soo gaadheen magaalooyin ka tirsan Somaliland. Mid ka mid ah raggaas ayaa la sheegay inuu hadda ku suganyahay degmada Cadaadlay oo ka tirsan gobalka Hargeysa. Qaar ka mid ah dadweynaha Cadaadlay ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ninkaasi ciidamada ammaanka u sheegay inay iyagoo gaadhaya labaataneeyo nin ay ka faa’iidaysteen cafiska uu Madaxweyne Rayaale dhawaan u fidiyay muwaadiniinta reer Somaliland ee ka barbar dagaalama ciidamada Al-Shabaab. Wuxuu sheegay inay ka yimaadeen koonfurta fog ee Somaliya, iyagoo si dhuumasho ah ku soo baxay. Ragga kale ayaa la sheegay inay kala tageen magaalooyinkii ay u kala dhasheen, ka dib markii xukuumadu aqbashay cafiska ay dalbadeen. Wargeyska Geeska Afrika www.geeska.net |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |