Home
Qormo Geeska Afrika Lagu Baahiyay Oo Soo Jiidatay Indhaha Qaramada Midoobay PDF Print E-mail
Friday, 29 May 2009
Guddi Qaramada Midoobey u qaabilsan qiimeynta macnayaasha iyo qoto-fogaanta dareenada ay ka turjumayaan qormooyinka ku soo baxa warbaahintu nooc ay doontaba ha ahaatee, ayaa soo bandhigey natiijadda daraasad ay tan iyo sanadkii 2007-kii ugu kuur-galayeen nuxurka ay xanbaarsan-yihiin Qormooyinka lagu qoro Af-soomaaligu. Isla markaana, waxa ay dhaafin waayeen  oo kaalinta koobaad halabsadey maqaal ku soo baxay Wargeyska Geeska Afrika laba sano horteed oo uu qoray Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax), oo ah qoraa degen magaalada Hargeysa.

Xidhiidhiyaha Hay’addaha qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mark Bowden  ayaa Axadii Doraad Shahaado abaal-marinta Maqaalkan ah ku gudoonsiiyey Qoraaga, Munaasibad Il-yartu is qabatey oo ay ka qayb-galeen Wakiillo ka kala socday hay’adaha samafalka Caalamiga ah ee ku sugan Somaliland iyo masuuliyiin ka socotay Wargeyska Geeska Afrika,  taas oo lagu qabtey Hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Maqaalkan hormoodka ah oo Arbaca 7- November 2007 ku soo baxay cadadkii 280-aad ee Wargeyska Geeska Afrika, Islamarkaana ciwaankiisu ahaa, ‘ILaahayow kuwani Adduunyo naseejiye’e yaanay Aakhirana na seejinin’  ayaa waxa uu ku tilmaamey Mark Bowden mid dareen ahaan ka turjumayey xaallada dhabta ah ee dhibanayaasha dagaaladda, gaar ahaan dagaalada Somalida ee caasimadda Muqdisho ka socda,  “Ninkan waxaanu ku hambalyaynaynaa maqaalkiisa, kaas oo anaga la noo soo turjumay ahaana qormo soo jiidasho leh. Xaqiiqdiina, taasi waxa ay ka mid tahay sababta aanu u taageerayno warbaahinta Soomaalida oo aan ku koobneyn ta dalka Somaliland oo keliya.
Haddii aad akhridaan qormadaasna waxa aad arki doontaan xaqiiqdii oo ay qormadaasi ka hadlaysay, iyada oo sharaxaad ka bixinaysay codka shaqsi kasta ee amaan-daradu noloshiisa ku ciyaarayso, su’aasha meesha taalaana waxa ay tahay maxay dadku ugu sii jiraan dhibaatadan”. Sidaas waxa yidhi Mark Bowden oo xafladaas ka Hadley, waxaana uu tilmaamey inay qormadaas u doorteen, mid u qalanta oo horkici karta inta mawduuc ee qalinka Soomaalidu isu maray mudadaas.
Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax), ayaa isna soo dhaweeyey abaal-marintan oo uu sheegay in aaney dareenkiisa ku jirin waqtigii uu soo bandhigay maqaalka. “Aad ayaan ugu mahadinayaa Qaramada Midoobay qiimaynta ay ku samaysay Saxaafada Soomaalida iyo xulashada ay ku soo saareen maqaalka aan ku qoray wargeyska Geeska Afrika oo mutaystay.
Tani aniga waxa ay ii tahay dhiiri-gelin iyo kalsooni ah inaan maqaalo kale qoro oo dadkayga ka hadlaya. Layaabka maqaalkani lahaana waxa uu ahaa, maqaalka oo dhan oo ilaa afar bog ka koobnaa hal eray oo aan anigu leeyahay kuma jirin, dhammaana waxa uu sidey oo uu xanbaarsanaa, tabin aan toos uga soo xiganayo shaqsiyaad kala duwan oo aan la kulmay.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir waxaana uu intaa ku daray, “Anigu maan ogayn markii aan maqaalka qorayay waxa ay Qaramada Midoobay bixinasyo, waana todoba bilood ka dib marka la ogaanayo ee tartanka la qabanayo, aniga oo aan ogayn in cidi abaal marin igu siin doonto qofna uu odhan doono maqaalkani wuu wanaagsan-yahay ayaan qoray aniga oo dareenkayga adeegsanaya. Isla-markaana, qoraa ahaan soo bandhigaya dareenka dadkeyga.”
Maax waxa uu tilmaan ka bixiyey taariikhdiisa faneed ee dhinaca Qalinka iyo in uu muddo dheer ku soo jiray saaxada Saxaafadda Soomaalida. “Ta kale, anigu ilaa xidigtii October dadkii wax ku qori jiray ayaan ka mid ahaa, waxa aan qoray buugaag Af-Soomaali ah oo ay ka mid  yihiin, DIIWAANKA GABAYADDA, waxa aan qoray buug la yidhaa XIDIGAHA MAANSADDA, waxa aan qoray buug ah SHEEKO BARALEY  iyo kuwo kale oo badan.”
 Nuxur ahaan marka la soo koobo, maqaalkan Indhaha Qaramada Midoobay soo jiitay waxa uu ku soo gudbiyay Qoraagu Mushkilada dadka Muqdisho haysata oo aan laaxin iyo wax lagu kordhiyey midna lahayn.
Maaha markii ugu horeysay ee Wargeyska Geeska Afrika Baahintiisa guud ahaan  ama maqaalo ku soo baxay loo aqoonsadey  qoraalkii ugu wanaagsanaa ee muddo la soo bandhigo. Hase ahaatee, waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa, Abaalmarintan lagu sharfay Cabdi-qaadir-na  ku soo beegantay, maalmo kooban uun ka dib markii Ururka Somaliland Forum siiyey Wargeyska Shahaado sharaf uu kaga door-roonaadey dhigiisa sanadkii tagey ee 2008.

Wargeyska Geeska Afrika www.geeska.net

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....