Home
Kaalinta Haweenka Ee Horumarka Dalka Somaliland PDF Print E-mail
Thursday, 28 May 2009

Haweenku sideedaba waxa lagu tilmaamaa udub dhexaadka bulsho kasta, sababta oo ah bulsho waxay ka soo unkantaa qoysas wadaagga dhul xadaysan, luqad, midab, dawlad isla markaasna leh qiyam isku xidha.  

Qoyskana seeskiisu waa aabbo iyo hooyo oo midba uu leeyahay kaalin u gaar ah oo qoyska dhexdiisa ah oo ka kooban quudinta, barbaarinta ubadka iyo u kaalin gelinta mustaqbalka.

Hadaba, iyadoo laga duulayo heerarkii ay soo mareen bulshada Somaliland marka laga soo bilaabo Sannadahii Sideetameeyadii illaa taariikhdan maanta aynu joogno, ee lahaa barro kac, burbur, shaqo laáan ama shaqo yari, sixir barar, dakhli yari ayey hooyooyinka Somaliland u tafaxayteen sidii qoysaskoodu aanay u bubureen ama u darxumoodeen.
Hadaba si ay u kaabaan dakhli yarida qoysaskooda ee ka dhalatay isku dheelli laáanta shaqada uu aabahu uu qabto iyo dakhliga ka soo gala, amaba shaqo laáanta baahsan ee ragga Somaliland haysta oo u qaybsan laba, mid aynu la wadaagno calaamka iyo korukaca shaqo laáanta iyo mid innaga inoo gaar ah oo in aannu jirin itijaah ay dawladdu la timi oo la isla jaan gooynayo shaqada uu qofku qabto iyo helidda mushahar daboola baahiyaha asaasiga ah ee qoyska uu aabahu u foof tegay. Si ay kaalinta dhaqaale ee qoyska u buuxiyaan haweenka Somaliland oo horeba u lahaa haybadda inay ganacsi sameeyaan oo taariikhda aynu haynay in loo Quman ama Shaarishaari ayey noqdeen qaar u ban baxay inay ka ganacsadaan qeybaha kala duwan ee ganacsigu. Haduu yahay mid dibadda laga keeno iyo hadduu yahay mid suuqlay ahba. Hawlahaas ganacsiga haweenku ee suuqu waxa uu sababay in aanay caruurteennu noqon qaar ay ka mustaqbalku oo wuxuu iskaashiga hooyada iyo aabahu sababay in tacliinta caruurta la gaadhsiiyo illaa heer Jamacadeed.
Mucjisada haweenka Somaliland leeyihiin waxa weeye inay yihiin qaar u darban inay isku wadaan ganacsigooda iyo kaalinta hooyanimo iyagoo adeegsanaya sifo aynu kaga duwan qoomiyadaha kale oo ah innooga u nool is kaalmaysi ehel. Marka laga yimaado qoysaska isku filan ee caruurtoodu kaalin qaaday. Kartida intaas leegna waxay salka ku haysaa nolosheennii miyi oo haweenku ku laahayeen kaalin ballaadhan. Bal dib u fiirso nolosheenii hore ee miyi marka laga yimaado ta maanta ee badhaxanta xadaaradaha reer magaal.  Haweenku waxay ahaayeen kuwa sameeya oo falka dhammaan agabka guri lagu dhiso, rara, dhisa, dhaamiya, arooriya, Umula iyagoo geedi ah isla markaas halkaas socodka ka sii ambaqaada, raaca, sola, lisa, hawsha gurigana qabta. Taas ayaana haweenka u saamaxda inay isku wadaan ganacsiga iyo hawsha hooyanimo ku jahaysan u barbaarinta ubadka mustaqbal suuban. Taas oo laga dheehan karo tirada caruurta nolosha ka dhacda iyo kuwa hagaagay ee dugsiyada kala duwan u dareera inay isku soo toban laabmayaan ooy badan yihiin mustaqbal helay iyagoo waalidkood is kaalmaysanayo amaba midkood horseedka sido.
Haweenku  ma ku koobna oo keliya dakhli abuur guryahooda oo keliya, balse waa cashuur bixiyeyaal maalinle iyo sannadlaba leh. Isweydiintuse waxay tahay maxaa kaga soo noqda cashuurtood. Ma helaan goob ganacsi oo ku filan, suuliyo ay isticmaalaan inta ay suuqa fadhiyaan, iyo adeegyo kale oo ay u baahan yihiin.
Taasi waa maya, waxa kala badan inta suuqyada u soo foof tegaysa iyo baaxadda dhulka ganacsiga ee suuqyada waaweyn, taas ayaana kelifaysa inay adeegyada ay suuqa dhexdiisa u baahan yihiin heli waayaan.
Waxa kale oo jira haween ku jira hawlaha horumarinta ee dalka ee fidiyaan Hay’adaha aan dawliga ahayn oo ku hawlan waxabarashada, dakhli abuurka, cafimaadka, dhowridda deegaanka iyo u doodista xuquuqda aadamaha ee inta aan hadli  karayn. Waxa kale oo iyana xusid muddan haweenka qurbajoogga ah oo ka kuwa ugu badan ee bilkasta soo gesha dalka lacag ay u soo diraan qoysaskooda iyo qaraabaddooda taas oo daboosha dhibaatada dhakhli yaraanta iyo shaqo laáanta.  Isla markaasna waxay si hagar laáan ah uga qeyb qaataan hawlkasta oo dalka mucaawimo loogu soo dirayo.
Hadaba, haweenka waxaan ku boorinayaa in ay kaalinta ay hayaan ku daraan ilaalinta in aanay nabadgelyada inoo suurta gelisay horumarka Somaliland ku talaabsatay in aanay  kala ridin cid dano gaar ah leh. Dhammaan ummadda reer Somaliland mid yar iyo mid weynba ay noqdaan boolis dadweyne oo nabadda ilaaliya.
Kinsi Xuseen Qawdhan, NAGAAD, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....