Home
Rayaale VS Berbera: Qalbi Gudhay Miyaa Qosol Lagu Godlaa? PDF Print E-mail
Wednesday, 27 May 2009

Berbera(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo shalay booqasho kedis ah ku tagay magaalada Berbera, ayaan wax soo dhawayn ah kala kulmin dadweynaha reer Berbera.

Madaxweyne Rayaale, oo hoggaaminayay wefti ay ka mid yihiin wasiirada daakhiliga, xanaanada xoolaha iyo taliyaha ciidanka qaranka, waxa ay madaxtooyadu sheegtay in socdaalkiisu la xidhiidho xogogaal u noqoshada iyo u kuur gelidda xaaladda dadweynaha  gobalka Saaxil. Madaxweyne Rayaale, markii uu ka baxay magaalada Hargeysa waxa uu qadar ku hakaday tuulada Abdaal oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobalka Saaxil, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay dadweyne u muuqday in la sii abaabulay. Hase yeeshe Madaxweyne Rayaale, waxa uu weji gabax kala kulmay dadweynaha Berbera oo aan u soo bixin soo dhawayntiisa, waxaana ka hortagay oo keliya masuuliyiinta gobalka iyo degmada Saaxil, waxaanu markii uu Berbera gaadhay toos u tagay guriga martida.

Dhinaca kale, warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu magaalada Berbera u tagay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin wershadii sibidhka oo war ugu dambeeyay maalintii uu dhagax dhigay, dekedda Berbera oo xaaladeeda laga dayrinayo iyo magaalada oo ku jirta xaalad qalafsan iyo weliba kulamo taageero doon ah oo uu ku doonayo inuu la yeesho wax garadka iyo madaxdhaqameedka gobalka Saaxil, oo muddooyinkan dambe u muuqda inay ka jeesteen xisbiga xukuumiga ah ee UDUB. Sidoo kale warku waxa uu sheegay in maalmaha uu Madaxweynuhu Berbera jooga ay halkaas iman doonaan shirkado la sheegay inay yihiin kuwo maalgashi ah oo ka socda dalka Faransiiska.

Dadweynaha Reer Berbera ayaa isha ku haya socdaalkan madaxweynaha iyagoo xasuusan dhagaxyadii uu dhigay Warshadihii socon waayey ee Berbera laga hirgalin lahaa sidoo kalena xasuusan khudbadiisii u horeysay ee Madaxweyne Rayaale kala hadlo dadweynaha reer Berbera fagaaraha khayrida lix sano ka hor taas oo uu kaga waramay doorkiisa waxqabad iyo muhiimadaha ay Berbera ugu fadhido hadaladiisii xiligaasna waxa kamid ahaa "Fooqyada Daaroole Sidaas u cawlnaan maayaan" hadalkan oo xasuus ku reebay dadkii xiligaa goob jooga ahaa balse khudbadaas iyo dhagaxyadii warshadaha labaduba waxay noqdeen kuwo aan halkoodii laga soo qaadin oo in ku dhow toddoba sanno oo uu madaxweynuhu ku naaloonayey xilka madaxtinimo ee dalka aanu waxba ka fulin. Sidaas darteed, marka la eego qaabkii ay dadweynaha reer Berbera ku qaabileen weftiga Madaxweynaha, waxay dad badani u arkaan inay macno ahaan u dhigmayso Qalbi gudhay miyaa qosol lagu godlaa?

Dhinaca kale, waxa ay dad badani isweydiinayaan Madaxweyne Rayaale, socdaalkiisan uu Berbera ku tagay ma uga sii dhaafi doonaa dhinaca magaalo madaxda labaad ee Somaliland oo ah magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

 

Wargeyska Geeska Afrika, www.geeska.net

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....