Home
Somaliland Forum Oo Hay'ado Uu Geesku Ku Jiro Bilado Siisay (Daawo Sawirada) PDF Print E-mail
Sunday, 24 May 2009

Hargeysa(Geeska) -Urur weynaha Somaliland Forum oo ah urur ay ku bahoobeen qurbo jooga Somaliland, ayaa habeen hore bixiyay abaal marino uu ugu tallo galay sannadkii 2008,

waxaanu siiyay hay’ado iyo shakhsiyaad uu ku xushay ay muujiyeen iyo horumarka ay ku soo kordhiyeen dalka.

 

 

Ka bilow Midigta: Kamaal Ahmed Cali (Guddoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika), Eng. Abdirasak Wacays, iyo Tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika Mohamed Hussein Jama (Rambo)


Xaflad ballaadhan oo habeen hore lagu qabtay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ururka Somaliland Forum, ku bixiyay toban abaal marinood, oo lagu maamuusay hay’ado iyo shakhsiyaad reer Somaliland ah. Hay’adaha la siiyay abaal marinta sannadka waxa ka mid ah Wargeyska Geeska Afrika, oo ay Somaliland Forum caddaysay in mudadii yarayd ee uu jiray uu muujiyay dedaal dheeraad ah, waxaana Geeska Afrika abaal marintaas u guddoomay Guddoomiyahooda Kamaal Axmed Cali. Ururka Somaliland Forum waxa uu xusay in horumarka xawliga ah ee uu wargeysku ku socdo ka sokow uu Geeska Afrika muujiyay dhex dhexaadnimo iyo baahinta warar hufan.

 


Shahaado sharafyada Somaliland Forum, waxa hay’adaha ku guulaystay guddoonsiiyay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha Somaliland Forum Eng. Cali Cabdillaahi Daahir.


Yaa Abaal Marinta Helay?


Guddoomiyaha Somaliland Forum Eng. Cali Cabdillaahi Daahir, oo xafladaas hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in hay’adaha iyo shakhsiyaadka helay  abaal marinaha habeen hore la qaybiyay, lagu qiimeeyay horumarka, dedaalka iyo wax qabadkoodii sannadkii dhammaaday, waxaana abaal marinaha Somaliland Forum ee sannadkan helay:
1. Waxbarashada oo la gudoonsiiyay Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan  Cabdi Guuleed.
2- Caafimaadka oo la gudoonsiiyay Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa.
3- Daryeelka Deegaanka oo la gudoonsiiyay Guddoomiyaha Hay’adda Neerad Dr. Maxamed Muuse Cawaale.
4- Saxaafadda Madaxa-banaan waxa ay Somaliland Forum u garatay Wargeyska Geeska Afrika iyo Telefiishanka Horn Cable TV.
5- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro)
6- Dalladda Disabled Network.
7- Qurba-jooga A) Jaaliyadda Somaliland ee Kenya. B),  Ayaan Maxamuud Ashuur oo ka mid ah qurbo jooga Somaliland. Ayaan waxa lagu maamuusay doorka ay kaga jirto ilaalinta iyo ururinta dhaqanka iyo suugaanta Somalida, waxaanay Ayaan hadda ku jirtaa qaban qaabada barnaamij loogu magac daray fanaankii caanka ahaa ee Maxamed Mooge, oo bisha Julay lagu qabanayo Hargeysa.
8- Wasaaradda Horumarinta Qoyska.
9- Ganacsiga yaryar, waxa heshay National Full Station (Kaalinta Indha-birta) Somaliland.
10- Dhaqanka iyo Suugaanta: Yuusuf Cismaan (Yuusuf-Shaacir).

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....