| Qiimaha Doolarka Oo Sayladaha Sarrifka Ee Dunida Gaadhay Halkii Ugu Hoosaysay Muddo 24 Sano Ah |
|
|
|
| Sunday, 22 March 2009 | |
|
(Geeska/Aljazeera) - Qiimaha doolarka ayaa si lama filaan ah u maalintii shalay Sayladaha sarrifka lacagaha ee dunida ka gaadhay halkii ugu hoosaysay ee uu gaadho muddo 24 sano ah. Sida ay sheegayaan wararka suuqyada sarrifku, qiimaha doolarka ayaa muddo toddobaad ahba hoos u socday isla markaana illaa hadda ma muuqdo rajo tilmaamaysa in uu Doolarku ka soo kaban doono qiimo jabka ku dhacay. Qiimo dhaca ku yimi doolarka Maraykanka ayey khubarada dhaqaalaha adduunku ku sheegeen in ay tahay tii ugu darnayd ee ku timaadda laga soo bilaabo sannadkii 1985-kii, isla markaana lagu wado in qiimo dhacaasi hoos u sii socdo muddooyinka dhow, sidoo kale waxa shalay suuqyada dunida laga dareemay qiimo dhac kale oo ku yimi shidaalka dunida, shidaalka oo qiimihiisu muddooyinkanba hoos u socda ayaa la sheegay in mar labaad uu jimcihii hoos u dhacay kadib markii lagu kala iibsaday foosta 35 doolar oo keliya. Qiimo jabka ballaadhan ee ku yimi wax yaabaha muhiimka ah ee dunida oo sababtiisu tahay dhaqaale xumada dunidu waxa uu saameyey qiimaha dahabka adduunka oo la sheegay in wiqiyaddii ay ka dhacday lacag ku dhow laba doolar iyo badh.
Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |