Home
Cusbitaalka Edna Aadan oo Todoba Jirsaday PDF Print E-mail
Sunday, 15 March 2009

 

Cisbitaalka Edna Adan oo 7 jirsaday, Waxa Cisbitaalka la furay 9 kii bishii March sanadkii 2002, Hadii aynu dib u yara eegno taariikhdii uu soo maray iyo shaqooyinkii kala duwanaa ee uu Cisbitaalkani u soo qabtay Bulshada, waxaa laga tilmaami karaa kuwa hoos ku qoran :


1. Mudadii ahayd 7 sanno ee uu shaqeeyay waxa Ilaahay Mahaddii Cisbitaalka ku dhashay  4, 430 Wiil iyo  4,012 Gabdhood.


2. Dadka lagu daweeyey bukaa-jiif mudadaas waxay ahaayeen  18,086 qof  oo isugu jira Rag, Dumar iyo Caruurba, iyagoo intooda badan laga daweeynayay xanuuno kala duwan, sida Wadna xanuunka, Macaanka, Dhiig karka iyo kuwo kale oo badan. Kuwa ahaa Bukaan-socodna waxay ahaayeen in ka badan 60,000.


3. Cisbitaalku waa Cisbitaal Jaamici ah, waxaana wax ka bartay dad badan oo maanta ka shaqeeya Cisbitaalkan iyo Cisbiataalada dalka ama u shaqeeya Hay’adaha UN-Ka iyo NGOyada. Waxay Macalimiin ka yihiin Jaamacadaha Somaliland iyo Macaaxidda Tababarka Caafimaadka ee dalka laga furay dalkeena. Waxaa kale oo ardaydii ka baxday wax ka bartaan Jaamacadaha ku yaala dalal kale iyaga oo ku galay shahaadadii ay halkan ka qaateen.

4.  Iyada oo Cisbitaalkani yahay kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo ama ay ka soo baxeen Kalkaaliso Caafimaad dalkan Somaliland intii lagu soo noqday, waxa Cisbitaalkan ka soo qalinjabiyey 60 Gabdhood oo Kalkaaliso Sare ah (Registered Nurses). Waxa kale oo uu yahay meesha qudha ee dalkeena lagu Tababaro Umulisooyinka Sare  (Post-Basic Midwifery), waxaana ka qalin jebiyey 42 Gabdhood.


5.  Waxa kale oo ka qalinjebiyay ama ka baxay 33 Shaybaadheyaal ah (Medical Laboratory Technicians ) oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Ardayda iminka tabarku uga socdaa waxay kala yihiin:

• 46 Wiilal iyo Gabdho oo uu u dhamaanayo 3 sano oo wax barasho ah (Three Year General Nursing Program ) sanadkan dhamaadkiisa,
• 21 Gabdhood oo Baranaya Umulisonimo (Midwifery) kana yimid 5ta Gobol oo Somaliland  marka laga reebo Gobolkan Hargeisa.
• 28 Shaybaadheyaal ah (Medical Laboratory Technicians) oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.
• Waxa uu Cisbitaalku siiyay Tababarro gaaban dad badan oo xirfado Caafimaad oo kala duwan leh sida, Midwfery, Nursing iyo Lab Technician, kuwaas oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka ama Cisbitalada iyo Goobaha kale ee Caafimaad (MCH).
• Waxa uu Cisbitaalku Siisyay Aqoonta Gargaarka Degdega ah (First Aid ) 100 Macalin oo ka kala socada Dugsiyada ( Schools ) Hargeisa, si loo daryeelo Caafimaadka Ardayda badan ee dhigata Dugsiyadeena.
• Waxa kale oo Cisbitaalku  fursado wax barasho ugu diray dalalka shisheeye sida Ethiopia, UK iyo Bahrain qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha Cisbitaalka.


 
Waxaa Cisbitaalka Edna Adan la leeyahay Xidhiidh Cisbitaalo iyo Jaamacado dalka dibbediisa, sida :
1. Boston University (America )
2. Pennsylvania University (America )
3. Ohio University (America)
4. Cardiff University (UK)
5. Kings College (UK)
6. Leeds  University (UK)
7. Bristol (UK)
8. Kijabe Hospital (Nairobi Kenya )
9. Korean Hospital (in Addis Ababa , Ethiopia )
10.  Black Lion Hospital (Addis Ababa, Ethiopia)
11. Fistula Hospital (Addis Ababa, Ethiopia)

Waxa kale oo Cisbitaalku Xidhiidh la leeyahay, kana keenaa Takhaatiir iyo Macalimiin Dalaka ay ka midka yihiin.
Denmark , Sweden, Norway, Holland, Switzerland, Spain, Germany, Canada, Philippine, Russia, India, Nepal, Australia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Sudan, Egypt, Nigeria iyo Kuwo kale.

Ugu dambayntii, wuxuu Cisbitaalku siiyaa deeq wax-barasho  oo loogu diro Jaamacadaha dalkeena iyo kuwo dibeddiisaba ah, arday mutaysata deeqdaas waxbarasho.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....