| warbixin ku saabsan weftiga somaliland ee booqashada ku maraysa wadamadda Yurubta galbeed |
|
|
|
| Saturday, 14 February 2009 | |
|
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ahna Musharaxa Madaxweynaha Md Eng Faysal Cali Waraabe waxay maanta guriga baarlamaanka ee dalka Norway kula yeesheen kulan shaqo xubno ka tirsan gudidda arrimaha debeda ee Parlamka Norway oo kala ahaa mr Akselsen, Olav and ms Nybakk, Marit.
Waxay weftigu uga xog warameen xaalada guud ee Somaliland, dhinacyada nebgelyada, dhaqaalaha, doorashooyinka iyo horumarka. waxa kale oo ay si wayn uga warameen iskaashiga dalaka kale, gaar ahaan dalka Norway. Waxa ay dalkan Norway uga mahad naqeen kaalmooyinka tayada leh ee Norway ugu deeqdo Somaliland, waxaanay ka codsadeen in ay kordhiso kaalmada ay siiyaan Somaliland, gaar ahaan dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta demoquraadiyada. Waxa kale oo ay ka wada hadleen in looga bahaanyahay in ay soo diraan goobjoogayaaal madax banaan doorashda madaxtooyada ee 2009.
Waxa gudidda arrimaha dibedda ee baarlamaanka Norway xaqiijiyeen in soo dirayaan goojoogayaal doorashadan, waxa ka muuqatay isbedel ku saabsan qadiyada ictiraafka Somaliland. Waxaanay ka mahad naqeen xogwarran laga siiyey Somaliland iyo guud ahaanba geeska Africa. -- MVH Eng.Fatima Madar |
Somaliland Forum Oo Hay'ado Uu Geesku Ku Jiro Bilado Siisay (Daawo Sawirada)
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |