Home
Obama: Hoggaamiye Loo Wada Riyaaqay Oo Tallo Wadaag Ah PDF Print E-mail
Thursday, 05 February 2009

Waxa dhawaan xafiiska madaxeynaha ee dalka Maraykanka la wareegay Barak Obama. Waxaynu hore u aragnay inuu dhisay olole siyaasadeed kii ugu weynaa uguna kharashka badnaa ee soo mara dalka USA. Waxay dadka qaar ku nisbeeyaan mishiin jiidhay cid kasta oo is hortaagta oo rajo abuur iyo wada lahaansho ku salaysan. Isla habeenkii natiijada lagu dhawaaqay ayuu gacanta u taagay kuwii ka soo horjeeday. Waxa uu la hadlay Senator John McCain oo jagada kula tartamayay. Wuxuu xafiiska arrimaha dibadda u magacaabay Senator Hillary R. Clinton oo ah xaaska Madaxweynihii hore ee Clinton oo muddo sanad ku dhaw ay is reebreebka xisbiga Dimoqraadiga dhexdiisa si aan naxariis lahayn ugu loollamayeen Markii la weydiiyay President Obama sababta uu u soo dhawaystay dadka ay iska soo horjeedeen wuxuu ku jawaabay qof kasta oo akhriyay buugga loo yaqaan “Team of Rivals” wuxuu fahmi karaa in dad aqoon iyo karti ay ku tartamaan lihi ay dalka wax u qabadkiisa  inay ka wada shaqeeyaan u qalmaan oo ay horumarkiisa si weyn u wada qaban karaan.

Obama oo isagu geesiga uu ku daydaa yahay Presiden Abraham Lincoln oo ay isku gobolka Illinois ka wada yimaaddeen ahna madaxweynihii mamnuucay ka ganacsiga dadka madow,  ayaa sidoo kale lagu yaqaan nin hawl geliya oo la tashada mucaaridkiisa kuwa ugu adag ee cidhiidhiga geliya kursigana uu dirqi kaga qaado. Siday qortay jariidadda New York Times toddobaadkii hore waxay is barbardhigtay madaxdii hore ee dalka soo marta, waxanay khubaradii ay waraysatay sheegeen inaanay beryahan jirin cid la barbardhigi karaa kalsoonida uu Obama isku qabo iyo siduu ula shaqaynayo cid kasta oo dalka wanaagiisa jecel.

Senator Graham oo isagu afhayeen, la taliye iyo gacan yareba u ahaa Senator John McCain kii la tartamayay Obama ayaa si lama filaan ah u qiray toddobaadkii hore in ay madaxweynaha cusub dhab ka tahay wada shaqaynta uu mucaaaridka la samaynayo. Cid kaleba ha joogtee lama filayn Senator Graham baa wax wanaagsan ka sheegi Obama markaad eegto nabaradii iyo aflagaadaddii kala gaadhay xilligii ololaha.

Laba toddobaad doorashadii ka dib wuxuu Obama u yeedhay McCain oo xafiiskiisa Chicago ee u diyaargarawga talada dalka uu kula kulmay. Gacan yaraha xafiiska madaxweynaha Rahm Emanuel ayaa isagu saxaafadda u sheegay in aan McCain loogu yeedhin af gobaadsi iyo sawir la iska qaado oo istusnimo ee wuxuu Obama hordhigay qoraal ah qodabada uu is leeyahay Senatorku wuu kaala shaqayn karaa ama ay wadaagaan. Waxa ugu muhiimsanaa arrimaha ay wax ka beddeli doonaan: Kharashka lagu khasaariyo ciidamada oo miisaaniyadda si cilmiyaysan loogu dhaqmo. Shirkadaha waaweyn sidii loo xakamayn lahaa oo cashuur bixinta iyo dhimidda awoodda ay dhaqaalaha dalka ku leeyihiin loo yarayn lahaa. Iyo in arrimaha socdaalka (immigration) iyo jinsiyadda dadka bilaa sharciga dalka ku jooga sharciyada khuseeya isbeddel loogu samayn lahaa.

“Weli lama arag wax loo dhigo tallaabooyinkan oo kale” ayuu yidhi professor Fred I. Greenstein, oo arrimaha culuunta siyaasadda ka dhiga jamacadda caanka ah ee Princeton, “ Mararka qaarkood dadka dhiig xun baa soo kala dhexgala, marna waa dhiig aan sidaa u xumayn, laakiin way yartahay dhiig wanaagsan [oo ka dhexeeya dad sidaa u tartamay].

Waxa la barbardhigay Madaxweyne Bush oo aan u yeedhin Senator John Kerry markii uu ka guulaystay sannadkii 2004.  Iyadoo ay muddo laba sano ku dhaw ku qaadatay inay xitaa isku meel isugu yimaaddaan. Waana keni adaygnimada iyo doqonimada lagu xanto Madaxweyneha hadda jagada ka degay ee Bush oo saaqid dad badani u yaaqaannaan. Codkii la qaaday ee lagu qiyaasayay sida dadku u arkaan Bush aya wuxuu noqday toddobaadkan in boqolkii qofba ay 22 yidhaahdaan shaqo fiican buu qabtay halka ay 73 boqolkiiba sheegeen inuu ku hungoobay wax qabadkii, 5% ay ka aamuseen.  Waxana ay taariikhyahanadu ku tilmaamaan inuu yahay madaxweynihii ugu hooseeyey ee dadku sidaa u liidaan ee soo mara dalka USA.

“Waa calaamad u gaar ah Obama” ayuu intaa ku daray Professor Greenstein. Waxana la sheegay inuu hibo u leeyahay siduu u haleelo ama u qanciyo dadka fikir ahaan ka soo horjeeda. Waana tii isagoo yar kelliftay inuu joornaalka Kulliyada Sharciga ee Jaamacadda Harvard ka soo baxa ka noqdo madax isagoo dhallin yar oo ragga dhinaca midigta u janjeedha oo xag jira ku qanciyay inay u codeeyaan si uu tifatire uga noqda. Waana haybad uu leeyahay oo caawinaysa odoroska hawlahan faraha badan ee murugsan ee dalka hor yaalla.

Obama kuma koobna keliya inuu gacanta u fidiyo oo uu signal ama calaamad wada shaqayn iyo is ixtiraam ku dheehan dalka u shido, ee wuxuu xitaa doonayaa in adduunku ogaado in damaca dawladda Maraykanku yahay mid ku salaysan sinnaan, caddaalad iyo adduun sharaf ku wada dhaqan. Si uu taa u muujiyona wuxuu ballan qaaday inuu toddobaadka u horreeya saxeexo dikreetadii lagu xidhi lahaa jeelka Guantanamo Bay oo ay ku hadheen in ka badan 250 muslimiin ahi. Waxana uu sheegay inuu saraakiisha ku amrayo inay ciidamada safka hore ee dagaalka Ciraaq ka soo guraan oo si tartiib ah loo dhimo aad yar aad yarna looga soo guuro Ciraaq.

Madaxeyne kastaa wuxuu inta badan ka werweraa sidii uu taariikh dhaxal gal ah uga tegi lahaa. Waraysi uu idaacadda Muqdisho siiyay 1970 kii ayaa Siyaad Barre u sheegay Yaasiin X. Ismaaciil Jirde oo waraysanayay in madaxweynaha lagu garto dadnimadiisa kolba siduu dadkiisa ula dhaqmo “Maxaa lagu xasuustaa madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa wax qabad uga taga?” Ayuu isweydiinayaa Siyaad Barre oo cod culus oo xabeeb yar leh oo kulayl ku jiro ku hadlaya. “Waxa lagu qiimeeyaa kolba taariikhda uu ka tago oo lagu xasuusan karaa.  Haddii uu ka tago horumar la taaban karo waa la ammaanaa oo ducaa looga tagaa. Haduuse dullinimo iyo dhibaato uga tago waa la habaaraa oo inkaari ku dhacdaygii muxuu nooga tegay baa lagu yidhahdaa.” Ayuu isugu jawaabay.

Si kastoo uu markii dambe bahal dhiigyacab ah u noqday, waxay ku tusaysaa inuu xitaa Siyaad Barre ka walaacay (markii uu cusbaa) in taariikhdu tahay mid muhiim ah oo noqonaysa xaakinka u dambeeya ee qiimaysa wixii uu ka tago hoggaamiye ummadeed.

Haddaba dalalka Afrikaanku maxay ka baran karaan? Somaliland oo ah dal dhaqaale liita hoggaankuna yahay mid qarnigii hore ee 20 aad ku hadhay maxay ka milicsan karaan hore u socodka sooyaalka taariikheed?  Jawaabaha su’aalahaasi waa qaar aynu u deyn doonno jawaabteeda kolba siday u dhaqmaan madaxda hadda joogtaa. Nin ku hadla afka Maymay ga ayaa lagu yidhi, “Ariirkeen Aliyow, Lan faylan haytee” oo mance ahaan u dhaw (sidaan filayo), waar Cali waa nin wanaagsan. Markaasuu ku jawaabay, “Aragaanne”, waaba la arki.  Markaa kolba siday u dhaqmaan madaxdaasi waaba la arki.

Magan Ibrahim

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it  

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....