Home
UDUB: "Labada Xaq-daradda Ku Heshiiyaa Xaqa ayay ku coloobaan PDF Print E-mail
Tuesday, 03 February 2009

Sawirkii Shirweynaha UDUB ee la saadaalinaayey ay si qayaxan u soo baxay, marka la eego shirarka jaraa’id ee ay qabanayaan ragga UDUB ee isku soo sharaxay jagooyinka lamaanaha ah ee Madaxtooyada Somaliland.

Waxa duhur cad loo badheedhay in laga saaro ergada Shirweynaha UDUB Xil-dhibaanadii magaca xisbiga loogu soo doorteen in ay dadweynihii soo doortay ugu matalaan Golaha Wakiilada Somaliland.

 Haddii ay Shirweynaha UDUB ka qayb galaan, xildhibaanadan codkooda siinmaayaan Madaxweynaha Dahir Riyaale & Madaxweyne-ku-Xigeenka, Axmed Yusuf yassin, oo isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida qabanqaabada Shirweynaha ee kala shaan dhaynaysa ergooyinka shirka ka qayb qaadanaya.

Hadaba, haddii  dib u loo eego sooyaalka xisbiga UDUB intii uu talada dalka hayey, marna may dhicin in Golaha Dhexe ee xisbigu, si fool-ka-fool ula xisaabtamo, waxana iska weydiiyo, doorka xisbigu ku leeyahay talada dalka.

Dhamaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbi xaakimku waxay ku fashilmeen la xisaabtanka Hogaanka xisbiga UDUB.

Sanadkan cusub ee 2009 oo dalku doorashoyin u diyaar yahay, ayey ku soo baraarugeen rag faro badan oo miisaan ku leh UDUB in xaqoodii la duudsiyo.

Ciyaartu waxay dhex taalaa Golihii Dhexe ee UDUB oo u qaybsamay

"Xaq-doon iyo Riyaale-doon".


Ragga maanta ka calaacalaaya Hogaankii UDUB ayaa xaq-daro sameeyey, miyaanay ogeen in Hogaan UDUB iyo Madaxtooyada Somaliland ay 7 sanno arrimahaas iyo qaar ka xunba kula kaceen shacabka, siyaasiinta, xisbiyada, golayaasha iyo garsoorka Somaliland. Miyey ilaabeen in rag iyo dumar muwaadiniin ah ay Hogaan UDUB xabsiga u taxaabeen si sharci darro ah

Arrinkan ay maanta wadaan, miyaanu ahyn

“Labadii Xaq-darada ku hesiyaa, xaqa ay ku coloobaan”

Shacabka reer Somaliland waxay daawanayaan sawrika halkaas ka soo baxay iyo waxa uu ku dambayn doono. Waxa kale oo isha lagu hayaa sida uu saameyn ugu yeelan karo doorashooyinka 29.03.2009 ku mudaysan.

Intaas waxa barar socoda is-casilaadan cusub ee Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinka, Mr kabaweyne, iyo Gudoomiyaha cusub, Mr Sweden, iyo doorka ay ku leedahay Hay’ada Inter Peace oo lugta ku walaaqaysa arrimaha doorashooyinka iyo Diiwaangalintaba.

Haddii ay UDUB ismari waydo, 2 Xisbi ee Kulmiye & UCID, Golaha Wakiiladu & Guurtidu doorkood maxuu noqonayaa. Shacabka reer Somaliland, ee intaas u dulqaadanaayey Hogaanka UDUB iyo Madaxtooyada Somaliland, maxaa la gudboon in ay ka bartaan dildilaaca sii kordhaya ee Xisbiga UDUB.

Waxay ila tahay, in aan Hogaanka UDUB lagu sii dayn masiirka Jamuhuuriyadda Somaliland in uu sida uu doono ka yeelo.

Dhamaanteen waa in aynu u heelinaa kuwa UDUB ee ku taagan dariiqa sharcigga waafaqsan si aynu uga ilaalino Somaliland hantaaqo ku dhacada.

M Yonis Awale

London/UK

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....