Home
Isbar -bar Badhiga Dhaqanada Obama Iyo Bush Ee Guriga Cad PDF Print E-mail
Sunday, 01 February 2009

Intii aanu toddobaadba ka soo wareegin markii uu Barak Xuseen Obama galay guriga cad isaga oo madaxeyne u ah dalka Maraykanka, ayaa ay saxaafadda Maraykanku bilowday inay si xeel dheer ugu fiirsato dhaqannada iyo caadooyinka maalinlaha ah ee Barak Obama iyaga oo barbardhigaya dhaqannadii ninkii ka horreeyey ee George Bush. Jariiradda New York Times ayaa toddobaadkan qortay maqaal xiiso badan oo ay isku barbar dhigayso labadan masuul, waxa ay jariiraddu tidhi, "Toddobaad kadib markii uu Barak Obama la wareegay kursiga madaxweynenimo waxa soo if baxaya dabeecadihiisa shaqo, waxa uu shaqada xafiiskiisa guriga cad bilaabaa wax yar ka hor sagaalka subaxnimo, taas oo noqonaysa in uu 2 saac ka dambeeyo xilligii uu George Bush fadhiisan jiray xafiiska madaxeynaha ee guriga cad, waayo Bush waxa u caan ku ahaa in uu seexdo goor hore goor horena tooso" waxa kale oo ay jariiraddu xustay in dhaqanno badan oo cusubi ku soo kordhayaan guriga cad inta uu maamulka hayo Madaxweyne Obama, sidii uu u ballan qaadayba in uu xilligiisa keeni doono is bedello, waxaana muuqata is bedelladaa in uu gudo galay, ma 'aha arrimaha siyaasiga ah oo keliya, ee waxa ku jira dhaqannada madaxweynenimo. Subax kasta Lixda iyo Shan iyo afartan daqiiqo (6:45am) ayuu bilaabaa jimicsigiisa maalinlaha ah, halka madaxweynihii ka horreeyey ee George Bush uu isagu jimicsan jiray duhurka.

Barak Xuseen Obama waxa uu shaqadiisa ku bilaabaa in uu akhriyo jaraa'iddo fara badan, kadib waxa uu la quraacdaa qoyskiisa oo isu dhan, kadib waxa uu ka qayb qaataa diyaarinta labadiisa hablood ee Malia oo 10 jir ah iyo Sasha oo 7 jir ah si ay u tagaan dugsiga intaas kadib ayuu ka soo dhaadhacaa jarran jarrada si uu u tago xafiiskiisa oo ku yaalla dhinaca galbeed ee guriga cad, dhaqankani waa mid uu Obama si joogto ah u maro isaga oo doonaya in uu isu dheelli tiro shaqada siyaasiga ah iyo nolosha qoyska.  Obama waxa uu habeenkii goor hore la casheeyaa qoyskiisa kadib waxa uu dib ugu noqdaa shaqada, waxaana lagu arkaa xafiiska isaga oo fadhiya illaa tobanka habeennimo si uu u akhriyo warbixinnaha kooban uguna diyaar garoobo maalinta labaad. Obama waa ragga jecel inay tax-taxaashaan barxadaha iyo barandayaasha guriga. Jariiradda New York Times oo sii wadda is barbadhigga Madaxweyne Barak Obama iyo ninkii ka horreeyey ee George Bush waxa ay sheegtay in Bush ay caado u ahayd marka uu doonayo inuu la hadlo mid ka mid ah kooxdiisa shaqo in uu ugu yeedhi jiray xafiiskiisa, laakiin Barak Obama ayaa ay dhaqan u tahay in marka uu qof ka mid ah gacan yarayaashiisa u baahdo inta uu soo kaco inuu ugu yimaaddo xafiiskiisa. Toddobaadkan ayey dhacday in Obama  si kedis ah u soo galay xafiiska xoghayihiisa warbaahinta Robert Gibbs oo markaa ku jiray xaalad aan ku habboonayn shaqo iyo xafiis, Robert Gibbs ayaa isku naxay markii isaga oo labada lugood  saartay miiska xafiiska uu u soo galay Obama. Robert Gibbs inta isaga oo naxsan uu booday ayuu u kacay Obama, laakiin Obama oo aan weli la qabsan in marka uu qolka soo galo loo sara kaco ayaa qudhiisu naxay oo dib u boodi gaadhay.

Dhaqanka Shaqo ee Bush iyo Obama:

Is barbardhig kale oo xiiso badan oo jariiraddu ku eegtay Madaxweyne Obama iyo Madaxweynihii ka horreeyey George Bush ayaa marka la eego shaqada rasmiga ah ay jariiraddu ku sheegtay. "Wax yaabaha aad loogu ammaani jiray Bush waxa ay ahayd dhawrista waqtiga." jariiradda New York Times waxa ay sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah uu George Bush u diiday wasiirkiisii hore ee arrimaha dibadda Colin Paul in uu galo shir ay lahaayeen golaha wasiirradu kadib markii uu Paul daqiiqado yar ka dib dhacay xilligii loogu talo galay bilawga shirka, xilligii maamulka Bush shirarka uu la yeelanayo masuuliyiintiisu waxa ay ahaayeen kuwo bilowda dhammaadana xilliga loogu talo galay, laakiin waxa laga arkay Madaxweynaha cusub in shirarkiisu bilowdaan xilligii loogu talo galay balse ay mar walba waqti badan ka dib dhacaan xilligii loo qorsheeyey inuu dhammaado shirku. Obama waxa uu ka baxay dhaqan dhinaca labbiska ah oo soo taxnaan jiray muddo dheer xilligii Bush-na aad loo ilaalin jiray, kadib markii uu soo saaray wareegto uu shaqaalihiisa iyo gacan-yarayaashiisa ugu ogolaanayo inay maalmaha lagu jiro fasaxa toddobaadka aakhirkiisa ay xidhan karaan labis caadi ah oo aan ahayn ka rasmiga ah, isaga oo taas naftiisa ka bilaabayana waxa uu sabtidii shalay shir jaraa'id la qabtay ninka ugu sarreeya la taliyeyaashiisa dhinaca dhaqaalaha, Obama waxa uu shirkan jaraa'id xidhnaa surwaal waafi ah (Ballaadhan) iyo shaadh cad oo uu ka dul gashaday jaakad suuf ah oo midabkeedu yahay dambaska oo kale. Sida ay jariiraddu sheegtay waxa arrintan  aad uga biyo diiday shaqaalaha guriga cad ee ka hoos shaqayn jiray madaxweynihii hore George Bush.  Jariiradda New York Times oo sii wadda qormadeeda ay isku barbardhigayo Barak Obama iyo George Bush waxa ay sheegtay in Bush subax kasta shaqadiisa ku bilaabi jiray inuu dhegeysto warbixinno kooban oo aad u sir ah, kuna saabsan khataraha amni ee soo waajahaya Maraykanka, halka Madaxweynaha Cusub Obama uu maalinta Axadda oo keliya ka dhegeysto warbixinnaha noocan ah, isla markaana aanay arrintani jadwalkiisa sidii Bush kaga jirin meel sare oo siinaysa muhiimad weyn. waxaana dhacda mararka qaarkood in dhegeysiga warbixin dhinaca dhaqaalaha ah oo aan hore ugu jiri jirin jadwalka Bush uu ka horreysiiyo wax kale oo kasta.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....