Home
Weriye Reer Jabuuti ah oo markii ugu horaysay ka hawlgalay xaruunta idaacada VOA ee Washington DC PDF Print E-mail
Monday, 09 August 2004

Djibouti: Wariye Xuseen Barre Aden(Cabdiraxmaan) oo ka mid ahaa wariyayaasha ka hawlgala idaacada iyo tilifishanka Jamhuuriyada Jabuuti RTD, ayaa todobaadkan ka mid noqday  shaqaaalaha idaacada caalamiga ah ee Voice of America, Wariye Xuseen Barre waxaa uu tan iyo markii la aasaasay VOA uu uga soo warrami jiray Dalka Jabuuti, Xuseen waxaa uu dhawaan ku guulaystay Imtixaan loogu talagalay qorista shaqaale cusub oo ay u baahnayd  Xaruunta Idaacada VOA ee Wahington,waxaana kadib markii uu ku guulstay uu noqday wariyihii ugu horeeyay ee reer Jabuuti ah oo ka hawlgala xaruunta idaacad caalami ah oo ku hadasha afka somaaliga .


Xuseen khibrad ahaan waxaa uu ka soo shaqeeyay Idaacada Radio Hargaysa ee Somaliland, halkaasi oo uu tababar ku soo qaatay ku dhawaad laba sanadood , waxa kale oo uu tababar dhinaca saxafada ah uu ku soo qaatay Xaruunta Tababrka ee tilifishanka Caanka ah ee Aljazeera , isga oo markii dambe wakiil uga noqday Jabuuti Bogga Inernetka ee www.ALjzaeera.net .waxaana u sii fiican ugu hadalaa luqadaha carabiga , ingriiska iyo faransiiska isaga oo waxbarashadiisaa  hose ilaa iyo heer jamacadeed ku soo qaatay dalal kala duwan oo caalamka ah.

intii uu ka shaqayanay idaacada RTD ee dalka Jabuuti waxaa uu ahaa soo saaraaha barnaamijka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha oo ahaa barnaamijkii ugu horeeyay e noocaasi ah ee ka baxa RTD ,waxaa kale oo uu ku biiray shaqaalaha Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Jabuuti isaga oo Safaro badan u Raacay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Riisal wasaaraha Jabuuti Dilayta Maxamad Dilayta .
 
Idacaada VOA laanteeda afka somaliga oo dhawaan uu hogaaminteeda la wareegay Suxufiga soomaaliyeed Cabdiraxmaan Yabarow ayaa tan iyo intii uu maamulkeeda la wareegay waxaa uu dib u habayn ku sameeyay barnaamijyada ka baxa iyo tayada wariyaayaasha ka hawlgala iyada oo fursad la siiyay Dhalinyarada  Mutacalimiinta ah , dhagaystayasha ku xiran idacadaasi ayaa si fudud u soo saari kara wariyaaasha cusub ee dhalinyarta ee ka hawlagala Xaruunta washington sida wariye Cabdicasiis Sadaam iyo wariye Cabdislaan maxamed, iyada oo hore ay u sii joogen rug cadaa dhinaca saxaafada ah sida Haydra , Daanduray iyo Harun Macruf, sido kale dhinaca haweenka ayaa VOA waxaa ku sugan ku dhawaad afar suxufiyiin oo haween oo aad u cod macaan, tiradaaasi oo ka ah tan ugu adan ee haweenka ka hawlgala idaacadaha caalamiga ah ee ku hadla afka somaaliga.
 
Dahir Ahmed
Washington DC .USA

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....