Home
Isbarbardhig Qaabka Barlamaanka Somaliland oo u dhisan sida ka Maraykanka PDF Print E-mail
Thursday, 08 January 2009

Waxa maalintii salaasada ee toddobaadkan la dhaariyay congress kii 111 aad ee dalka Maraykanka. Qaabka ay hawshooda u guda galeen isla markiiba oo ay u abbareen dhibka dhinaca dhaqaale xumada dalka haysa oo ah inay socodsiiyaan qorshe lagu ansixinayo maalgelin gaadhaysa illaa hal trilyan ($ One Trillion) oo doollar ayaa ah mid xawaare ku socota.

Markaad eegto qaab dhismeedka awoodda barlaamanka Somaliland ayaad moddaa in laga soo dheegay dastuurka dalka USA. Wuxu dalku leeyahay sida ka Maraykanka saddex hayadood oo loogu tala galay isku dheelitirka awoodda maamul ee dalka si aanay cidina u maroorsan masiirka dalka lagu hagayo. Waaxda fulinta ee madaxweynuhu ka masuulka yahay, waaxda golayaasha barlamaanka, iyo waaxda caddaalada iyo ilaalinta shuruucda dalka ayay intaba ka siman yihiin labadan dal.

Waa run oo labada dal isuma dhowa dhinacyada dhaqaalaha, da’da iyo cilmiga, hase yeeshee taa macneheedu maaha in barlamaanka Somaliland qabsan waayo hawshiisa inta karaankiisa ah.

Qaab dhismeendka dawladeed waa mid ku qoran buugaagta oo waxa hirgeliya kolba qofkii shaqada qabsada. Tusaale ahaan Madaxweyne ku Xigeenka hadda jagada ka degaya ee dalka Maraykanka Dick Cheney ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu yahay kii ugu awoodda badnaa inta taariikhda dalkaas soo martay. Taa wuxuu ku keenay dhiiranaan iyo dagaal uu ku qaaday barlamaanka oo uu fara maroorsaday intuu xaqa u lahaa iyo in ka badanba. Waxana uu barbar maray inuu barlamaanka hordhigo waxyaabo badan oo ay ahayd inay eegaan inta aanu ku dhaqaaqin.

Sidoo kale markii la doortay Golaha Wakiilada ee Somaliland waxa aad loogu hanweynaa inay noqdaan kuwo dheeli tira hagidda dalka oo ay soo dhamaato fikirkii Siyaad Barre laga dhaxlay ee ahaa in Madaxtooyada uun go’aan kasta laga sugo. Waxay ahayd inay iyagu hagaan jaangoynta misaaniyadda oo ay xitaa u diidi karaan in dawladdu lacag kharash garayso iyagoon ogayn. Waxay ahayd inay sameeyaan baadhitaanno ku saabsan hayad kasta oo dawladda ah oo laga soo dacwoodo. Waxay ahayd inay ka doodaan dastuurkan qabyada ah oo ay xeerar badan dejiyaan.

Waa run oo wuu jiraa dhaqdhaqaaq, laakiin mucaarid iyo muxaafidba shaqada barlamaanku waa inay dadka ka wakiil yihiin. Waa inay noqdaan ciddii maamulka kolba jiraa uu ka khasban yahay inuu la tashado. Inuu ogaado haddii uu wax qaso cidi ka dambeyso oo afkii dadka ay ku hadlaan.

Markii qiimaha saliidda qaydhin uu hoos u dhacay dhamaadka sannadka 2008 ayaa waxa khatar galay saadaalinta miisaaniyadda dalal badan oo iyagu ku tiirsan dakhliga patroolka ka soo gala. Dalka Iran ayaa ah kuwa ay arrintani taabatay oo miisaniyadda dalku ku salaysan yahay qiimo ah $80 foostadiiba. Waxase uu hadda marayaa $40 foostadiiba. Isla markii la ogaaday hoos u dhaca dakhliga ayaa barlamaanku ka fadhiistay wixii laga yeeli lahaa. Ogow madaxweynuhu kamuu codsan, manuu bilaabin. Laakiin waa shaqadooda inay marka dalka arrini soo foodsaarto ay fadhi degdeg ah yeeshaan.  Waxay u yeedheen dhamaan hayadihii ku shuqulka lahaa. Waxayna ugu dambyantii soo jeediyeen ajendihii lagaga bixi lahaa busaaradda soo socota.

Ka soo qaad waxa hadda Somaliland ka socda diiwaangelinta codbixiyaasha. Tusaalaha ugu fudud wuxuu ahaa iny guddida dhinaca nabadgelyada ee barlamaanku ka fadhiistaan khasaaraha dagaalka Buuhoodle. Waxay ahayd inay u yeedhaan madaxa ciidamda oo dhiigiisa kariyaan si uu u sheego sababta loo dilay saraakiil sarsare oo dalka ah weji gabaxna ku ah nabadda dalka “National Security Embarrassment”.  Waxay ahayd inay u yeedhaan khubarada arrimaha bulshada ee cilmi baadhista ka wadda dalka ama aqoon yahanka dalka oo weydiiyaan waxa ka iman kara ficilka noocaas ah talooyinkoodana la qaato.

Fadhigii ugu horreeyey ee barlamaanka Maraykanka oo ahaa Arbacadii shalay ayaa ajendaha lagaga hadlay bilawga dood sidii dalka shaqo la’aanta looga saari lahaa iyo halka ku habboon ee laga bilaabo. Waxana loo yeedhay khubaro aad u badan oo mid kasta wax laga weydiiyay rayigiisa dhinaca uu xirfadda u leeyahay. Somaliland waxay leedahay barlamaan ay dadku soo doorteen. Maaha excuse ama marmarsiinyo inaanay haysan dhaqaale lagu wado hawsha iyaga u taalla. Awood la mid ah ta madaxweynaha ama ka muhiimsan ayay leeyihiin. Waxa loo doortay inay maamulka jira isha ku hayaan, dalkana u dejiya sharciyo miisaaman oo shacabka xaqooda iyo waajibaadkooda si siman u qeexaya. Waxase ka maqan hogaan adag oo aan habrasho lahayn  maamulka madaxtooyadana aan u joojin ee hawshooda dastuuriga ah wata oo aan cidna uga baqan waxay xaqa u leeyihiin.

Dal cari ah calaamadaha lagu garto ayaa aad uga fog arrin shakhsi oo danta guudi tahay ta midka ugu sarraysa ee sharcigu had iyo jeer ku salaysan. Markaa barlamaanka Somaliland waxa looga fadhiyaa waa sidan si dhaanta.

Magan Ibrahim

Washington DC. USA

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it  

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....