|
Somaliland iyo Hay'adaha Sirdoonka !
Marka sirdoonka dunida laga hadlo waxa markiiba madaxa ku soo dhaca hayadda sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA. Inkastoo ay dalka USA ka jiraan ugu yaraan 13 hayadood oo u qaabilsan dalka baadi goobka, ururinta, iyo shaandhaynta macluumaad sir u ah dalalka kale ayaanay haddana magaca aadka dunida looga yaqaan yahay kaas oo keliya. Waxa iyana aad u caan ah magaca KGB oo ahayd hayadda sirta ee dalkii Midawga Soofyeeti ee burburay.
Waxa jira dalal ay waaxda sirdoonku xoog ku leedahay masraxyada adduunka ee ay ku kulman dhammaan basasiinta dunidu. Bal aynu soo qaadanno kuwa aadka isha loogu hayo:
Foreign Intelligence Service (SVR) – Sirdoonka Adeegga Dibadda
Dal: Russia
Waxa ay khabiirka ku yihiin ama shaqadoodu tahay: Si toos ah - Waxa u qoran inay la dagaalamaan argagaxisada iyo iaalinta nabadelyada Ruushka iyo danaha ganacsi ee dibadda ay la leeyihiin. Si dadban – Sugidda awoodda siyaasadeed oo lagu soo kobo kuwa hadda gacanta ku haya.
Waxqabadka: Dalka Ruushku wuxuu hiddo u leeyahay sirdoonid soo taxnayd tan iyo goortii dalka ay ka jirtay boqortooyadii Czarist ee Cheka. Ka dib markii Sovyeetku dhacay ayaa hayadii cuslayd ee KGB loo qaybiyay dhawr yar yar oo awood kooban leh. Hase yeeshee markuu madaxweynaha noqday Vladimir Putin oo isagu hore u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan KGB ayay hayadda SVR (Sluzhba Vneshney Razvedk) ee hadda jirtaa ay la soo noqotay inta badan awooddii KGB da oo kale. Waxana la sheegaa in xitaa ay dalka USA u basaasaan sidii xilligii dagaalka qabow jiray.
Sida uu sheegay Peter Earnest oo ah madaxa Muusiyamka sirdoonka iyo basaasnimada ee Washington DC oo hore isagu basaas u ahaa CIA da iyo KGB da labadaba muddo 30 sano ka badan ayaa wuxuu leeyahay, “ Sirdoonku Ruushku wuxuu maanta la mid yahay amaba la muhiimad yahay kii KGB ay lahayd. Manay joojin dhaqdhaqaaqa sirdoon ee ay wadaan.” Hayaddan SVR waxa lagu xantaa inay ka dambeeyeen dilkii nin basaas hore u ahaan jiray Alexander Litvinenko ee London lagu sumeeyey. SVR ayaa wuxuu Putin ka dhigay mid aad u awood badan isaga maamulkiisana u adeegta.
Ministry of State Security - Wasaaradda Nabadda dalka
Dal: China
Khabiirnimo: Sirdoonka technolojiga warshadaha ee casriga ah iyo ilaalinta nabadda gudaha
Waxqabadka: Hayaddan oo marka la soo gaabiyo loo yaqaa MSS ayaan ahayn mid aad adduunka looga yaqaan inkastoo ay muddo dheer soo jirtay. Waxay u qaab egtahay sidii KGB dii hore. Waxay masuul ka tahay sir xadidda dibadda iyo ilaalinta gudaha dalka. Waxa la sheegay inay inta badan sir ka soo qaadaan dalka USA gaar ahaan dhinaca farsamada iyo technolojiga ee warsahdaha iyo ciidamada mileteriga ku saabsan. Halka ay badanka sirdoonku adeegsadaan shaqaale la tababaray oo keliya, MSS waxay iyadu aaminsan tahay in qof kastaa leeyahay awood uu wax ku basaaso. Taasoo ay isticmaasho cid kasta oo dalkeeda u dhalatay ama cid kasta oo ay iibsan karto. Waxa kalooy caan ku tahay samir dheeraad ah oo ay kolba inyar sirta soo xadaan dabadeedna hadhow isu geeya muddo ka dib maraky soo uruuriyaan. Bishii September ee 2007 ayaa xarunta ciidamada dalka Maraykana ee Pentagon loo yaqaan ku eedeeyey in sirdoonka Shiinuhu u khadka internetka ugu soo dhacay computerada ay sirta ku kaydiyaan. Waxana ay beryahan caan ku noqdeen waxa loo yaqaan cyberspace hacking oo ah inay internetka ku xadaan siraha dalalka kale. Dalalka Jarmalka iyo Britain ayaa sidoo kale uga dacwooday hayaddan MSS.
Research and Analysis Wing - Garabka Cilmi baadhista
Dal: India
Khabiirnimo: Khalkhal gelinta deggenaan shaha Pakistan
Dhaqdhaqaaqa: Hayaddan RAW Waxa la aasaasay 1968 si looga hortago taageerada Pakistan ay siiso kuwo u dagaalama Kashmir. Waxayse sanadahan dambe isu beddeshay mid ka mid ah kuwa adduunka ugu khatarsan oo dhaqdhaqaaq ballaadhan ka sameeya Pakistan, Sri Lanka, Nepal, Bangladesh iyo meelo kaleba. Waxa lagu xasuustaa sidii ay Bangladesh uga caawisay inuu Pakistan ka xoroobo. Dalka Pakistaan wxuuu ku eedeeyaa in RAW ay had iyo jeer argagixiso ka fuliso dalkeeda. Hayaddan RAW waxay sidoo kale bilawday inay basaasto dalalka hore u maray, waxana ay arrimaha la dagaalanka argagixisada iska kaashadaan dalka USA.
Inter-Services Intelligence - Sirdoonka Isu - Adeegga [Gudaha]
Dal: Pakistan
Khabiirnimoe: Khalkhal gelinta deggenaanshaha India
Dhaqdhaqaaq: Waxa lagu xantaa inay aad u awood badan tahay hayaddan ISI oo aanay cidna ka amar qaadan. Waxay caan ku yihiin gacanta birta ah ee ay ku ilaaliyaan awoodda Nukliyeerka ee dalkooda. Waxayna sidoo kale ciidamada ka ilaaliyaan inay afgembi dhibaato keena geystaan. Dalka Hindiya ayaa aad uga cawda inay ISI ku hawlan tahay sidii dalkeeda falal argagixiso looga geysan lahaa waxaany sanado badan sheegtaa inay hayaddani gacan siiso jabhadaha u dagaalama goonni isu taagga Kashmir iyo Sikha gobolka Punjab ka dagaalama. Dalalka reer galbeeka ayaa wada shaqayn aan jacayl ku dhisnayn ka dhexeeyaa iyagoo ka baqda in hayaddani tahay mid khatar ah oo dhinacyo badan leh.
The Mossad - The Institute - Hayad
Dal: Israel
Khabiirnimo: La dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta, argagixisada, daad guraynta dadka yuhuudda ah ee caawimada u baahan.
Dhaqdhaqaaq: “Waxanu nahay ardaydii Mossad,” ayuu yidhi Earnest oo muusiyamka sirdoonka ee Washington DC madax ka ahi. Tan iyo goortii la aasaasay Mossad oo afka Hebrew ga ah oo macnihiisu yahay “Hayad” waxay aduunka ka kasbatay magac aad u dheer. Taasoo ay ku gaadhay xirfad basaasnimo iyo waxqabad adag oo ay kula dagaalanto cadawga Isreal. Waxa ugu caansanaa hawlgalkii ay ku soo afduubeen hogaamiyihii Naziga ee Hitler ku xigay Adolf Eichmann ee ay ka keeneen dalka Argentina 1960 kii. Waxa kalooy caan ku yihiin dilkii ay mid midka qudha uga jareen raggii Falastiin u dhashay ee dilay ciyaartoydii Isreal uga qayb gashay Olympica Munich dalka Jarmalka sannadkii 1972 kii. Waxa kaloo lagu yaqaan dilka qarsoodiga ah ee madaxda Xamas. Waxana ugu cajiibsanaa madaxii Xamas ee telefonkii mobilka ee uu ku hadlayay ku qarxay sanadkii 1996.
Mossad waxay jiray in badan oo ay qaxootiga yuhuudda ee dalka Isreal caawimo u fidisay taasoo ay ku jirto daad gurayn tii kumanaan Falaashada Ethiopia ah ay sir ahaan ku soo duulisay sannadkii 1984 oo loo bixiyay “Operation Moses”. Intii ka horreysay 1990 nadii lama aqoon sida ay u shaqayso iyo cidda xukunta. Waxayse sanadahaas bilaabeen inay soo bandhigaan magaca madaxa hayadda markii ugu horreysay. Hase yeeshee markii Ariel Sharon Raiisal Wasaare noqday sideedii hore ayay ku soo noqotay. Waxana la sheegay inay hawlgalo badan oo sir ah ka fulisay dalalka carabta oo ay ku jirto basaas ay ku yeelatay xarunta ciidamada ee Syria oo keentay inay Isreal diyaarado ku duqayso bishii September ee 2007.
Hay'adda Sirdoonka - Magaceeda lama yaqaan
Daly: Somaliland
Khabiirnimo: La dagaalanka argagixisada, indho ku haynta mucaaridka
Dhaqdhaqaaq: Waxa la sheegay in markii dalka dib loo xoreeyey uu madaxweyne Cigaal sameeyey waaxda sirdoonka ee Somaliland. Waxa la sheegay inay shaqada ugu badan qabatay xilligii shirka Carta uu ka socday dalka Djibouti oo warbixino joogta ah madaxtooyada loo keeni jiray. Waxa lagu tilmaamaa in dad badan oo hore hayadii sirta ee NSS ta ee Somaliya ka soo shaqeyeey dib loo shaqaaleeyey. Madaxweyne Rayaale ayaaba isagu ka tirsanaa saraakiishii NSS. Waxanay mucaaridku ku eedeeyaan inuu isku wareejiyay dad badan oo NSS ahaa.
Illaa hadda lama oga qaabka ay u shaqeeyaan sirdoonka Somaliland. Lama garanayo inay tahay hayad madax bannaan oo sida CIA, SVR, Mossad, RAW, MI5, MI6 ama ISI tahay mid maamul goonni ah leh oo hoos timaadda uun barlamaanka ama madaxtooyada. Waxase la filayaa inay Wasaaradda Gudaha ku xidhan tahay madaxtooyadana laga amro. Lama garan karo inay hawlgallo ka fuliso Somaliya gaar ahaan Puntland oo sidoo kale nabadgelyada, deggenaanshaha iyo jiritaanka Somaliland halis ku ah. Sanadaha soo socda ayaa la ogaan doonaa waxqabadkeedu intuu leegyahay, sida ay ula dagaalamaan argagixisada Al Shabaab ee hadda dalka halista ku haysa ama kooxaha kale ee diiniga ah.
Waxa kaloo ay khubarada arrimaha sirdoonka shaandheeyaa xiisaynayaan bal sida ay u jirto hayadani marka kolba maamul cusubi dalka ka dhasho ee doorashooyinka dalku ka dhaco sanado badan oo inagu soo fool leh.
Magan Ibrahim
Washington DC. USA
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|