Siyaasadda saamaynta xoogga leh ku leh adduunka ee dalal badan taabata waa ta ay ku dhaqmaan dalalka quwadda weyn leh. Waxana ugu caansan habka dalka Maraykanku ku gaadho danihiisa gaarka ah. Markaad u fiirsato Wasaaradda Arrimha Dibadda ee dalkiisa, waaa mid murugsan oo laamo badan, safiiro badan iyo qaybo kala duwan oo hawlo kala duwan qaabilsan. Waxase ay dalalka adduunka kala mid tahay inay leedahay nidaam dhisan oo qofkii masuul xafiiska looga dhigaaba ay caddahay shaqada laga rabaa waxay tahay.
Siyaasadda Somaliland ee dibadda ayaa hadafkeeda ugu horreeyaa yahay siday dawladdu in badan sheegtay yahay, “Helista aqoonsi buuxa oo dal jira oo calankiisu adduunka ka dhex muuqdo noqda”.
Waxa tallaabadii u horreysay ee arrintan ku saabsan ku dhaqaaqay Madaxweyne Cigaal sannadkii 1998 kii mar isaga iyo Fagadhe ay dalal dibadda ah safaro ku kala bixiyeen. Waxana la sheegay in uu maamulka xilligaa ee dalka Maraykanku si fiican ugu dhuun daloolay. Inkastoo Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay ee xilligaas Boutrus Boutrus Qali uu si weyn uga soo horjeeday oggolaanshaha Somaliland. Illaa haddana ay UN tu ku dhaqanto siyaasaddii uu u dejiyay oo colaad ba’an ku haysa goonni isutaagga Somaliland.
Marxaladaha ay soo martay siyaasadda dibadda ee dalku waxa dardar geliyay doorashadii xorta ahayd ee madaxweynaha ee dalka ka dhacday sannadkii 2003. Waxana muhiimadda ugu horreeya ee arrimaha dibadda ee dalku noqday in adduunka marka hore laga dhaadhiciyo magaca Somaliland. Sida ay sheegtay Marwo Edna Adan Dhakhtar oo muddo saddex sano ku dhow ahayd wasiirka arrimaha dibadda.
Horumarka dhinaca ilaalinta nabadda, dooroshooyinka iyo kala dambaynta hayadaha dawliga ah ayaa waxa had iyo jeer tusaale u soo qaata Dr. Peter Pham oo jaamac gobolka Virginia ee USA wax ka dhiga ahna khabiir dhinaca nabadgelyada oo takhasuskiisu yahay Bariga Afrika. Dr. Pham warqaddii u dambaysay ee uu toddobaadkan soo qoro ayaa wuxuu ku qeexay in la soo gaadhay xilligii aqoonsiga Somaliland. Waayo buu yidhi, “Isqabsiga madaxda Somaliya ayaa muujinaya in aanay xaq ahayn in Somaliland u xidhnaato dad aan horumar iyo nabad doonayn.”
Shirkii weynaa ee lagu qabtay Washington DC. Sannadkii 2006 ee ay soo qabanqaabisay hayad ay leeyihiin qurbo jog Somaliland oo loo yaqaan SOPRI ayaa waxa muuqatay quwadda dadka dibadda jooga oo haddii ay wada shaqeeyaan keeni kara aqoonsi buuxa. Waxana halkaa isugu yimi in ka badan 900 oo aqoon yahan. Waxa xitaa wakiil u soo diray xafiiska Somalida u qaabilsan dawladda USA.
Aqoonsi si loo helo ayaa waxay ku xidhan tahay wada shaqayn aan laga daalin iyo dedaalka dawladdu ka gasho sidii ay u hawlgelin lahayd dadkeeda dibadaha deggan. Si taasi u suurto gasho ayay Somaliland saamaysay xafiis u qaabilsan qurbo joogga. Waase mid aad loo dhaliilo oo itaal daran isla markaana lagu eedeeyo inuu yahay magac u yaal. Waxa kaloo jira inaanay dadku ogayn waxa ay ku kala duwan yihiin ama wada shaqaynta ka dhexeysa wasaaradaha dibaddda iyo xafiiskaa qurbo joogga loogu tala galay.
Guulaha dhinaca diblomasiyadda ee Somaliland ka gaadhay dalalka jaarka ayaa ah mid ay keeneen shaqaalaha u heellan sidii xidhiidhka dawladaha aynu xuduudda wadaagno loo hagaajin lahaa. Ayuu yidhi Cabdirisaq M. Suufi oo Safaaradaha Djibouti iyo Ethiopia ka soo shaqeeyey gaadhayna heer Safiirnimo ka hor inta aanu geeriyoon bishii September ee sanadkan. Waxana uu sheegay in aqoonyahanka safka hore ku jiraa metelaan calanka dalka isla markaana xil dheeraad ahi saaran yahay. Inkastoo maamulku xitaa kala bakhayslo ama kala raago gunnada yare e ay ku nool yihiin.
Mid ka mid ah koox aad uga soo horjeedda Somaliland ayaanu toddobaadkan ku kulanay meel tareenka laga raaco magaalda Washington DC. Waxana uu igula kaftamay in ay daaqaddii Somaliland lagu aqoonsan lahaa dhowaan soo xidhmayso. Isagoo sabab uga dhigay in adduunku hadda rabo in Somaliya dawlad loo dhiso cidina aanay walhti u hayn, “dawlad goboleed.”
Si kasta oo uu ninkaasi isku qanciyo, haddana waxa cad in adduunku aad ugu soo jeedo inay Somaliland wax la qabtaan dhinac kasta. Waxana hadda isha lagu hayaa diiwaan gelinta cod bixiyaha ee hadda dalka ka socda. Taasoo ah tallaabadii u dambaysay ee muujinaysa in dalkan yar ee faqriga ahi leeyahay calaamdaha dal casri ah lagu yaqaan.
Taa macneheedu maaha in maamulka hadda jiraa yahay mid ka faa’idaystay debec sanaanta dhegta dalalka awoodda leh. Qaabka ay u shaqeeyaan ayaad ka argagaxaysaa markaad aragto habka uay u dhaqmaan qaar ka mid wasiirada Somaliland ee inta badan dibadda u soo baxaa. Waxana arday ku koray dibadda oo wafdi la kulmay oo aanan jecleyn in la magacaabo yidhi, “Waxoodu waa isdaba yaac iyo feedh iyo laad oo ma mooddid dad borotokol iyo nidaam ku socda.” Waxana uu xusay in dalalka kale ciddii meteshaa gaar ahaan diblomasiyaddu ay xitaa ka fekeraan dharka ay xidhaan, siday sawirada looga qaado iyo hadalada ay ku hadlayaan. Laakiin kuweenna aad mooddo qaar cadhaysan oo aanad waxba u sheegi karin. Dalkana inay kaa xigaan u haysta.
Bisha soo socota ee January 20 –keeda marka maamulka cusub ee Obama maamulka USA la wareego ayaa waxa la filayaa in isbeddel weyn ku dhaco siyaasadda arrimaha dibadda ee uu adduunka kula dhaqmo. Iyadoo uu aad ugu dhego daloolo inuu maqlo horumarka dalalka yaryar ee ay Somaliland ku jirto. Waxase aan qeexnayn siday dawladda Somaliland uga faa’idaysanayso.
Madaxda Somaliland ayaa had iyo jeer shir jaraaid ka sheega inay dawladdu wax qabatay oo ay siyaasadeedu wacan tahay. Laakiin haddaad weydiiso halkay ku qoran tahay siyaasaddaasi kuu sheegi kari maayaan. Tusaale ahaan dalka Maraykanka waxa muwaadanku xaq u leeyahay inuu dawladda weydiiyo siyaasadda dalka ee dhinaca dibadda, beeraha, caafimaadka iwm. Si ay dadka ugu hawl yareeyaanna waxay dawladdu samaysay oo aadd geli kartaa Webka ama shabakadda wasaarad kasta , xitaa ajendaha wasaaradda difaaca, si ay dadkooda ula scodsiiyaan kolba siyaasadda wax qabadkooda.
Dabcan wixii sir ah ee dalka nabadiisa taaban kara waa goonni laakiin mar haddii dawlad macnheedu yahay inay u shaqayso dadka, waxa waajib ah inay shacabka u sheegto kolba waxay qabanayso. Ilayn magacooda ayay ku samaynayaane. Waxana aan illaa hadda caddayn siyaasadda dawladda oo sheegta inay aqoonsi raadis tahay, laakiin aanay cidina ogayn halkay wax marayaan.
Hayadda loo yaqaan International Crises Group oo ah aqoon yahan isu tegay ayaa in badan adduunka u tilmaamay in dal u aqoonsi Somaliland la siiyaa dan u yahay deggenanshaha gobolka. Sidoo kale fikirka isa soo taraya ee hayado, dawlado iyo madax kale ayaa sidaas oo kale sheegaya, waxase loo baahan yahay in maamulka maanta Somaliland jiraa hawl geliyo qurbo joogga xisbi kasta ha ahaadaane. Mar haddii dalka la wada leeyahay waa in horumarkiisa laga wada shaqeeyaa, waana inay ka bilaabanto in dawladdu ay ka baxdo qolka yar ama sanduuqa ay isku xidhay oo ay dadka la shaqayso illayn dalka dadka kama xigaane.
Magan Ibrahim
Washington DC. USA
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it