| Yemen Oo Joojinaysa Beerashada Qaadka |
|
|
|
| Tuesday, 16 December 2008 | |
|
Dawladda dalka Yemen ayaa qorshaynaysa in geedka qaadka oo dadka reer Yemaneed aad u cunaan ay ka soo dhoofsato qaaradda Afrika gaar ahaan dalka Itoobiya oo si xad dhaaf ah uga baxo qaadku. Dalka Yemen oo aad looga beerto qaadka ayaa la sheegay in ay soo foodsaartay dhibaato biyo yaraaneed oo ba'an iyo abaaro deegaanno badan saameeyey, biyo ka warwarkaas ayaa ku kallifaya dalka Yemen inuu joojiyo gebi ahaanba beerashada geedka qaadka oo u baahan biyo badan. Masuul sare oo ka tirsan dawladda Yemen ayaa u sheegay shabakadda wararka ee Aliqtisaadiya, in ay Yemen hadda diyaarinayso mashruuc ballaadhan oo qaadka Hereriga ay kaga soo dhoofsanayso dalka Itoobiya. Waxa uu masuulkani sheegay in ay sidan u yeelayaan si ay u dhowrtaan biyaha dalkooda. Biyaha oo dalka Yemen aad ugu yaraaday ayaa keenay in beeraleyda qaadku dibadda ka soo dhoofsadaan biyo kiimiko ah oo lagu waraabiyo, taas oo keentay in cudurka Kansarku ku faafo bulshada qaadka cunta ee reer Yemaneed. Somaliland oo qudheeda aad looga calaashado caleenta Qaadka ayaa ka soo dhoofsata dalka Itoobiya, maadaama oo aanu jirin heshiis dhinaca jaadka ah oo ka dhexeeya labada dal haddana dad badan ayaa aaminsan in haddii suuqa Jaadka ee dalka Itoobiya uu soo galo Dalka Yemen in qiimaha Jaadku aad kor ugu kici doona. Dhanka kale khubarada caafimaadka gaar ahaan khubaro ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Sanca dalka Yemen ayaa aad uga digay saamaynta caafimaad ee ay yeelan karto suntan badanaaba jaadka lagu buufiyo si looga ilaaliyo cayayaanka ku dhasha. Khubaradu waxa ay daraasado badan kadib caddeeyeen in ay u dhawdahay in suntan oo ay lagama maarmaan u tahay jaad beeratada inay ku buufiyaan beeraha jaadka in laga qaado noocyo ka mid ah Kansarka ku dhaca uur ku jirta Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |