|
Qurbo joog dhaqdhaqaaq yaraday !
Khatyaanka laga istaagay budhcad badeedda Somaliya ayaa waxay timi markii casho kasta saxaafadda reer galbeedka laga soo daayo markab la afduubay iyo mid la sigay. Ogow marka hore dadka ku nool dalalka dhinaca teknolijiga hore uga maray waxay inta badan xogta warkooda ka qaataan hayado kooban oo awood ay ku faafiyaan leh sida shirkadaha AP (American Press), Reuters, AFP, CNN iyo kuwo yar yar oo kale.
Shirkadahani marka shakhsiga u jooga agagaarka xiisadda Somaliya soo tebiyo war waxay markiiba awood u leeyihiin inay kumannaan jaraaid, radio, television iyo wargeyso kaleba gaadhsiiyaan si dhakhso ah. Waxana dhacda qofka tuulo yar oo badhtamaha Maraykanka ku taal oo aan weligiiba maqal Somaliya oo aan Afrikaba fikrad ka haysani uu warka magaaladiisa ku saabsan lagu soo dhex daro ka budhcad badeedda, dagaalada wadaada, ciidamada shisheeye iyo kooxda embagati ku dhexmaraya Muqdisho. Dabadeedna uu maqlo waxa ka socda meeshaas ka fog.
Waxa markaa meel kasta ka dhacay warka Somaliya oo maanta adduunku u yaqaan dal kashifmay (Failed State). Waa dal maamul, nidaam iyo aan kala dambayn lahayn. Waxay qaarkood ku tilmaamaan mid halis ku ah nolosha dalalka kale oo noqday xarunta lagu tababaro argagixisada oo lagaga soo duulo kuwa jaarka ah. Saxaafadda ugu dhibka badan oo had iyo jeer nacaybka iyo xumaanta ka shaqaysa ee dalka USA oo uu ugu horreeyo television ka FOX ayaa waxay ku caan baxday faafinta wax kasta oo iin ku ah msulimiinta. Waxayna Somaliya dhibka ka socda had iyo jeer buunbuunisaa oo ku tilmaantaa mid kharriban oo halis ku ah nolosha waxa ay ugu yeedho dalalka casriga ah.
Waxay markaa noqotay in dadka badankiisu ay wax ka ogyihiin dhibka Somaliya hasyta. Waxa la is weydiiyaa sidee wax looga qaban karaa? Dalalka hore u maray muhiim ma u tahay inay dejiyaan dhibka Geeska Afrika haysta?
Ogow dalalkan awoodda dhaqaale iyo military is biday ma fara geliyaan meel aan dani ugu jirin. Waxase beryahan muuqata in Somaliya haddii faraha lagala laabto inay cudurka haystaa taaban doono meelaha deggan ee kale. Waa fikradda ay aaminsan tahay Dr. Susan Rice oo ah gabadh madow oo Madaxweyneha la doortay ee Obama dhowaan u magacaabay inay noqoto safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay. Safiirnimo keliya kumuu deyne, wuxuu la simay wasiirada kale oo ay markay shirayaan ka qayb qaadan doonto. Intii ololaha doorashada uu kujiray waxay Dr. Rice kala talin jirtay siduu u wejihi lahaa siyaasadda dibadda.
22kii bishii November ee sannadkan ayaa waxa Susan Rice waraysi la yeeshay CBS Television oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalka. Waxana laga waraystay sida maamulka cusub ee Obama ku xallin karo dhibaatada Somalida. Susan Rice waxay cabbirtay dareenka ah in ay “malaha xilligan habboon tahay [wax kaleba ha joogaane] in Somaliland la siiyo garasho siyaasasadeed oo ay Qaramada Midoobay diyaariso, si ay heshiis caalami ah ula geli karto dalalka kale, isagana ilaaliso dabka Somaliya ka socda.” Waxa kalooy sheegtay in arrintan ay wax ku qaadan karaan Somalida kale oo “qofkii wax qabsada” loo baahan yahay in la garab istiaago si kuwa kale ugu daydaan.
Dhawaaqa ah in Somaliland la badbaadiyo ayaa aad ugu soo badanaya dalalka reer galbeedka waxana Dr. Susan Rice oo hore sannadkii 1998 ula kulantay Alle ha u nxariistee Madaxweyne Cigaal mar uu tegay dalka Maraykanka la sheegay inay weligeedba aaminsanayd in Somaliland la siiyo aqoonsi gaar ah oo ay dunida inta kale kula mcaamisho.
Waxa haddaba soo baxaya dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay dadka ka soo horjeeda Somaliland bilaabeen siday maamulka Obama iyo ciddii kale ee isku dayda wax aqoonsi u dhaw uga hortagaan. Ururada aadka u ololeeya waxa ka mid ah mid beryo dhawayd daciifay laakiin hadda gawso dheeraad ah la soo baxay oo la yidhaa ISRAACA Somalida. Waxase halis badan keenay oo aqoonyahanka Somaliya ee dalalka qurbaha deggani isugu tageen urur markii hore loo sameeyey ka hortagga Ethiopia laakiin fikrad Somaliweyn la soo baxay oo la yidhaa Somali Diaspora Network (SDN).
Waxa la yaab leh mar kasta oo fikrad Somaliweyn ay timaaddo waxay markiiba kooxahani farta ku fiiqaan reer Somaliya dadka iyo dawladda Somaliland. Waxabad mooddaa inaanay cadaw kale lahayn. Oo yoolkooda u horreeyaa yahay iyagoo kumanaan mayl ka fog oo dibadda ka jooga sidii loo carqaladayn lahaa.
Haddaba waxa meesha ka maqan dhaqdhaqaaqa qurbo joogga reer Somaliland oo beryahan dambe is dhigtay. Waxaba lagu xantaa inay keliya isu yimaaddaan marka ay mushkilad culus dhacdo oo keliya. Ogow ma yara ururada jiraa oo waxa ugu horrayn jiray ururka Somaliland Forum oo aan anigu muddo badan xubin ka ahaan jiray, haddase aanan wakhti u helin. Waxa jira kuwo yar yar oo jaaliyadaha meelaha reer Somaliland ku badan yihiin laga sameeyo. Sidoo kale Yurub waxa ka dhisan dhawr urur oo arrinta aqoonsiga u dooda. Waxana ugu horreeya SIRAG oo si cilmiyaysan Yurub uga ololeeya laakiin aan soo gaadhin dalka Maraykanka. Beryahan dambena aad mooddo inuu yara caajisay.
Dalka Isreal ayaa lagu xantaa inuu awoodda dalka Maraykanka gacanta ku hayo. Waxana la sheegay inay ugu wacan tahay halganka ay dadka yuhuudda ee dalka USA u dhashay ugu jiraan inay siyaasiyiinta ka dhaadhiciyaan sidii Isreal loo gacan qaban lahaa. Waxa arrintan loo yaqaan Lobbying oo ah dedaal qof ama hayadi u gasho siday uga soo dhalaali lahayd inay siyaasi ama dawlad uga dhaadhicin lahayd danta ay leedahay.
Sida lagu sameeyaana waa iyadoo isku aragti laga yahay sida loo gaadho danta Somaliland oo ay aqoonsigu ugu horreyso. Waxa cad inay dadkeenna qurbaha joogaa hadda u bislaadeen laakiin ay weli caga jiidayaan siday lobbying wax ka soo baxaan u sameeyaan ayuu ku canantay masuul ka tirsan barlamaanka dalka Canada oo laga soo doorto xaafadda Toronto ay dadkeennu ka deggan yihiin oo la yidhaa Mudane Jim Kyryngianis. Isagoo hadda ka hor laba goor Somaliland soo booqday, kana mid ahaa goob joogayashii doorashada Madaxweyne ee 2003-da.
Haddaba qurbo joogga ka sokow, dawladda Somaliland waa maxay siyaasaddeeda arrimha dibaddu? Dalal jiritaankiisa keliya laguma garto deggenanshihiisa ee waxa lagu qiimeeyaa siduu u dejiyo nidaam siyaasad cad oo uu ku shaqeeyo kuna wajaho gaadhista danaha dalkiisa. Maqaalka dambe ayaynu ku falan qayn illaa hadda siday siyaasadda dibadda ee Somaliland saamayn ugu yeelatay fagaaraha diblomasiyada ee dunida.
Magan Ibrahim
Washington DC. USA
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|