Home
Hay'adda DAN Ee Naafada Somaliland Oo Heshay abaal Marin Caalami Ah PDF Print E-mail
Friday, 12 December 2008
London(Geeska) - Labada masuul ee ugu sarreeya hay'adda Maxalliga ah ee DAN oo ka shaqaysa daryeelka iyo horumarinta naafada Somaliland, oo kala ah, Cali Jaamac Xasan iyo Cabdikariim Sh. Muuse ayaa dhowaanahanba magaalada London ee carriga Ingiriiska ugu maqnaa sidii ay hay'addooda ugu soo guddoomi lahaayeen abaal marin caalami ah oo ay ku guulasatay.

Hay'adda DAN Somaliland waxa loo doortay abaal marin caalami ah oo uu bixiyo ururka Star Foundation.  Abaal marintan oo qiimaheedu yahay 100,000 oo doolar, waxaa dheer taageero dhinaca dhaqaalaha iyo la talinta ah oo u socon doona hay'addan. Abaal marintan caalamiga ah ee ay ku guulaysatay hay'addan DAN oo ka shaqaysa daryeelka naafada, waa hay'ad reer Somaliland ah oo xarunteedu tahay magaalada Hargeisa, abaal marintan ay ku guulaysatayna waxa ay ka heshay ururo iyo hay'ado kale oo kula tartamay. War barxibin dheer oo arrintan laga shaaciyey ayaa lagu sheegay in hay'adda DAN loo doortay abaal marintan caalamiga ah oo uu bixiyo ururka Star Foundation, oo ah urur caalamiya oo xaruntiisu tahay magaalada London. Ururka Star Foundation waxa uu ka shaqeeya horumarinta nolosha carruurta naafada ah ee dunida. Abaal marintan  waxa la siiyaa ururrada sida ugu haboon uga shaqeeya adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta naafada ah. warbixin ay hay'adda bixisay abaal marintu soo saartay ayey si weyn uga hadashay waxa ay tahay abaal marinta ay ku guulaysatay iyo shaqada ama macluumaad ku saabsan hay'addan. Warbixintaas oo dheerayd waxa ka mid ahaa;

 

Waa Dal uu baabi'iyey dagaal sokeeye iyo cudurrada dilaaga ah sida dabaysha isla markaana aan lahayn nidaam daryeel caafimaad oo ku filan. Dhibbanayaasha  iyo naafoobay ee aan haysan cid gacan qabata wax u badan dhalinyaro, oo ay dad badani u arkaan inay culays ku yihiin qoysaska ama guud ahaan bulshadaba. Sida ay sheegtay hay'adda UNESCO boqolkiiba 90 ka mid ah ubadka naafada ah ee ku nool dalalka soo koraya oo ay ku jirto Somaliland ma tagaan dugsiyo waxbarasho.

In kasta oo aanay haysan aqoonsi caalami ah Somaliland waxa ay leedahay qaab dhismeed maamul oo shaqaynaya, oo hay'adda ka shaqaysa naafada ee DAN ay ku shaqayso, hay'addani waxa ay u shaqaysaa in carruurta naafada ahi ay helaan adeegyo caafimaad iyo in si buuxda ay u dhex galaan bulshada Somaliland.

 

Hay'adda DAN oo xarunteedu tahay Hargeisa, waxa la aasaasay sanadkii 1992-kii, waxaanay hawlgalkeeda ka fulisaa xarun ay ku leedahay magaalada Hargeisa oo sanad kasta lagu daweeyo 3000 oo qof, waxa ay DAN sidoo kale leedahay Afar xarumood oo adeegga loo yaqaanno Daweynta dabiiciga ah (Physiotherapy) iyo kabniinka. Xarumahan hay'adda DAN waxa ay ka i waxa ay ka shaqeeyaan in ay saxaan, ama dhimaan dhibaatada haysata carruurta naafada ah, waxa aanay siyaan daaweyn dabiici ah iyo qalab ay ka mid yihiin kabo iyo gaadhi curyaanno. Dan uma adeegto oo keliya dadka dhibban ee reer Somaliland ee waxa ay sidoo kale adeegyo assaasi ah siisa bukaan socodka ka soo socdaala dalalka deriska la ah Somaliland sida Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti. Hay'adda Dan waxa ay taageertaa xuquuqda ubadka iyada oo ka faa'idaysata madalaha caalamiga ah sida, maalinta naafada adduunka iyo maalinta caruurta Afrika si ay wacyi gelin uga dhex sameeyaa xubnaha muhiimka ah ee bulshada, waxa ay sidoo kale hay'adda maxaliga ah ee DAN af-Somali ku turjuntay Axdiga caalamiga ah ee ubadka.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....