Home
MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA PDF Print E-mail
Wednesday, 15 October 2008

Nin reer Somaliland u dhashay oo qurbaha ka tegey ayaa markii ugu horreysey waddanka ku laabtay isaga oo aad u qiiraysan. Maalin buu isaga oo lugaynaya meel ka mid ah magaalada Hargeysa wuxuu soo ag maray waab yar oo ay islaani shaah ku iibinayso, halkaas oo uu fadhiyay nin kale oo isagu dadka aan weli waddanka ka dhoofin ah. Halkaas waxaa ku dhex martay  saddexdan shakhsiyadood sheeko qosol xikmad leh oo fariin

Nin reer Somaliland u dhashay oo qurbaha ka tegey ayaa markii ugu horreysey waddanka ku laabtay isaga oo aad u qiiraysan. Maalin buu isaga oo lugaynaya meel ka mid ah magaalada Hargeysa wuxuu soo ag maray waab yar oo ay islaani shaah ku iibinayso, halkaas oo uu fadhiyay nin kale oo isagu dadka aan weli waddanka ka dhoofin ah. Halkaas waxaa ku dhex martay  saddexdan shakhsiyadood sheeko qosol xikmad leh oo fariin muhiim ah xanbaarsan, iyo weliba Maanso jiifto ah. Ninkan qurbaha ka yimi waxa la yidhaa "Qurbaawi", islaantana waxa magaceeda la yidhaa "Qaleeya", ninkan waddanka degganaa ee islaanta waabkeeda hore u sii fadhiyayna waa "Qowdhan".

 

Ninkii Qurbaawi ayaa markuu waabkii soo istaagay hadalka bilaabaya oo odhanaya:

 

"Meeshan sidee baad ugu nooshihiin, waa meel ay dadkii dhisan waayeen, bal eeg siday u burbursan yihiin waddooyinkani. Weligay meel sidaa waddooyinkeedu u xun yihiin kumaan arag caalamka intaan marayay."

 

Islaantii meesha shaaha ku iibinaysay ee Qaleeya ayaa u jawaabaysa oo odhanaysa:

 

"Hooyo waan ku arkaayoo nin dibadda ka yimid baad u eegtehee, miyaanad hooyo la socon wixii waddankan ku dhacay. Beri baa waxa la yidhi markii ay diyaaradahii dawladdii Siyaad Barre dadka Hargeysa ku rushaynayeen ayaa oday iyo islaantiisa iyaga oo jooga Geed Deebleh, ay halkaa diyaaraddii ka soo baxday maalin ka mida maalmihii rusheyska. Odaygii ayaa islaantii ka cararay intuu aad u naxay markay naftii qabatay. Ka dib markii ay dayuuradihii dhaafeen ayaa islaantiisii odhanaysaa "Bal odaygan fulayga ah eega, raggii hore ma iyagaa carari jiray". Odaygii baa intuu deg-deg u soo booday dhakhso ugu jawaabaya islaantiisa oo odhanaya "Ee orodoo naga tag, raggii hore ma samadaa lagaga iman jiray" Islaantii Qaleeya oo tusaalahaa u soo qaadatay oo ku leh ninkii Qurbaawi; dhulkan Somaliland samada ayaa lagaga yimi oo ha barbar dhigin waddamadaa aad soo aragtay ee aanay iyaga cidi rusheeynin.

 

Ninkii Qurbaawi baa dhinacna ugu qushuucay tusaalahan qosolka iyo xikmada wata ee ay islaantu u dhiibtay, dhinacna ka yara xishoodsan oo isagoo is dhaafna ka muuqdo ku leexinaya arrintii Siyaasiyiinta waddanka oo odhanaya:

 

"Hooyo waan ku fahmee, laakiin waddankan siyaasiyiin ayaa ku ciyaaraya oo aan dadkii waxba u qabanaynin", halkaa waxa doodii la wareegaya ninkii meesha fadhiyay ee "Qowdhan" oo hadalkii qaadanaya oo odhanya: "Horta qolooyinkiinan qurbaha nagaga yimaaddaa ereygan siyaasad qalad ayaad ka fahamteen oo dhinac kale ayaabad u qaaddeen". Ninkii Qowdhan oo hadalkiisii sii wata ayaa odhanaya: "Beri baa nin reer miyi ah lagu yidhi bal waxaad sharaxdaa erayga "Siyaasad" micnahiisa? Ninkii reer miyiga ahaa ayaa intuu dhinacyada eegay odhanaya isagoo sharaxaya erayga siyaasad;    " Erayga Siyaasad waa marka konton nin oo isku reera oo meel ku shiraysa adigoo shirka kula jira uu midi kabahaagii gashado marka shirka laga soo baxo, sidii aad u garan lahayd kii kabahaaga gashaday baa la yidhaa "Siyaasad". Sidaasuu ninkii reer miyigaa ahaa u sharaxay siyaasad.

 

Hadalkisii isagoo sii wata ninkii Qowdhan wuxuu odhanayaa:

 

"Markaa ninkaagan dibadda ka yimidoow dareenkaagu ma xuma laakiin halkaa ay diiraddu kaa qabsatay maaha xaalku, wax aad siyaasad moodaysid ayaan siyaasad ahayn. Ma ogtahay in Dhulkii uu idinka uun idin sugayo oo aan cid kale u maqnayn, haddaba malaha war baa kaa maqane bal aan kuu sheego waxoogaa Maanso ah oo la yidhaahdo "Qiirada Qurbo-Joogga" oo aan anigu maalin dhexdaas ah Qurbo-Joogga adiga oo kale ah kula hadlayay.

 

Waxaanu yidhi;

 

 

Hadday qiiro ku hayso

Dalka qiimo u hayso

Quluubtaadu la hayso

Qalbigaagu la haysto

Qurbo-joog waan ku rabnaa.

 

Qanacaa deg-degee

Dadkii quus ka dhigaaya

Qoonsimaadka abuuray

Qiyaastii laga yaabay

Adoo quudhsi ka reebay,

Qunyar sheeg danta guud.

 

 

Qarankan waddankeenna

Qaadhaankaa dibaddaa

Qatanaanta ka saara,

Qaaddirkeen ku ilaali

Qalbigaa ummaddeenna

Quluubteeda hagaagsan

Qolofteeda midaysan

Quwad weeye sarraysa.

 

Qoraalkii xusuusteena

Qawlaysatadi baas

Qudhunkii berigii

Qiilkii dabar-goynta

Qoladii hor-istaagtay

Qurbo-joog qayb ka ahaa

Dadkuna weydiin qirayaa.

 

Qiyaamaha xasuustiisa

Qaaddirkeen Allaheen

Quraankeena nimcaysan

Qoraalkiisa hanuunsan

Qunyar baa lagu sheegay

Gacantoo lays qabtaa

Qudh-bax lays tusaa

Qadarin laysku qiraa

Quus laga reebo dalka hooyo,

Waa mid diintu qiraysoo

Qaaddirkeena u qushuucay.

 

Qayrkiin Afrikaan

Qiyaastii arligooda

Qurus-doonka shacbigooda

Qarqiyoo kor u qaad

Qurbahay ka kaceen

Quudkay u kaceen

Gaajoy ka qabteen

Muruq bay qotonsheen

Maskax bay ku qabteen.

 

Qurbo-joog xisaabteenna

Qiraynaa samahaaga

Inaad qayb ka ahaato

Siyaasadda qarankeenna

Qorashaha ummaddeenna

Qaabka waddankeenna

Qayb weeye ku sugaysa.

 

Qof kale inaad eegto

Qaranka aad ku hallaysid

Qiyaastii ma filaayo

Dadkuna way la qabaa.

 

Qorsheeyoo is-diyaarshoo

Qac ku siiya indhaayoo

Qawlkiinna adkeeyoo

Qiimeeya baahida,

Qaabbila danyaroo

Qaylo dhaan ugu baxoo

Qudh-bax weeye dadweynoo

Qiil dambaan jireynoo

Waa sidaa Qurbo-joog

Qarankaydin sugaayee.

 

 

Eesh Qiyaasak Qurbo Joog, Qarankaydin sugaayee!.

 

Waxaa Maansadan iyo sheekadanba curiyey:

By: Jamal Ali Hussein

Abidjan, Ivory Coast (Cote d’Ivoire)

WEST AFRICA

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....