|
Dad u harraadan isbeddel oo hoggaamiye saxa helay !
Bal ka waran waxaad tahay nin ka dhashay qabiilada yaryar ee la yaso. Ka warran inay muddo badan iyo dedaal badan ku timi in xitaa laguu oggolaado in hablahaaga la guursado adna aad guursato. Ka warran in weli ay dad badani kuu arkaan inaad ka hoosayso.
Waa arrintii ka hortimi Barak Obama oo ahaa ninkii madoobaa ee ugu horreeyey ee Madaxweyne looga doorto dalka dunida ugu dhaqaalaha badan, ugu quwadda badan mileteri ahaan, oo ay weliba maskaxda qoonta ee dunidu ku uruursan tahay. Sidu ku yimi waxay noqotay dhacdo muddo laga sheekayn karo oo habka tartanka siyaasadeed ee casriga ah weji kale u yeelay. Isticmaalka Internet-ka, dacaayadaha TV ga iyo idaacadaha ayaa waxay noqdeen kuwo ka qayb qaata. Laakiin inta aan marka hore loo qaadan nin guulaysan kara, side buu halkaa ku soo gaadhay?
Jawaabtu waxay ku jirtaa taariikhda dalka Maraykanka oo dadka madow markooda hore la geeyey qarniyo ka hor inay beeraha qodaan oo sida xoolaha loo kala iibsado. In muddo 100 sano iyo xogaa ah ayay haatan xor ahaayeen. Waxayse runtii xornimada dareemeen sanadahan u dambeeyey oo jiilka hadda soo kacay oo keli ahi isu arkaan dad la mid ah midabada kale ee dalka ku dhaqan.
Obama nasiib wanaag kama soo jeedo farac la addoonsan jiray, hase yeeshee waa jiilka madow ee la kacaamay midhihii ay u dagaalameen xornimo doon badan oo uu ka mid yahay Martin Luther King Jr. iyo Malcolm X. Isagoo marka hore qalbigiisu ka xoryahay cuqdad iyo yaraysi liidnimo. Waxana uu fahmay sida keliya ee uu ku heli karo kursigu inuu yahay inuu dhiso olole ku salaysan rajo dadka oo dhan ka dhexeysa oo la wadaago.
Bishii February ee 2007 da maalin aad u qabow oo baraf iyo gabadano ka dhacayso magaalada Chicago ee gobolka Illinois ee dalka USA ayuu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu madaxweyne u ordo. Wuxuu taagnaa hoosta beerta taaladda looga dhisay madaxweyne Abraham Lincoln oo hore madowga quudhsiga uga xorreeyey oo mamnuucay in la kala iibsado.
Judhiiba waad ka garanaysay baahida dadka dalkani u qabaan isbeddel siyaasadeed markaad eegto faraha dadka isugu yimi fagaarahaas maalinta dhaxantu dhacayso oo xilligan jiilaalka magaalada Chicago loo yaqaan magaalada dabaysha (The Windy City).
Waxase dadku u qaateen inay ka dhab tahay yarkan madow tartanka uu galay, ka dib markuu hordhicii is reebreebka ee xisbigiisa Dimoqraadiga uu 8 musharax oo kale oo wada caddaan ah oo ay ku jirto Marwadii Madaxweyne Clinton oo la yidhaa Senator Hillary R. Clinton kaga guulaystay gobol aan laga filayn. Waa gobol dad caddaan ahi ay 100% ku nool yihiin oo ku yaal badhtamaha dalka oo loo yaqaan Iowa. Waa gobol beerelay u badan oo ah ka ugu horreeya ee isreebreebka dalka lagu qabto. Waa maalintii ay dad badani si rasmi ah u jalleeceen oo ay dareemeen in nin ku soo baxay.
Waxa la weydiiyay Obama guusha intaa le’eg ee nin madoobi aanu dad cad codkooda oo intaa le’eg helin weligii siday ku timi? Weji furnaan badan ayuu muujiyay wuxuuna sheegay in ay dadku doonayaan keliya rajo iyo jawaab nadiif ah oo akhlaaq iyo ku dhisan qodobo la taaban karo.
21 bilood dabadeed, Barak Obama keliya ma beddelin taariikhda dalkiisa ee wuxuu beddelay adduunka oo dhan. Dalka wuxuu ka noqday ninkii madoobaa ee ugu horreeyey ee guul laxaad leh nin geesi ah oo isu haystay inan gobeed kaga guulaystay. Wuxuu olalaha ku galay oo uu jebiyay rekodhka lacagta oo in gaadhaysa $700 malyuun oo dollar ku kharash gareeyey ololaha doorashada. Wuxuu yididiilo geliyay kumanaan dhallin ah oo cid kasta leh. Wuxuuna u horseeday inuu xisbigiisu xitaa helo aqlabiyadda labada aqal ee ka odayaasha iyo ka wakiilada.
Xillgii uu tartanka ku jiray ayuu booqday dalal badan oo Bariga Dhexe, Bariga Fog iyo Yurub leh. Waxana qudbaddii uu ka jeediyay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka isugu soo baxay in ka badan 250 kun oo qof si ay u dhegaystaan. Wuxuu dadkii geliyay rajo ah in dalka maraykanka oo ka leexday wanaaggii lagu yiqiin uu ku soo celin doono mid ixtiraama xuquuqda aadanaha. Isagoo ballan qaaday inuu xidhi doono jeelka Guantanamo Bay ee Muslimiinta maxabiista ahi ku jirto.
Haddaba siyaasadda wadaaga leh ee ummadi wada yeelataa waxay keeni kartaa isbeddel culus. Waxana Obama uu sameeyey kacaan weyn oo aanu dhiig ku daadan. Inkastoo uu ku soo hagaagay dhaqaale xumo iyo dalkii oo busaaradsan, haddana wuxuu isu keenay maskaxdii dhaqaalaha ee dalkiisa, waxay bilaabeen sidii dalka loo badbaadin lahaa oo shaqooyin loo abuuri lahaa. Wuxuu dadka tusay in dawladooddu u joogto inay iyaga wax u qabato, rajo geliso dalkana wanaaggiisa ka shaqayso. Isagoo toddbaadkan sheegay inuu lacag gaadhaysa $800 bilyan daabici doono oo uu dadka hawlgelin doono. Waxana la bilaabayaa shaqooyinka dhinacyada dhismaha iyo dayactirka waddooyinka, biriijyada, iyo halbawlaha dhaqaalaha ee hawlaha guud.
Obama oo dadka ka codsaday inay dhinacooda waddaninimo muujiyaan ayaa adduunka neefi ka soo boodday maalintuu helay. Waxana la soo weriyey in dhammaan qaarad walba looga dabbaal degay habeenkuu helay guusha madaxweyneha oo uu noqon doono ka 44 aad ee dalka USA maamula.
Fikirka isu keenka dadka iyo rajo abuurku maaha mid dal quwad weyn leh u goonni ah. Dalkastaa hadduu helo hogaan toosan oo danta umadda maskaxda ku haya, wuxuu samayn karaa rajo weyn. Waa hadday ka dhab tahay inuu dadkiisa wax u qabto. Waana mid ficil la raaciyo oo aan ballan qaad madhan lagu talax tegin. Siyaasigii ay dadku la jiraan qabiil kasta ama midab kasta oo uu yahay (xitaa kuwa la yaso ha ahaadee) ee kasbada kalsoonidooda ayuun baa hanan kara codkooda. Waana midda Obama u suurto gelisay inuu ka guulaysto siyaasiyiin culculus oo xididdo adag ku leh talada dalka USA.
Magan Ibrahim
Washington DC. USA
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|