Home
Bulshada Afrika Waxay Eedday Dimuqraadiyadda Aanay Aqoon Iyo Madax Qalbi Xidhan PDF Print E-mail
Thursday, 27 November 2008

Gaajada, faqriga, xanuunnada iyo amni xumada aafeeyey Afrika ma’aha waxa keliya ee soo jiita dareenka dunida maanta iyo isha ay warbaahintu ku eegto qaaraddan sidii ay hore u ahaan jirtay. Waxa hadda aad loo eegaa ama warbaahintu uga hadashaa is beddellada siyaasiga ah iyo dhacdooyinka amniga ah ee ka dhaca qaaraddan wana labadan qodob kuwa ugu badan ee ay ka hadlaan bulshada dunida marka ay waayadan soo qaadaan Afrika. Doorasho kasta oo timaadda dalalka Qaaraddani waxa ay keentaa mucaaradad iyo dad  cusub oo ku kaca nidaamka siyaasiga ah, maalmo ka hor cod bixinta ayey sii bilaabanta rabshaddu, inta ay doorashadu socoto wax kasta ayaa la filaa, marka lagu dhawaaqo natiijada doorashadana wax kastaba filo. Waxa dhacda inbadan in dad u soo diyaar garoobay codayn iyo inay si xor ah u doortaan murashaxoodu ay dhiiggooda ku codeeyaan ama xataa naftooda ku waayaan. Waxa waayadan dambe soo baxday duruus cusub oo aanay hore u aqoonin madaxda Afrikaanku mucaarad iyo muxaafadba. Dabcan waxa hore u badnayd in xisbiga talada hayaa ku shubto kadibna xoog ku muquuniyo inta mucaaradka ah, haddii aanu xadhig iyo dil uga dhigin abaal.

Mucaaradkii ayaa qudhoodu beddelay farsamadii hore, halkii awal ay afka ka hadli jireen waxa ay bilaabeen in ay ku doodaan in talada la qaybsado. Ma’aha kuwa sida cad looga xoogo kursiga oo keliya kuwa ku dooda in talada lagu daro ee waxa xataa dhacda kuwo looga adkaaday si muuqataa in ay ku andacoodaan in la dhiso dawlad mucaarad iyo muxaafadba ka dhex muuqdo. Waa casharo cusub oo ay ina bareen kuwii marka horeba inoo keenay dimuqraadiyadda oo iyagu aanay ku dhaqmin, tusaale ahaan haddii reer galbeedka ku shubasho kastaa ka dhacdo doorashooyinkooda lama faafiyo cidda la khiyaameeyeyna waxa ay ku qasban yihiin in ay aamusaan. Laakiin mar kasta oo ay afrikaanku isku qabsadaan doorashada waxa ay reer galbeedku ku dhex dhexaadiyaan awood qaybsi, iyada oo aan la eegayn cidda boobka wadda iyo inta la boobay.

Kenya:

Waxa laga bilaabay nooc cusub oo ah xal u helista marka doorashooyinka ay Afrikaanku ku murmaan. doorashooyinkii Madaxweynenimo ee 27 December 2007-dii geyeysiiyeen in ay naf waayaan 1500 oo ruux kadib markii ay foodda si arxan darro ah isu dareen taageerayaasha murashaxa xisbiga talada hayey ee Miwai Kibaki oo ay hubaal tahay in uu ku shubtay iyo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ahaa ee Raila Odinga, waxa guryahoodii ka yaacay dad lagu qiyaasay 300 oo Kun oo badankoodu yahay dumar iyo carruur. Waxa aanay ku dhammaatay in kuwii dimuqraadiyadda ina baray u sheegaan in ay bannaan tahay in talada la qaybsado. Taladan oo badankeeda ay lahayd Condoleezza Rice waxa fuliyey Kofi Anan.

Zimbabwe:

Zimbabwe ayaa hadda ku taagan jidkii Kenya. 29 March ee sanadkan waxa doorashooyin ay ka dhaceen dalka Zimbabwe doorashooyinkana waxa ku nafwaayey dad ka badan 40 qof oo ahaa taageerayaasha Morgan Tasfangrai oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah, halka urur hubaysan oo taageersan madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mughabi uu ka laayey dad xad dhaaf ah. In kasta oo aanu weli dhammaan murankii doorashooyinkani haddana, dawladda Maraykanka iyo midawga Yururb oo soo maray madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa keenay dawadii hore ee ay ku tijaabiyeen dalka Kenya .

Dimuqraadiyadda farsamaysan ee Afrika:

Amar ku taagleynta madaxda Afrika, musuq-maasuqa iyo xaalad abuurka amni waa ku caan oo uma baahna in aynu qoraal badan ku lumino, waxa keliya mudan in laga hadlaa waa laba arrimood oo kala ah in shacabka Afrikaanku filayey in dimuqraadiyaddu u soo jiiddo madax fiican, nidaam fiican iyo horumar, laakiin waa ay ku hungoobeen, waxa kale oo ay filayeen in madaxda mucaaradka oo si heer sare ah u tirin taqaanna gefafka iyo gaabiska dawladdahooda Afrika ay dhaami doonaan marka ay talada qabtaan, waxa ay bulshada Afrika ka filaysay madaxdooda mucaaradka ahi in ay si nabada wax ku doonaan, haddii ay dhici weydana talada kula soo noqdaan si wada jir looga arrinsado tallaabada labaad ee la qaadayo, isla markaana ay dadku u fahmaan in waxa ay mucaaradku wadaan yahay is beddel doon ee aanu ahayn kursi doon. Taas ayaa iyaduna noqotay biyo col dhaanshay kadib markii ay run noqotay in ay yihiin kursi doon, markhaatiga ugu dhow ee muuqdayna yahay, markii madaxdii mucaaradku ku qanceen in si aan awood badan la siinin haddana ay ula qaybsadaan kursiga madaxdii ay caayayeen ee talada haysay. Waa Muwai Kibaki oo dawladdiisu caan ku tahay musuq-maasuqa oo kii naqdiyayey uu u noqday Raysal wasaare aan ka awood badnayn madaxweynaha, waa Mughabi oo lagu eedaynayey musuq-maasuq iyo talo xumo laakiin maanta kuwii naqdiyayey ee dadku u hanweynaayeen ayaa hadda u diyaar ah in ay awooda la wadaagaan. Sababta labaad ee muujinaysa in mucaaradka Afrikaanku aanu dhaamin ama kaba hooseeyo kuwa la eedaynayo ee talada haya. Tusaale kale oo dhow ayaa ah in Mucaaradka Afrikaanku barteen in si la mid ah madaxweynayaasha ay adeegsadaan xoog iyo hub. Waxa ay soo saareen nidaam aynu ku magacaabi karno, Kacaanka Dimuqraadiyadda hubaysan. Waxa ay madaxda Afrika caan ku ahaayeen in ay hub u adeegsadaan rumaytaan ku sii fadhiga kursiga laakiin mucaaradka ayaa hadda bilaabay in natiijada doorashadu tooda noqoto iyo in ay hub u adeegsadaan. Waxa iyaduna hadda soo kordhaysa gacmo shisheeye oo mar walba u diyaar ah in ay taageeran dhinacyada isku haya kursiga iyaga oo mid waliba garab siinayo ka uu u arko in uu dantiisa fulinayo. Mashaakilaadkani waxa ay halis ku hayaan shacabka Afrikaanka ee awalba dhibta cuslaysay.

Somaliland:

Somaliland oo socod barad ku ah nidaamkan cusub ee ah in lagu kala baxo codka sanduuqa, isla markaana dhibta uu la qabo walaalihiisa Afrika ay u dheertay aqoonsi la’aan iyo taageero dibadeed oo aan jirin ayaa hore uga soo samato baxay dhib ku sigatay in ay ka soo gaadho muran ka dhashay doorashooyinkii madaxtooyo ee u horreeyey, dad badan ayaa fadliga arrintaa dusha u saara shacabka oo nabad jecel una bislaaday halka kuwo kalana ay ku ammaanaan guurtida, haddaba cidda doontaa ha yeelato libta’e laakiin, waxa muhiim ah in doorashooyinkii hore iyo kuwa aynu kor ku soo tirinay aynu duruus ka baranno si aynu uga badbaadno dhib ku timaadda dalkan iyo nabaddiisa.

Dersiga koowaad: waa in aynu xisaabta ku darsanno in dimuqraadiyaddeenu ay tahay mid ku salaysan beelo, ilaalinta amniga iyo cubo dhowrka jiritaanka dalkan si aanu ugu dhex milmin badweynta maasaa’ibta ah ee ka jirta qaybtii laga soo baxay ee Somalai iyo guud ahaan Geeska. Taasi waxa ay keenaysaa in ay qasab noqoto in aynaan kala dhoweysan kooxaha ku hirdamaya talada Koonfurta iyo dawladaha deriska ah oo haddii ay dhacdo laga yaabo in faro gelin aynaan hadda awoodin iska ilaalinteeda la inoola yimaaddo.

Dersiga Labaad: In cidda talada haysaa fahamto in danta keliya ee ugu adagi tahay jiritaanka Qaranimada, taas ayaa keenaysa in meesha ay ka baxdo nin jeclaysiga iyo kursi ku dheggenaantu, waxa muhiim ah in iyada oo dantaas laga duulayo ay dawladdu ka feejignaato inay ku kacdo ku shubasho laga yaabo inay inoo horseeddo xeerka ah Dhanwalba ha lagu qado ee dhegley ku shub.

Dersiga Saddexaad: Waxa iyaduna muhiim ah inta aan la gaadhin doorashooyinka foodda inagu soo haya in la is weydiiyo inta uu gaadhsiisan yahay bisaylka guddiga doorashooyinka iyo sida loogu hallayn karo xal u helista dhib kasta oo timaadda. Taas macnaheedu waa in maadaama oo ay guddidani tahay ta go'aanka ugu dambeeya ee doorashada iska leh sidaa awgeed go'aankoodu uu colaad iyo nabadba keeni karo. 

Dersiga Afaraad: Xisbiyada mucaaradku waa in ay ka feeginaadaan siyaasadda ah Ku qabso ku qadi maysid ee oo ah ta la degtay dalalka Afrika guud ahaan, in ay ogaadaan waxa la filayaa in aanu ahayn kursiga oo ay helaan kuna socdaan sidii uun hore ee ay tahay is beddel, haddiiba ay dhacdo ta daran oo ah in ay xukuumaddo wax is daba mariso waa inay ka feejignaadaan rabshid iyo kicin ee ay ku dadaalaan in ay xaqooda ku raadsadaan si silmi iyo ammaan ah lana wada dhowrayo beedka aynu koolkoolinay.

Qalinkii..

Kamaal Ahmed Ali

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....