| Qaraxyo Gilgilay Hargeysa Iyo Magacyada Dhaawaca Iyo Dhimashada |
|
|
|
| Thursday, 30 October 2008 | |
Hargeysa(Geeska)-Qaraxyo xidhiidh ah ay isku dilleen dadkii fuliyay ayaa shalay lala beegsaday xarunta Madaxtooyada Somaliland, xafiiska Itoobiya ee Hargeysa iyo xarunta hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP ee magaalada Hargeysa. (Daawo Sawirada)
Qaraxyadaas oo lagu fuliyay saddex baabuur oo noocoodu yahay SURF oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxa inta la hubo ku geeriyooday 20 Ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen 31 qof.
Falalkan oo ay u dhexeeyeen daqiiqado yari, waxa ay guud ahaan gilgileen magaalada Hargeysa, iyadoo qarixii u horeeyay lala beegsaday xarunta hay’adda UNDP, ka labaadna xafiiska Itoobiya, halka qaraxa saddexaadna lagu soo gunaanaday xarunta Madaxtooyada Somaliland oo uu xilligaas ku sugnaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Dadka falalkaas ku dhintay ayaa waxa ka mid ahaa xoghayihii gaarka ahaa ee Madaxweyne Rayaale, Marxuum Daahir Cali Iid, Marxuum Xuseen-Afgaab oo ahaa la taliyaha Madaxweynaha ee hay’adaha caalamiga ah, Xildhibaan Laangadhe Libaax, saddex xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha safaaradda Itoobiya iyo masuulkii amniga ee xarunta hay’adda UNDP Marxuum Axmed Cilmi Geelle.
Dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu halis tahay ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo ay jiraan qaar ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda UNDP oo loola cararay magaalada Nayrobi, si loogu soo daweeyo. Waxa kale oo ay qaraxyadani khasaare kala duwan u gaysteen dhismayaasha xarumaha lala beegsaday iyo weliba gaadiid goobahaas dhex yaalay. Waxa uu si gaar ah khasaare xoog lihi u soo gaadhay xafiiska Itoobiya, iyadoo uu burburay inta badan dhismaha xafiiska Itoobiya ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale waxa uu khasaare gaadhay wejiga hore ee dhismaha Madaxtooyada Somaliland.
Masuuliyiinta sar sare ee Somaliland ayaa cambaareeyay qaraxyadan, iyagoo ku tilmaamay duulaan lagu soo qaaday Somaliland. Madaxweyne Rayaale “Aad baan uga xumahay waxa dhacay, shacabkana waxa la handaday Nabadoodii iyo jiritaankoodii, Waxaanan kula talinayaa inay feejignaadaan indhahana kor u qaadaan, cadowga ku dhex jiraana ay gudahooda iska baadhaan, oo nin kasta oo muwaadin ahi ciidamada nabadgalyada soo ogaysiiyo wax alla wax uu dareemo iyo waxa ay ka shakiyaan, Ciidamada Qaranka iyo kuwa nabadgalyadana waxaan leeyahay heegan buuxa Saacadaa laga bilaabo. In alla intii nagaga dhimatayna Tacsi baan u dirayaan. Waxaanan leeyahay ILAAHAY (SW) samir iyo iimaan ha inaga siiyo, Qarankana liici maayo, cadowgiisana wuu ka guulaysan doonaa.” Faysal Cali Waraabe “Waxa lagu soo duulay Qaranimadeenii iyo dadnimadeenii iyo nabadeenii iyo doorashadeenii iyo diwaangalinteenii. Arintana waa arin la inoola badheedhay oo la inoo qorsheeyay oo wakhti aynu ku jirno dadaal aynu ku adkaynayno Qaranimadeena iyo dimuqraadiyadeena lala beegsaday loona jeeday in la inaga mushkiladeeyo oo carqalad la galiyo hanaankeena dimuraadiyadda iyo Ictiraafkeena, waana arin loogu talo-galay in la dilo Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka oo jaho-wareer dhaco”. Axmed Siilaanyo “Dawlada iyo caam-ahaanteenba waanu uga tacsiyadaynayaa dhibaatadan ina soo gaadhay ee dal ahaan iyo dad aanba inoo soo gaadhay, arintaasina waa arin la inoola badheedhay markii ugu horaysayna maaha, ee weerar lagu soo qaado xasiloonida iyo dagenaanshaha reer Somaliland, ee dhawr jeer oo hore ayaa la isku dayay, mar walbana ILAAHAY (SW) ayaa inala baxsaday, waxa inala baxsaday dadkeena dadaalkiisa. Dadka reer Somaliland hore ayay halkan u soo mareen waa dad hore dagaal u soo galay waa dad hore ugu tashaday inay aayahooda, dimuqraadiyadooda iyo daganaanshahooda Ilaashadaan, maantana waxa kuligeen waajib inagu wada ah in aynu meel ka soo wada jeedsano.” Maraykanka Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Ms. Jendayi Frazer oo xalay fiidkii shirjaraa’id ku qabatay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarka qaraxyada ah ee lagu qaaday Somaliland, “Waxaanu cambaaraynaynaa weeraradii argagixiso ee lagu qaaday Somaliland, waxaanan tacsi u dirayaa ehelada dadkii wax ku noqday weeraradaas.” Ayay tidhi Jendayi Frazer, waxaanay intaas raacisay, “Weerarka lagu qaaday Hargeysa oo dhacay 10:15 ee barqanimo, oo lagu beegsaday Madaxtooyada Somaliland, xafiiska UNDP ee Hargeysa iyo xafiiska ganacsiga ee Itoobiya, waxay ahaayeen weeraro argagixiso oo ay qaadeen kooxo naxariis daran, waxaanay tusaale u yihiin in Al-Qaaciida ay ka dambeeyaan.”
Magacyada Dhaawacmay Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin magacyada dadka ku dhaawacmay qaraxyadaas shalay, haddana Geeska Afrika waxa uu helay magacyada qaar ka mid ah 31-ka qof ee dhaawacnay, waxaanay kala yihiin sidan: 1) Hinda Abiib Cabdillaahi 2) Muuse Maxamed Shirwac 3) Maxamuud Haaruun Axmed 4) Axmed Ismaaciil Cali 5) Maxamed ........ 6) Xaaji Cabdi Rooble Axmed 7) Cabdirisaaq Cabdi Faarax 8) Faarax Maxamed Xuseen 9) Maxamed Cabdi Maxamuud 10) Maxamuud Maxamed Mire 11)Aadan Muuse Faarax 12) Jamaal Cabdi Muxumed 13) Khadar Cabdillaahi Muxumed 14) Maxamed Aadan Ismaaciil 15) Xuseen Xasan Shirwac 16) Abokor Sulub Axmed 17) Cabdicasiis Maxamed Faarax 18) Cali Cabdilaahi Xaashi 19) Ibrahim Cabdillaahi Xuseen 20) Cabdillaahi Cabdi Xasan 21) Sulub Cabdi Saleban 22) Maxamed Cabdillaahi Guuled 23) Xiis Mahdi Sugaal 24) Bare Yaasiin Geelle 25) Maxamed Cabdi Cismaan 26) Maxamed Axmed Amare Magacyada Dadka Geeriyooday Qaar ka mid ah dadka qaraxyadaas ku geeriyooday ee uu magacyadooda helay Cisbitaalka Hargeysa ayaa waxa ay kala yihiin: 1). Daahir Cali Iid Xaaji Xasan 2) Ibrahim Cabdirisaaq Cabdillaahi 3) Maxamed Axmed Cumar 4) Maxamed Cabdiraxmaan Sugule 5) Maxamud Maxamed Yuusuf 6) Ibrahim Aadan Cabdi 7) Xuseen Maxamuud Faarax 8) Deeq Cilmi Geelle 9) Maxamed Cismaan Laaangadhe Libaaxo 10) Layla Xaaji Cabdi Rooble ---- Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa --------------------------------------------------------------------------- Fiiro gaar ah: Xuquuqda daabacaadu waxay u gaar tahay shabakadan, hadii aad warkan xigato, fadlan waa inaad xustaa isha warka, tusaale ahaan waa inaad wada qortaa 'source' dusha ku xusan, balse yaanay dhicin inaad warka 'copy' garaysato kadibna 'source' iskaga tagto! ...... Mahadsanid |
23 AUGUST 2010
---> Editorial: Business men should have mercy on their people
---> Britain and Somaliland Enhance Bilateral relations
---> “Recognition is within Somaliland”
---> Presidential palace staff sacked
---> Importation and Sale of TB Drugs Banned
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI); Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....
| Home |
| Somali Music |
| Archive |
| Search |
| Contact us |
| Geeska Afrika |
| Hadhwanaag News |
| Somaliland Education |
| Qaran News |
| Somaliland Technology |
| Somaliland Info |