Home
Ballooy Baydh PDF Print E-mail
Thursday, 30 October 2008

Maalintii shalay waxa magaalada Hargeysa ka dhacay saddex qarax oo lagu fuliyay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, oo lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Itoobiya ee Somaliland iyo xafiiska guud ee hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay, waxaanay gaysteen khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba.

 

Qaraxyada noocan oo kale ah oo markii ugu horaysay ka dhacay Somaliland, lama oga cid ka dambaysay oo si rasmi ah loo shaaciyay amaba u sheegatay. Hase yeeshe cid kastaba ha samayse waxa ay ahaayeen kuwo abaabulan oo si xeel dheer loo soo qorsheeyay. Marka la eego qaabka isku xidhnaanshaha wakhti ee loo fuliyay qaraxyada, waxa noocooda oo kale tiraba dhawr jeer hore loogu arkay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somaliya, halkaas oo xilliyo kala duwan baabuur waxyaabaha qarxaa ka baaxuun lala beegsaday masuuliyiin iyo xeryaha ciidamada Itoobiya.

Falalkani waxay ahaayeen kuwo fool xun oo argagax ah, oo cid kasta oo aragta amaba maqashay ku noqday layaab iyo fajiciso. Waxa dhiiggooda la qubay dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan oo uu Alle (SWT) xarimay in dhiiigoodda lagu daadiyo xaq darro. Waxa kale oo ay dhacdadan wax shinimada ahi jahawareer iyo baqdin ku abuurtay dad tiro badan oo ku bariistay nabadgelyo.

Si kastaba ha ahaate, lama oga cid falkaas loo qabtay, inkastoo dadkii falka fuliyay ay ku dhinteen qaraxyadaas, waxase suurto gal noqon karta inaanu hawlgalkani ku koobnayn oo keliya xubnaha qaraxa baabuurta ku geeriyooday. Sidaas awgeed xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah inay qaado tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayaan sidii lagu ogaan lahaa cidda ka dambaysay dhacdadan iyo weliba haddii ay jiraan kuwo kale oo soo socdaa sidii looga hortagi lahaa. Sababtoo ah ilaalinta ammaanka dalka iyo dadkuba waa masuuliyadda xukuumadda. Weliba waxa Madaxweyne Rayaale oo ahaan jiray sarkaal ka tirsan ciidamadii mukhaabaraadka Somaliya, looga fadhiyaa inuu adeegsado khibradiisa ay isaga iyo  in badan oo ka mid ah masuuliyiintiisu u leeyihiin falalka noocan oo kale ah, helitaanka xogtooda iyo ka hortagoodaba.

Dhinaca kale, shacabka Somaliland waxa iyana waajib ku ah inay is dejiyaan oo ay islamarkaana indhaha u furaan si feejigan oo ay caadifadi ka madhantahay, wixii dareen ka galana ay u gudbiyaan hay’addaha ammaanka  u qaabilsan dawladda Somaliland.

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 

---------------------------------------------------------------------------

Fiiro gaar ah: Xuquuqda daabacaadu waxay u gaar tahay shabakadan, hadii aad warkan xigato, fadlan waa inaad xustaa isha warka, tusaale ahaan waa inaad wada qortaa 'source' dusha ku xusan, balse yaanay dhicin inaad warka 'copy' garaysato kadibna 'source' iskaga tagto! ...... Mahadsanid

 
Advertisement

Dhagayso Waraysi xiiso badan

 
Waa Waraysi lala yeeshay Maareeyaha Shirkada Somaliland Beverage Industries (SBI);  Mustafe Cismaan Geele Faarax : Waxa uu ka waramayaa Shaqaale shirkadu qaadanayso iyo weliba....